Maalmahan sida aynu la
socono, inkasta oo aanay sidaa u sii buurnayn, waxa Gobolka awdal ka taagnayd
xaalad cakiran oo curatay horaantii bishan December ee aynu ku jirno, kadib
markii suldaan kamida odayaal dhaqameedka gobolka awdal uu buuraha galay, kuna dhawaaqay
inuu ka goostay Somaliland. Xukuumaduna dhinaceeda ay arintaasi kaga fal
celisay in ay ciidamo tiro badan udirto gobolka awdal, xabsigana dhigto laba
xildhibaan oo kamida xildhibaanadii shacbigu soo doortay ee golaha deegaanka
degamada awdal oo arinta suldaanka ka hadlay.
Hadaba marka la eego talaabada suldaanku qaaday iyo tan
xukuumadu kaga fal celisayba waxa la odhan karaa labada talaboba waa qaar aan
loo meeldayin oo iyadoo aan talada la rog-rogin,si fiican looga baaraan degin
lagu talaabsaday.
Hadii aan ku horeeyo ta hore, waa ta suldaankee,
suldaanku hadii uu wax tawday waxa la
gudboonaa inuu qaado talaabo kasta oo
aan ka ahayn mid colaadeed oo uu ku muujinaayo tabashadiisa iyo tan gobolka
awdalba, balse may ahayn iyadoo boorama ahayd halkii qaranimada Somaliland
salka loogu taagay, awdal na ay hogaanka talada dalka haysay sideed sanadood oo
xidhiidha, in uu maanta tabasho yar oo beri dhamaanaysa uu ugu dhawaaqo inuu
Somaliland ka goostay oo uu kiciyo fidno hadii ay sii socoto aan cidna u aabo
yeelayn oo isaga, gobolka awdal iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ba
dhaxal siin karta arin aan si fudud looga soo waaqsan Karin.
Waa talabaade, xukuumadu iyadoo aan marnaba muran ka
taagnayn in iyadu masuul ka tahay amniga iyo midnimada qaranka
somalilandba,sababta ciidanku u jiraana tahay sugida amniga qaranka iyo
difaacida xuduudihiisaba,hadana waxa hubaala in aan adeegsiga awooda ciidan
marnaba ahayn mid kaligeed ku filan sugida amniga iyo midnimada qarankani
jamhuuriyada Somaliland, balse markasta loo baahan yahay in shacbiga reer Somaliland
noqdo mid ku wada nool isfahan iyo is qan cin, wax kasta oo dhacana loo
maareeyo si xilkasnimo iyo xikmadi ku dheehantahay.
Arinta suldaanka ee hada taagana waxa runtu tahay in
talaabada ay xukuumadu qaday tahay mid fari ku godan tahay oo dadbadani wax
iska waydiinayaan, iyadoo dadbadani aaminsan yihiin in xukuumada iyo suldaanku
wada socdaan oo aanay laboba kala ahayn, oo xukuumadu halkaasi ka baandhaynayso
mudo kordhin loo samyo, waayo, talaabada ay xukuumadu qaaday maaha tii ugu haboonayd, ee hadii aanay si kale ba wax
u jirin, waxa biyo kama dhibcaana in xukuumadu qardo jeexday, oo ay ka baydhay
jidkii iyo tubtii Somaliland ku soo caano meeshay ee wada hadalka, wada
xaajoodka, is qancinta iyo islaab xaadhashada.
Taas macnaheedu maaha in aan difaacaayo falka uu
suldaanku sameeyay, balse waxa meesha yaalaa waxa weeye, iyadoo aynu ogsoonahay
in talaabada suldaanku qaaday tahay mid xidhiidh la leh oo uu ka faa’idaystay
tix gelin la’aantii tabashadii gobolka ee ay odayaal dhaqameedka gobolka awdal
hore ugu soo gudbiyeen Madaxweyanaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (siilaanyo), in aan cududa ciidan ee ay xukuumadu ku daad
guraysay gobolka awdal sidii aynu dawlad kale ishayno iyo talaabooyinka kale ee
ka danbeeyay ee ay xataa ku xidh xidhay xildhibaanadii sharcigu xasaanada
siiyay ee shacbigu soo doortay, aanay ahayn talaabooyin wax wanaajinaya ee ay yihiin qaar arinta uga sii daraaya oo xaalada sii kicinaaya, islamarkaana taageero hor
leh siinaaya suldaanka diboodka ah ee aan waxtaagero ah ka haysan labeenta,
wax-garadka iyo guud ahaan shabiga maamuuska iyo sharafta huwan ee gobolka
awdal.
Si kastaba ha ahaatee, arinta Gobolka Awdal ee aan ilaa
hada xal loo helin, canaanteedu maaha mid ku kooban xukuumada, balse waa mid
saraan dhamaan wax garadka Somaliland oo uu ugu horeeyo Golaha Guurtida Somaliland
oo arintan iyo kuwa kale ee la midka ahiba yihiin ujeedii Golaha Guurtida loo
aasaasay, iyadoo marka la eego ilaa hadda sida Golaha Guurtidu u aamusan yahay
ee aanu arinta waxbaba uga odhan, lays waydiin karo su’aal ah,toloow Goluhu ma
waxa uu hadlaa marka ay taladu murugto ee ay wax kastaa qasmaan,oo waxa uu sugayaa
inta dhanlaaxda lays qaadaayo, mise beryahan danbe goluhu wuu dhalan rogmay oo ilaa xukuumadu dirto ma
dhaqaaqaayo oo waxa uu sugayaa inta xukuumadu u gacan haadinayso ee ay
dhaqdhaqaajinayso.
Ugu danbayn Somalidu waxay ku maahmaadaa “ Belo daaman
la qabto ayay leedahaye, dabo la qabto malaha” ee waa in sida ugu dhakhsaha
badan arinta ugalaan Guurtida iyo wax garadka kale ee Somaliland, haday yihiin
sulaadiinta,cuqaasha, culimo awdiinta, aqoonyahanka iyo cid kasta oo kale oo
arinta arin ka gaysan karta oo arinta wada hadal lagu dhameeyaa.
Sidoo kale
xukuumaduna waa in ay fiiro dheer yeelataa, oo ay si mug leh uga fiirsataa
talaabooyinka ay qaadayso, talaabooyinkeeduna noqdaan qaar caqli fayoow lagu
eegay, oo ka fog xamaasad iyo istaawin,arintanna uga danbaysaa culimo awdiinta,
aqoon yahanka iyo odayaal dhaqameedka gobolka awdal oo ay wehelinayaan wax
garadka kale ee Somaliland, oo ay ugu horeeyaan sulaadiinta, cuqaasha, culimo
awdiinta iyo aqoonyahanka,adeegsiga awooda ciidana noqotaa xalka ugu danbeeya
ee lagu ciiro marka waxa kale oo dhami shaqayn waayaan ee laga caalwaayo, tabashada guud ee ka jirta gobolka awdalna ay xukuumaddu ilaa xad intii
macquula ka jawaabto, xildhibaanada xidh xidhanna ay sida ugu dhakhsaha badan
xoriyadooda ugu celisaa.
Qalinkii: Qaryaqan Jamaal Xuseen Axmed.
Phone: 4122290.
Phone: 4122290.
No comments:
Post a Comment