Monday, September 19, 2016

Farriin ku socota ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha dalka

Hir cusub oo nololeed ayaa bilaabmay. Farxad, rejo iyo riyaaq ayaa kugu kulmay, sahanka mustaqbalkuna geeddi hor leh ayaa uu hilaadiyay. Waa ku kan, oo saaka xafladdii qalinjebintaada ayaa loo fadhiyaa.  Laba illaa saddexdii  cisho ee ka horreeyay  waxa aad ku  jirtay isu diyaarinta ka qaybgalka xafladdaas sida weyn loo agaasimay. Waxa aad soo  xidhatay  khamiis madow oo  diillimo  leh, madaxana waxa kuu saaran koofiyad afar  gees leh oo ubaxyo ku tolan yihiin. Lebbiska maanta aad ku joogtaa waa astaan  lagu  tilmaansadain aad wax barasho jaamacadeed dhammaysay. Waxa aad diyaar u tahay in aad madaxweynaha  ka guddoonto shahaado ka marag-kacaysa in aad aqoonyahan tahay. Si kale Kuma garatide, maanta waa lagu caleemasaaray; run ahaantii waa lagu caleemasaaray oo bulshadaadii, ehelkaagii iyo dalkaagii ayaa ku caleemasaaray.

Waxa ku weheliya oo xafladdaa iyo raynrayntaa  kaala qaybqaadanaya waalidkaa oo  muddo  ku soo  garab taagnaa, lagana yaabo in uu danyarow ahaa, amma saaxiibkaa amma ehelkaaga kale ee kuu dhow. Dhammaan waxa ay diyaar u yihiin in adareenka farxadeed kula wadaagaan, sawirro xasuusta geli doonana kaa reebaan  kolka madaxweynuhu ku salaamo, amma shahaadada laguu dhiibo.

Xasuusta maalintaasi kaama guuri doonto, in door ahna  madaxaaaga ayaa ay  guuxi  doontaa. Haddii Eebbe kugu simo, in badan oo noloshaada dambe ka mid ah waxa aad daawan doontaa sawirrada aad goobtaa iskaga qaadday, aaladihii kuu suurtogeliyay iyo isgaadhsiintii kaa caawisay in ay bulsho badani xasuustaa kula aragtaana waa aad u mahadnaqi. Xasuustu waa duug hadhi doona e, in xafladdii  dhammaatay, iyo in aad lebiskii qalinjebinta  ciddii lahayd ee aad ka soo ergisatay u celiso ku abshir.

Hadda waa aad soo laabatay. Qiiradii iyo dareenkii farxadeed ee qalinjebintu waa uu sii yaraanayaa, waxaana beddelaya dareen kale oo saadaashiisu hummaagyo kala duwan leedahay. Wayddiimaha maankaagu soo celinayo waxa ugu weyn, waxa xigi doona caleemasaarkii lagugu boqray. Isla caawaba, goobaha lagu caweeyo ayaa aad ka sheekaynaysaa. Waa adigan asxaabtaadii yo ehelkaagii la wadaagaya xafladdii  maanta iyo dhacdooyinkii  ku xeernaa. Waa adigan ogsoon aroorta in aanad u kallahayn waxbarashadii jaamacadda. Inkasta oo aad hurdo isu  diyaarisay, haddana caawa jewigu ma aawana oo hurdadu ma aha mid sidii hore kuugu soo degaysa. Waxa jira wayddiimo  cusub; kuwaas oo gadaal ay ka soo riixayaan hammi iyo fekerro cusub oo carcartooda wataa. Habeenku si uu kaaga tegayba, waa san ayaa kuu beryay, wax kastaaba se sidii hore waa ay ka geddisan yihiin.  Saaka, waxa aad dareemaysaa xaqiiqo kale. Oo maxay tahay? Jaamcaddii afarta sano aad u kallahaysay waa aad dhammaysay. Ogoow oo afartaa sano baahidaada cid kale ayaa masuul kaaga ahayd, maanta se cutubkaasi waa uu xidhmay!

Waxa aad foodda saartay jid kale oo ka sii  dheer  kii  aad shalay  soo martay, oo   maanta  ugu yaraan waxa aad – masuul ka noqonaysaa – baahiyaha naftaada, iyada oo masuuliyado kale oo dheeraad ahina meertadaada ku soo biirayaan.
Abaal badan ayaa lagugu  leeyahay,  sidii aad u celin  lahaydna waa hawl ku sugaysa. Abaalkaas intiisa badan waxa kugu leh waalidkaa iyo ciddii kale ee noloshaada ka soo qayb qaadatay. Marka xiga, dalkaaga iyo  dadka aad ka dhalatay ee aad wax u soo  baratay,  ee shalay  ku  caleemasaaray, ayaa ay  tahay in aad abaal u celiso, oo waajibka kaa saaran aad ka soo  baxdo. Qabyada kuu taallaa waa mid badan. Waajibaadyo ay tahay in aad xambaarto ayaa ku sugaya, adiga ayaa ay ku sugayaan. Hoggaankii berrito waa adiga. Adeegihii  berrito waa adiga. Macallinkii  berritoole waa adiga, oo wax kasta oo  jiraa berri waa adiga, maxaa yeelay  maalmaha soo socda adiga ayaa ah hoggaanka mustaqbalka iyo  hormoodka ummadda.

