Thursday, February 19, 2015

Qoraa Caana Oo Mudo Sanad iyo badh ah u xidhan Madaxtooyada Somaliland iyo Xaaladisa Caafimaad oo laga dayrinayo.





Hargeisa(BGM) Aqoonyahan Jaamac cilmi Jiir oo ah qoraa caan ah oo wax  ka qora xaalada dalka Somaliland markaasi marayo khaasatan musuqmaasuqa, qaraabo kiilka Eexda,iyo xatooyada xoolaha dadweynaha ee ay ku kacayso xukuumada Siilaanyo ayaa mudo sanad iyo badh ah u xidhan qoyska madaxtooyada iyo wasiir xirsi.

Qoyska madaxtooyada iyo wasiir Xirsi ayaa u adkaysan waayey qoraalada aqoonyahanku ka qoray, waxaanay ku rideen jeelka oo uu ilaa hadeer ku xidhan yahay, iyadoo jeelka dhexdiisa loogu geystey jidh dil iyo ciqaab.
Qoraaga ayaa aad iyo aad ugu xanuusanaya jeelka dhawacyadii iyo jidh dilkii lagu sameeyey awgeed, waxaana ugu sii daran isagoo loo diidey in qoyskiisu soo booqdaan.
Laamaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka hawl gala jamhuuriyada somaliland waa in ay u kuur galaan xaalada caafimaad ee ka sii dareysa ee uu ku nool yahay Qoraagaasi sharci darada ku xidhani.
Waxaa kale oo aanu xaalada xun ee uu ku nool yahay aqoonyahan Jaama Cilmi Jiir u gudbin doonaa hayadaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch.




Abdalle6767@gmail.com
ISHA KU HAY BALIGUBADLEMEDIA.COM

No comments:

Post a Comment