1.
HORDHAC
Cadli dooja mooyee
Wax kaloo rag deeqoo
Dadka lagaga eed baxo
Nin u doonay heli waa’.
- Maansadda
Daba-taxan,
- Abwaan
Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye
Ilaa
iyo maalintaan garaadsaday waxaan maqlaa in caddaalad-darro baahsani ay dalka
ka jirto, waxaan la kulmay oo aan la sheekaystay dad badan oo caddaalad-darro
ka cabanaya, waxaan akhristay qoraalo faro badan oo ka hadlaaya
caddaalad-darrada dalka ka jirta. Sidaas darteed, dhegahayga, indhahayga iyo
garaadkaygu ba waxay ku koreen dal ay caddaaladu ilmaynayso oo ay u
baholyoowday caadilkii noolayn lahaa ee ehelkeeda ku simi lahaa. Caddaalad-darradaasi
aad baa looga hadlaa; caalim iyo caamo ba way ka hadashaa, aqoonyahanka iyo
jaahilkuna way ku murmaan, dulmanaha iyo daalinkuna way ka sheekeeyaan. Waxaa
laysku raacsan yahay in Garsoorku uu yahay kan ku guul-dareystay inuu abuuro
caddaalada isla markaana noqday hooyga caddaalad-darrada ilaa ay caan noqotay
odhaahdani “Ilaahay Meeshaasi nama geeyo”. Waxaa se muuqata in aanu
dadka badankiisu u dhuun daloolin halka ay sartu ka qudhuntay; Haddii nidaam
Garsoor oo madax-banaani aanu jirin ama Garsoorku aanu u madax-banaanayn
shaqadiisa waa inaan caddaalad laga sugin ba.
Qoraalkaygani
wuxuu ku saabsan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya caddaalada iyo madax-banaanida
Garsoorka, waxaanu iftiiminayaa in caddaalad la gaadhi karo oo qudha marka uu
Garsoorku u madax-banaanado shaqadiisa; marka uu ka nabad-galo faro-galin kaga
timaada waaxyaha kale ee qaranka sida golayaasha fulinta iyo sharci-dejinta iyo
dadweynaha guud ahaan. Qoraalkani wuxuu sharaxaad ka bixinayaa waxyaabaha
aasaaska u ah madax-banaanida Garsoorka si caddaalad loo helo.
2. WAAXYAHA
IYO AWOODA QARANKA
Sharciga
saddex gole ka kooban
Haddana
guri qudhi istaadho!
- Maansadda
Gunnaad
- Abwaan
Xasan Dahir (Weedhsame)
Sida ku
xusan qodobka 37aad farqadiisa 2aad ee dastuurka Jamhuuriyadda
Soomaaliland “Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo
kala ah; Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda
waaxood waxay noqon doonaan sida uu dastuurku dhigayo. Waax waliba awooda uu
dastuurka u gaar yeelay way u madax-banaan tahay.”
Mabda’a
kala saarista awoodaha Qaranku (Seperation of Power) wuxuu ka kooban yahay laba
arrimood; kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranka iyo is-kaantaroolid iyo
is-dheelitiris ka dhaxaysa saddexda waaxood ee Qaranka. Waa ta koowaade,
saddexda waaxood ee Qaranka mid kasta ba dastuurku awood ayuu u gaar yeelay;
Xeer-dejintu waxay awood gaar ah u leedahay awooda xeer-dejineed ee Qaranka
(Eeg Qod.38aad ee dastuurka), Fulintu waxay awood gaar ah u leedahay fulinta
qorsheyaasha iyo shuruucda Qaranka (Qod.80aad.Dastuurka), Garsoorkuna wuxuu
awood gaar ahaaneed u leeyahay u gar-naqa ka dhaxeeya Goleyaasha Dawladda,
dadka iyo Goleyaasha Dawladda ; iyo dadka dhexdooda (Qod.97aad.Dastuurka).