Hilinkaas iyo hawaalihiisa haddii aynnu isla garannay, bal aan isku dayo in aan wax yar kaaga iftiimiyo timaaddada kugu soo foolka leh iyo sida xaalku noqon karo. Waxa aad u  dhalatay  oo ka dhalatay  ummad wax weyni ka maqan  yihiin. Waa ummad laga nasiib badan yahay, jirtadeeda iyo taladeedana gacmo kale ku jiraan.  Waa ummad khayraadkeeda lala leeyahay, oo sharafkeedu  liidato. Ummad  aan meeqaam iyo macno weyn ka lahayn fagaaraha adduunka, ummad kala qaybsan oo qabyaaladi dishootay. Ummad qaadka iyo qabiilku  yihiiin labada shay ee soo deddejin doona dabargo’eeda. Ummad loo foolxumeeyay  dalkooda, oo la nacsiiyay. Ummad gudaheeda lagu qadiyay,  marka ay  dalkeeda ka baxdana  cad quudheed la siiyo. Ummad aan laga caawin oo aan laga taageerin kaabayaasha lafdhabarta u ah nolosha. Ummada aad ka dhalatay waa ummadda astaamaheedu sidaa u foosha xun yihiin, ee iyaduna  qaayibtay xumaanta, xumaan wixii u darnaana iyadu dhexdeeda isu geysatay. 

Sida aad ogtahay, ummaddaada kuwa xilka loogu dhiibaa 90% bilaha u horreeya ayay boobka hantideeda yar filooyin iyo dabaqyo dhaadheer kaga dhistaan. Ummadda aad ka dhalatay waa ta aan marnaba la xisaabtamin cidda masuuliyadda u qaadda, waa mid aad aqoon xaqa ay ku leedahay kan xilkeeda qaadey iyo waajibka iyada lagu leeyahay midnaba.

Ummaddaadu waa ta  neceb shaqada adag iyo wax soosaarka, ee qof kasta oo ka mid ahi fekerayo  sidii uu  hawl fudud oo waqti yar  uga heli lahaa macaash buuran, oo isaga iyo qoyskiisuba ka dhergaan. Alla hawsha kuu taalla iyo  golaha aad hab ku soo  tidhi  wiilyahow/gabdh yahay, dhib  badanaa!
bidhaantaa iyo aayatiinkaa werwerka leh aan kaa yara qariyo e bal dhan kale nasiib-wanaaggaaga soo eeg: waxa aad ku dhalatay  oo aad leedahay  dalka adduunka ugu  hodan san uguna barwaaqada badan.

  • Waxa aad leedahay  dhul Ilaahay ku mannaystay khayraadka  xoolaha  nool
  • Waxa aad leedahay xeebo dhaadheer oo  kalluun iyo khayraad kale  ka  buuxo.
  • Waxa aad leedahay  waddan dhul beereedkiisu 95% ka badan yahay, (waddan illaa xeebihiisa laga beeri  karo timir  cuntooyin kale).
  • Waxa aad leedahay dal Ilaahy  ku mannaysatay  macdano kala duwan oo qaali ah, oo  weliba dusha sare daadsan oo aan u baahnayn qodaal iyo godad hoose oo shaqo badan u baahana amma [kugu dumi kara].
  • Waxa aad leedahay dal uu ceegaago  shidaal.
  • Waxa aad leedahay dal ku  yaalla meelaha adduunka ugu habboon ee xagga meel-fadhiga (strategy).  
  • Waxa aad leedahay dal cimiladiisu  ay tahay tan ugu wanaagsan adduunka, sababta oo ah  dhulkaagu malaha baraf  iyo kulayl, kamana dhacaan duufaanno iyo dhulgariirro (Alle ha innaga hayee).
  • Waxa aad leedahay  dhul ay  ku  nool yihiin dad isku  midab ah, isku  diin ah, isku af ah, oo isku  mad’hab iyo isku dariiqo ah.
  • Waxa aad leedahay  dhul leh taariikh aad fog; (ogoow Masaaridii  hore iyo  Giriiggii hore waxa ay u soo  hiloobi jireen dhukeenna,  oo ay ka qaadan jireen  udugga iyo waxyaabaha la mid ah).

