Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa. Cigaal ayaa u jawaabay oo
yidhi; Xoolihii
Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.
Aroos
weligiiba marin hawl leh buu ku majiiraaye
Malahayn
manaa baad ku noqon maalin dabadeed eh
Maantana
biyihii moon miyaan xamaraw kaa miijay
Nuur
Dhegay
Sida
ninka tixidan gabayga ihi lehi uu uga calaacalay faraskiisa ee ugu caloolyoobay
socdaalkan buurta Manaa ee Calmadaw ee Laas-qoray ku dul taal iyo durdurada
moon ee uu sii jibaaxayo, isaga oo aroos dhawr jeer baaqday ku socda, ayaan
anna ka caloolyoobay socdaalka Yemen ee waqtigan aniga oo sidiisa ardaadig u
ahaa inankaygii u yaraa oo gabadh reer Yemen ah ay wada sheekaysteen.
Xuutiyiinta
shiicadaha iyo Al-qaacidda Yemen oo ayaa ku herdamaya dalkaasi iyo cir ka soo
dhaca ama darooniska Maraykanka. Labada kooxood waxa la kala socda oo ku milmay
dhalliyaro Soomaali ah, taas oo iyana khatarteeda lahayd.
Waxa
aan xusuustay aniga oo ka mid ahaa wefdi Somaliland ahaa oo dawladda Yemeni
martiqaaday oo diyaarad Hargeysa ugu soo dirtay sannadkii 1999 bishii
febarwari. Wafdiga waxa hoggaaminayey Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal, waxa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Marxuun Maxamuud Saalax Nuur
( Fagadhe), Wasiirkii Gaashandhigga Mudane Rashiid Xaaji Cabdillaahi iyo
aniga [Maxamed Saciid Gees] oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayihii
Madaxweynaha Cabdiraxman Kubaddo.
Waxa
aan gurigiisa kula barjaynay oo na martiqaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii Yemen oo
ahaa Cabdirab, Mansuur Al Hadi, oo mar dembe Madaxweyne ka noqday Yemen oo ayaan
dhoweydna is-casilay markii jabhaddan Xuutiyiintu Sanca qabsatay. Isaga oo ay
weheliyaan Wasiiro iyo madax kale oo dawladda Yemen ka mid ahaa.
Waxa
xusud mudan xubnaha wafdigayagu waxay aad u wada yiqiineen ku hadalka afka
Carabiga aanu ku kala xariifsanaanee. Sidaas darteed sheekado waxay ku socotay
af-carabi. Marxuun Fagadhe oo reer Cadmeed ahaa ayaa aad uga sheekeeyey
siyaasadiintii iyo abwaanadii iyo joornaalladii Yemen, gaar ahaan Cadan oo uu
ku noolaa muddo badan.
Aroortii
dembe waxan la kulanay oo na qaabilay Madaxweyne Cali Cabdulle Salax oo dalkaas
xukumayey muddo 33 sanno ah markii xilka laga fadhiisiyey sannadkii 2011. Waxa
goob-joog fadhiga ka ahaa qoladii aanu habeenkii wada barjaynay. Madaxweyne
Cali Cabdulle waxa uu ka yaabay ballaadhka iyo baaxadda xubnaha wefdigayaga oo
waxan ahay Marxuun Cigaal, Marxuun Fagadhe Rashiid iyo aniga [Gees]. Gedigayo
waxan ahayn dad qaro waaweyn oo ciyalsan.
Waxa uu
Cali Cabdule yidhi; “Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u
jawaabay oo yidhi; “Xoolihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.” Markaas
oo xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofin jiray dalkeeda ay xayiraad saartay
Boqortooyada Sucuudigu.
Haasawahaas
ka dib waxa uu hadalkii ku soo koobay Madaxweyne Cali Cabdale “Aad ayey igu
warrameen qoladaydii aad xalay la kulanteen.
Horena
waa uga war hayey Ardda Soomaal (Somaliland). Waa la socdaa horomarka aad ka
gaadheen, dhinaca dawlad dhisidda iyo nabadaynta, qolada reer Konfureed
(Soomaaliya) halkan ayaan madaxdooda ku qaabilay, nimankaasi ma ah kuwa dal iyo
dawlad dhisaya ee waa kuwa dano gaar ah wata.
Waxan
idiin sheegayaa Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku jiraa inaanay marna
oggolaanayn in Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala go’do oo Somaliland la
ictiraafo, waayo waxay taas horseedaysaa waddano badan oo Carab ihi inay kala
go’aan oo aan maslaxdayada ama dantayada ahayn, sida dalkan Yemen, Ciraaq ,
Sudan iyo Libiya.