Waa ta
labaade, mabda’a kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranku wuxuu ku qotomaa in
aan waaxyaha si dhameystiran gacanta looga gelin waax kasta awooda u gaarka ah
laakiin ay waax kastaa kaantarooli karto waaxyaha kale iyadna la kaantarooli
karo (Check and Balance). Tusaale ahaan, Mashruuc-sharci kasta oo baarlamaanku
ansaxiyaan wuxuu dhaqan-gal noqdaa markuu Madaxweynahu saxeexo
(Qod.38(2), 76aad dastuurka). Madaxda uu Madaxweynahu magacaabo sida wasiirada
waa inay ansaxiyaan Golaha Wakiiladu (Qod.53(1).Dastuurka), xeer aanu
baarlamaanku samaynin Garsoorku ma isticmaali karo. Garsoorku wuxuu burin karaa
xeer ay Xeer-dejintu soo saartay haddii uu ka hor imanaayo dastuurka iyo
shareecadda islaamka (Qod.98(1)(j).Dastuurka).
Inkastoo
mabda’a kala saarista awooda Qaranku (Seperation of power) uu saddexda waxood
ee Qaranka mid kastaba u gaar yeelay awood u gaar ah haddana waaxda Garsoorku
waxay labada waaxood ee kale kaga liidata nidaamka damaanada shaqo. Haddii
xubnaha goleyaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta ay dadku si xor ah u soo doortaan,
muddo cayiman oo aan cidi xilka ka qaadi karina ay xilka hayaan, dadku si xor
ah uma doortaan Garsoorka ee waxaa magacaaba oo xiliga iyo markay la noqotana
xilka ka qaada Guddida Caddaalada oo labada waaxood ee kale ay xubnaha ugu
badan ku leeyihiin. Garsoorku wuu ka mushaharaad yar yahay labada waxood ee
kale, mushaharkiisana waxaa go’aamisa Xeer-dejinta waxaana gacanta ku haysa
Fulinta. Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa Garsoorku ma madax-banaana. Haddii
aanu Garsoorku madax-banaanayna dhexdhexaad ma noqon karo.
3. MADAX-BANNAANIDA
GARSOORKA
Dastuurka
Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu xusayaa in waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u
fulinayso si waafaqsan dastuurka, iyada oo ka madax-banaan waaxyaha kale ee
Qaranka (Qod.97(2).Dastuurka). madax-banaanida Garsoorku waxay muhiim u tahay
dhex-dhexaadnimada Garsoorka ee dabaqaada sharciga, ilaalinta xuquuqaha
aasaasiga ah ee aadamaha iyo gaadhista caddaalad aan dib-u-dhac lahayn.
Madax-banaanida
Garsoorka waxaa lagu macnayn karaa in Garsoore ama hawl-wadeen kasta oo Garsoor
uu u madax-banaanaado inuu ka go’aan gaadho arrinta markaasi hortaala ee uu ka
garsooraayo isagoo ka shidaal qaadanaaya dhacdooyinka horyaala, addeegsanayana
fahamkiisa sharci, isla markaana aanay jirin cid saamayn ku yeelata, khiyaamo
ama caddaadis toos ah iyo mid aan toos ahayn oo kaga yimaada cid kale.
Madax-banaanida
Garsoorku maaha in Garsoorku uu ka madax-banaanaado Xeer-dejinta iyo Fulinta oo
keliya ee waa inuu sidoo kale ka madax-banaanaadaa Siyaasadda, Qabyaaladda iyo
cid kasta oo saamayn ku yeelanaysa ka go’aan gaadhista arrin Garsoorka
hortaala.
3.1. Ka
Madax-Bannaanshaha Fulinta ee Garsoorka
Ugu
horayn Garsoorku waa inuu lahaadaa awood uu kaga madax-banaanaado Xeer-dejinta
iyo Fulinta, taasina waxay iman kartaa marka uu Garsoorku leeyahay awood lamid
ah kuwa labada waxood ee kale. Taasi se ma jirto oo Garsoorku maaliyad ahaan
iyo mansab ahaan ba wuxuu u hoos fadhiistaa labada waaxood ee kale. Mudane
Cabdiqaadir Jirde, mar uu ka hadlaayey kulan hawleed lagu falanqeeyey Garsoorka
Soomaaliland oo ay qaban-qaabisay Akaadimiyada Nabada iyo Horumarka
Soomaaliland 2002dii ayaa wuxuu yidhi:
“Nidaamkeenu
[dawladdeed] wuxuu ku salaysan yahay saddex waaxood oo dawladda ah oo kala
baxsan. Saddexda waaxood waxaa loogu talo-galay inay dastuur ahaan iyo shaqo
ahaan ba midba mida kale ay xakamayso iyo inay mid kastaa ba lahaato awoodii
iyo agabkii ay ku gudan lahayd waajibaadkeeda dastuuriga ah. Nasiib-darro,
Garsoorku waa waaxda ugu awooda liidata saddexdooda. Waxba si toos ah uguma
darsaddaan ka hadalka miisaaniyadda, cid afkooda ku hadashaana ma jirto.