Marka aad isu  eegto dadkaaga iyo dhulkaaga, waxaa kuu soo  baxaya farqi aad u weyn, waana halka aad ka fahmi karto hawsha kuu taalla baaxaddeeda iyo  gunteedu inta ay le’eg tahay.
Intan kale ee kooban,   haddii  aad ila fahamtay, waxa aan rabaa in aan ku  siiyo  talo wixii aan kuu geysan karo.
Ardayahow wax bartay, wiil iyo gabadh ka aad tahayba, gobol kasta iyo geyi kasta oo Soomaliyeed, oo aad joogtidba talooyinkan iga guddoon:
Horta wax yar  aan ku  xasuusiyo e; maalintii ku xigtay  qalinjebintaada, waxa aad ka fekeraysay waxa aad qaban doonto iyo meesha aad shaqo ka heli doonto. Madaxaaga waxa ku soo dhacayay magacyo iyo hebello aad is lahayd wax ay kuu fududayn karaan in aad shirkad ganacsi ammaba xafiis dawladeed shaqo ka bilowdo.
Niyadjabka kaaga imanaya shaqo-la’aanta ka jirta dalka, qorshe la’aanta  masuuliyiinta  talada haysa ee meella aan u  diyaarin kumannaanka arday  ee sida isdabajoogga ah uga soo baxaya xarumaha waxbarashada ayaa ka mid ah caqabadaha runta ah ee aad wajahayso. Isla caqabadahani waa kuwii kellifay in saaxiibbo badan oo aad garanaysaa dalka ka suudalaan, dabadeedna badaha shisheeye yaxaasku kaga haagay, amma intii ka badbaadday silica ugu nool yihiin dhulal shisheeye.
“Ninkii haayiray ee ka tagay hodanka  ciiddiisa;
Haydalashka uu maganta u noqdey buu abid ka hoosayn!”
-      Macallin Dhoodaan, AHUN.

Haddaba, aqoonyahanka soo baxayoow, waxa aad maanta  taagan tahay halkii ay kula baydheen dariiqii  adkaa ee guusha ku dhammanayay, iyo dariiqii  fududaa ee guuldarrada, dawarsiga iyo  foolxumadda ku dhammaanay. Si haddaba aad u  marto dariiqa guusha waxa lagaa rabaa:

  • Ugu  horrayn naftaada aqoonsi iyo kalsooni buuxda sii.
  • Garawso oo aammin in naftaadu muqaddas tahay.
  • Aammin oo ku niyadsamow in aad tahay qof Alle karaameeyay awoodna u leh in uu nolosha wax ka beddelo.
  •  Garowso hibada iyo awoodaha Alle kugu galladay, han sarreeyana yeelo.
  • Go’aanso oo guddoonso in aad ciiddaada jeclaato, kuna feker in aad hoggaamin iyo hal-adayg yeelato.
  •  Xaqiiqso in sharafta ugu weyn ee aad dunida ka heli karto meesha aanad marti uga noqon karin tahay ciiddaada.
  • Rumayso in ayaantaadii ay maanta tahay, bulshadaaduna baahi kuu qabto.
  • Ku talogal in sidii aad uga xoroobi lahayd labada cudur ee bulshadaada qayrkeed ka reebay haddii aan Eebbe ka cayminna ay dabargo’i doonto (qaad iyo qabyaalad).
  • CV qurux badan  in aad diyaariso, oo aad ku xerayso  laba ama saddex shirkadood oo horeba ay  u buux dhaafiyeen kumannaan CV  kaa soo horeeyay ha ku dagmin hana ku qancin.
  • In aad noqoto maalqabeen adduun badan haystaa yaanay yoolka aad wax u baratay marnaba noqonnin.
  • Adiga iyo [intii kula qalinjebisay] oo isu tegay ayaa abuuri kara shaqo aad ku  noolaataan; ogaadana in aydaan gaajo ugu  dhiman doonin dalkaa qaniga ah ee Rabbi idinku uumay.


Ugu dambayntii, iskuduubnidiinna ayaa ay ku suurtagalaysaa in aad wax weyni iska beddelaan qaabka uu yahay xaalka dalkiinnu. Awooddii wax ka qaban lahayd jihooyinka siyaasadda, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulsho waa idinka oo aamminsan in rejadu idinku jirto. Intiinnii maanta ka qalinjebisay jaamacadda magaalada aad joogto, tirada ay doonaan ha ahaadeene, isku-xidhnaatiinnu waa bilowga iyo tallaabada ugu yar ee isbeddelka noloshiinna iyo ummaddiinna. Tallaabo kastaaba hilinmar ayay bilow u tahaye, haddii aad samaysaan ururka ardayda jaamacadda ee gobolkaaga, amma magaaladaa aad joogto, qorigaa iftiimaya haddii aad isu dhiibtaan – waxa aad iftiin weyn gaadhsiin kartaan dhammaan gobollada dalkiinna.
Dardaarankaaga iyo kayguna ha ahaadaan; in laga fayoobaado labadii cudur ee dilaaga ahaa: qaadkii iyo qabyaaladdii!

Haybad waxaad ku leedahay  dhulkaaga hooyo;
waana lama huraaan ee hagar  li’i  wax ugu qabo.

W/Q:
Mustafe Cali Ducaale
Email: maducaale@hotmail.com