Sidaa
darteed, talo odaynimo ayaan idin siinayaa. Idinka oo sidiinaa u dhisan sheegta
Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee galabtay, deeto kursiga Jaamacadda
Carabta ku fadhiista, Yemen ayaa ugu horreynaysa ictiraafkiina, dalalka
khaliijkana dhaqaale aad dalka ku dhisataan ayaan idiinla raadinayaa iyo
ictiraaf. Arrintaas ka soo tashada oo kula noqda dalkiinii iyo dadkiinii ha ku
degdegina hadda.”
Wefdigii
waxa uu u sii gudbay magaalada Qaahira iyo dalkaasi Masar oo iyana martiqaaday.
Habeen aanu joognay Qaahira ayaa Madaxeyne Cigaal nagu matiqaaday saddexdayadii
Wasiir casho huteelka aan ku jiray. Waxa uu na warsaday sida aanu u aragnay soo
jeedintii Madaxweyne Cali Cabdlle Salax ee ku saabsanayd masiirka Somaliland.
Labadii Wasiir ee kale way ka gaabsadeen inay fikrad toos ah uga dhiibtaan
arrintii. Anigu waa aan ku dhiiraday oo waxan u sheegay sidaan taladaasi u
arkayey anoo aan hadda dib u tafatirayn (Afartayadii xog-ogaalka u ahaa
arrintaasi laba ayaan ifka ku joognaa aniga iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi.
Hadalkayga
oo dheera waxan ku soo koobayaa sidan: Haddii taladaas la inagu raaco oo aan
yeelno oo la inoo ictiraafo sida Cali Cabdle sheegay, qolada konfureed waa ka
hor imanayaan. Inagu sharciyadii ayaan kala wareegaynaa, wada hadla ayaa la ina
odhanayaa, deeto marka aan heshiin wayno iskala taga ayaa xigta inaga oo
haysana ictiraafkii dunida.
Haseyeeshee,
Yemeni miisaan Siyaasadeed malaha, kafiil ka weyn ayaa loo baahan yahay haddii
hawshaas la gelayo . Markii aan hadalkii iyo cashadii dhamaysanay ee qolalkii
lift-ka u raacnay ayaa Marxuun Cigaal yidhi intuu xagaygii u soo jeensady. “
waa sidaad sheegatay geesaw’ sponsor’ ama kafiil weyn ayaa loo baahan yahay.”
Waqtiga
sheekadaasi dhacday waxa hadda laga joogaa 16 sano, weli Somaliland cidi ma
ictiraafin, Soomaaliyana dawlad dhisanweyday, hadda oo 20 kun oo ciidan ajnebi
ahi ay illaalinayaan ayaa dunidu waraaba-u-taag dawlad ah loo dhisay oo la
ictiraafay oo dhaqaale la siiyaa welise fari kama qodna.
Dalalkii
Carabta ahaa ee uu Madaxweyne Cali Cabdule uu tilmaamay; Soodaan waa kala
go’day, Ciraaq waa saddex dawladood oo dagaallamaya, Liibyaa waa gobol-gobal,
Yemeni waa dildilaacday. Arrin shaqo ku leh Somaliland ma ahayn. Cali Cabdalle
Saalax ka dhac xilkii weliba si fool-xun. Marxuun Cigaal iyo Marxuun fagadhe
alleystee, Gees oo dhega – beelay ,iyo Mudane Rashiid oo jiifaa, ayaa joogaa.
Somaliland waa tugtug leedahay itaalkeed, tol iyo tag la’aan ayaa heshay
nabadda ayuun bay ka dedaashay, daryeelkii dadweynaha loo maara waa, biyo
la’aan, Hargeysa waxa dadka badani dharka maydhaan oo caruurtu qubaysataa oo
biyo heleen marka dooxo soo rogmado oo aad arkaysaa dharka oo dooxa hareerahiisa
ku wadhan, sidii aan ahaan jirnay kontomaadkii markii habarqabaha isticmaarku
joogay ee biyo meelna wadanka ka soo saari waayey. Waxbarashadii iyo daryeelkii
caafimaadku waa wagash wagash. Dugsiga sare ee lagu magcaabay aabbihii
waxbarashadda Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali ee Airport-ka loo sii
maro, ee cid waliba aragto ayaa kuugu filan xaaladda waxbarashada dalka.
Waxa
dalka intaas u dheer dibandaabyada ajnebiga, muslin iyo gaalba ay ku hayaan iyo
qurba-joogta sida khaliifyada iyo wabarada hadda shiidka bilaabay. Somaliland
waxay ku taagan tahay oo ka dhimanweyday cidi teelo uma dhigan eh waa qabka
(Pride) beelaha dhexe ama Isaaq. Intee qab ku wadayaa haddii horumar la gaadhi
waayo iyana waa su’aal?
No comments:
Post a Comment