Annagu, haddaanu Baarlamaanka nahay, markaanu ugu yareysano, markaanu
miisaaniyadda ka dooddayno waxaanu dalban karnaa in la noo kordhiyo
miisaaniyadda. Dhinaca kale, Garsoorku waa agoon oo malaha awood, waanu ka
khayraad yar yahay labada waaxood ee kale. Waa dhibaato siyaasaddeed, waxaanay
u baahanaysaa go’aan siyaasaddeed si kor loogu qaado meeqaamka Garsoorka”
Arrinta
kale ee caqabadda ku ah madax-banaanida Garsoorku waa in miisaaniyadda
Garsoorka badankeedu ay gacanta ugu jirto Wasaaradda Caddaalada iyadoo aanu
jirin sharci arrintaasi Wasaaradda awood u siiyey, Wasaarada Caddaaladu waxay
gacanta ku haysaa mushaharka Garsooreyaasha oo dhan marka laga reebo Maxkamadda
Sarre. Wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa dhammaan miisaaniyadda Maxkamaddaha
hoose. Sidaas darteed, Wasaaradda Caddaaladu iyadaa maamusha dhammaan
hawl-wadeenadda Garsoorka, marka laga reebo Garsooreyaasha Maxkamadda Sarre oo
qudha. Taasi waxay caqabad ku tahay madax-banaanida Garsoorka, waxaanay
cadaynaysaa inaanu Garsoorku si madax-banaan u gudan karayn hawlahiisa
dastuuriga ah isla markaana aanu gaadhista go’aan caddaalad ah u
madax-banaanayn. Sida ku qoran warbixin laga diyaarshay Kulan hawleedkaasi
lagaga dooddayey Garsoorka Soomaliland ee ay Akaadimiyadda Nabada iyo Horumarka
Somaliland qabatay 2002dii, mid kamid ka qayb-galayaasha ayaa ka dhawaajiyey
arrintani;
“Inta
aanu go’aan gaadhin, Garsooreha waxaa laga codsanayaa inuu tageero dhinac ama
in aanu go’aan soo saarin ba. Haddii uu samayn waayo sidaasi lagu amray, waa la
eryayaa ama wuxuu waayayaa mushaharkiisa [...]xidhiidhkani ka dhaxeeya
Wasaaradda [caddaalada] iyo Garsoorku waa mid qayrul-dastuuri ah. Waxaa loogu
talo-galay in Wasaaradda door loo sameeyo iyo si loo siiyo awood ay ku
kaantaroosho Garsoorka. Wasaaraddu waxay ahayd inay Xeer-ilaalinta uun la
shaqeyso, si ay xukumadda uga caawiso dhaqan-galinta shuruucda. Dhammaan
Maxkamadduhu waa inay hoos tagaan Maxkamadda Sarre maamul ahaan ama loo sameeya
maamul madax-banaan.”
3.2. Guddida
Caddaalada
Guddida
Caddaaladu sida uu dastuurku dhigaayo waa hay’ada hoggaamisa maamulka
Garsoorka, waxaanay ka kooban tahay toban xubnood oo kala ah Guddoomiyaha
Maxkamadda Sarre, 2da Garsoore ee ugu darajada sarreeya Garsooreyaasha
Maxkamadda sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Wasaaradda Caddaalada,
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo 4xubnood oo labada gole ee Xeer-dejintu
soo magacaabaan. Runtii, daciifnimadda hay’addani waa caqabad ugu culus ee
Garsoorka ka hortaagan inuu madax-banaanaado. Waana caqabad dastuuri oo maahan
mid cid gaar ah lagu eedayn karo.
Hay’addani
wixii ka horeeyey 2011ka xafiis iyo shaqaale toona may lahayn, oo magac-u-yaal
ayay iska ahayd. Imika oo ay xafiis iyo shaqaale yeelatayna, inkastoo taasi ay
tahay yididiilo soo korodhay haddana weli tamar darnidii Guddida Caddaaladu way
jirtaa. Guddida Caddaaladu waa hay’adda ugu sareysa Garsoorka, waxaana
ayaan-darrada Garsoorka haysata kamid ah in aanay guddidani si madax-banaan u
shaqayn karayn. Arrintani waxaa u sabab ah laba arrimood oo kala ah, arrinta
kowaad oo ah xubnaha Guddida Caddaalada oo marka hore ba si khaldan oo
qabyaalad isir ku leh loo soo xulay iyadoon loo egayn aqoon, karti iyo
dhaqan-yaqaanimo midkoodna. Taasi oo keentay in mar kasta oo Garsooreyaal la
magacaabaayo in Guddidu ku magacoowdo nin jeclaysi iyo qaab qabyaaladaysan.
Arrinta
labaad waa xubnaha Guddida Caddaalada oo qaarkood ay yihiin masuuliyiin xilal
kale haya oo badanaa iyaga ba uu loolan dhex maraa. Tusaale ahaan, waxaa joogto
ah muranka iyo khilaafka soo noqnoqda ee ka dhaxeeya Guddoomiyaha Maxkamadda
Sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda Caddaalada. Xubnahani waa xubnaha u
taliya guddida, go’aankuna iyaga ayaabu badanka ka go’aa, halka xubnaha kale ay
ka yihiin codeeyeyaal. Xubnahani waa kuwa ku loolama awooda maamul ee Guddi
Caddaalada. Arrintani waxaa sabab u ah xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adaha
Garsoorka iyo Wasaaradda Caddaalada oo aan cadayn.
Dastuurka
qodobkiisa 106aad wuxuu cadaynayaa in Wasaaradda Caddaaladu ay u xil-saaran
tahay fulinta Go’aannada Maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaalada iyo in
xeer gaar ahi uu qeexi doono wada shaqaynta Wasaarada Caddaalada iyo
hay’adaha Garsoorka. Arrintu imakase sidaasi way ka duwan tahay oo marka
laga yimaado fulinta go’aanada maamul ee Guddida Caddaalada, Wasaaradda waxaa
la siiyey awoodo kale oo ay kamid yihiin maamulka maxkamadaha sida
kaaliyeyaasha, agabka Maxkamadaha iyo iyadoo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso ba
miisaaniyaddii Maxkamadaha. Taasi waxay dhalisay in Wasaaradda Caddaaladu ay
isku aragto inay tahay hay’adda ugu sareysa caddaalada dalka, oo hadday hore u
ahaan jirtay Wasaaradda Caddaalada maanta waa Wasaaradda Caddaalada iyo
Arrimaha Garsoorka. Haddii ba ay arrintu sidaasi u cadahayna uma baahnin in
aynu is weydiino Garsoorku miyuu madax- banaan yahay.?
Hay’addii
ugu sareysay Garsoorku haddii aanay sidii loo baahnaa u shaqaynayn, oo
magacaabistooda iyo dadka ay iyagu magacaabayaan ba ay salka ku hayso qabyaalad
iyo nin jeclaysi, caddaalad in la sugaa waa baabaco timo ka eeg. Hadday
Wasaaradda Caddaaladuna noqotay Wasaaradda Garsoorka iyadna in caddaalad la
arkaa waa cadceedoo galbeed ka soo baxday.
3.3. Magacaabista
iyo Muddada Xilka Garsooreyaasha
“Garsoorku
waa baadi-irmaan oo godlatay, cid kastaana ay maalayso. Sidaas darteed buu reer
waliba u rabaa inuu Garsoore yeesho – taasina waa ta kharibtay Nidaamka”
- Cusmaan
Xuseen Khayre (Shunu) (APD, 2002)
Si
caddaalada loo gaadho, Madax-bannaanida Garsoorka waxaa ugu muhiimsan in
Garsoorahu uu noqdo qof madax-bannaan oo aanu noqon qof cid kale kursiga u
fadhiya. Si uu Garsoorahu u madax-bannaanado waa in aanu markiisa hore ba
noqonin qof nugul oo magacaabistiisa ay cid gaar ahi ugu mano-sheegaynayso
hadduu yahay reerkiisa iyo cid kale toona. Garsooraha waa in lagu magacaabaa
kartidiisa iyo heerka ay aqoontiisa sharci gaadhsiisan tahay, markaasuu noqon
karaa qof isku kalsoon oo caddaalad xukumi kara. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah
in Garsoorahu uu ka badbaado in lagu cabiidsado xilka oo aanu noqonin qof u
baqa xilkiisa. Garsoorahu ma madax-bannaana inta uu og yahay in xiliga la doono
xilka laga qaadi karo weliba sabab la’aan. Labadaasi arrimood ee aan kor ku
sheegay waa arrimaha sababta u ah caddaalad-darrada baahsan ee dalkeena ka
jirta. Qof la hayste ahi caddaalad ma xukumi karo.
Waddamada
caalamka badankoodu muddada xilka Garsooreyaasha way cayimaan; waddamada
qaarkood Garsooraha xilka lagama ba qaadi karo ilaa uu gaadho da’da hawl-gabka
(retirement age) haddaanu akhlaaq xumo ku kicin ama aanu sharciga ku gefin.
Wadamada qaarkoodna muddo cayiman oo aan la cusboonaysiin Karin ayuu Garsoorahu
xilka hayaa, tusaale ahaan, wadamada Yurub badankooda Garsoorahu wuxuu xilka
hayaa sagaal sanno oo aan soo noqosho lahayn, sagaalkaasi sanno xilka lagama
qaadi karo haddaanu akhlaaq xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.
3.4. Xaaladaha
Shaqo iyo Amniga Garsooraha
Arrimaha
kale ee loo baahan in Garsoorahu uu ka madax-bannaanaado waxaa kamid ah
arrimaha khuseeya shaqadiisa sida amniga iyo mushaharkiisa oo aan sugnayn.
Mushaharka Garsooreyaashu wuxuu ka liitaa mushaharka dhigooda Waaxaha kale iyo
shaqaalaha dawladda qaarkood. Taasina waxay Garsoorahii ka dhigtay qof aan
shaqadiisa ku imaan qabin oo laaluush qaate ah. Amniga Garsoorahu ma sugna, oo
Garsoorayaashu keligood ayey dadka dhex lugaynayaan iyagoon hub iyo gaadh toona
lagu tageerin. Waxaan aad u yaabaa markaan arko gaadiidka dawladda ee ay wataan
shaqaalaha Wasaaraduhu sida Agaasime Waaxeedyada iyo sida Garsoorayaashu ay lug
ama basaska dadweynaha ugu yimaadaan shaqadda, labada iyamaa mudan tolow! Waxaa
dhacda in Garsooreyaasha ay dariiqa u sii galaan tuugta ama dambiilayaal ay
hore u xukumeen. Taasi waxay ina tusinaysa inaanu caddaalad xukumi karayn qof
baahan oo aanu amnigiisuna sugnayn.
4. SOO
JEEDIMOOYIN
1. Madax-bannaanida
Garsooreyaasha; Mushaharkooga, Gunnooyinkooga, Amniga, Muddada xilka, Xaaladaha
shaqada iyo Da’da hawl-gabku ba waa inay sharci ku xusnaadaan.
2. Guddida
Caddaaladu waa inay noqotaa Guddi Madax-bannaan oo Garyaqaano u badan oo aanay
ku jirin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada, Guddoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha iyo xubnaha ay Xeer-dejintu soo magacoowdo. Sidaas darteed waa in la
badelaa qodobka 107aad ee dastuurka.
3. Garsoorku
waa inuu miisaaniyadiisa u madax-bannaanaadaa oo aanay gacanta ku haynin
Wasaaradda Caddaaladu.
4. Muddada
Xilka Garsoorahu waa inuu noqdaa wakhti cayiman oo aan xilka laga qaadi Karin
haddaanu akhlaaq-xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.
5. In la
sameeyo xeer hoosaadka anshax-marinta Garsooreyaasha
6. Garsoorku
waa inuu qortaa shaqaalaha Maxkamaddaha si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha
Dawladda.
7. Madaxweynahu
in aanu soo jeedin Karin xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre sabab
la’aan iyo in xil ka qaadista Xeer-ilaaliyaha Guud lagu xidho ansaxinta Golaha
Wakiiladda.
8. In la cadeeyo xidhiidh
wada shaqayneed ee Wasaaradda Caddaalada iyo hay’adaha Garsoorka
No comments:
Post a Comment