Waxa
maal mahan warbaahintu wax ka qoraysay wax kamida baahiya balaadhan ee ka jira Degmada Salaxley. Waxa warbaahintu
inoo soo tebiysay in dhooligii (Ambulance) kali ahaa ee ka hawl geli jiray degmada
Sallaxlay , kaasi oo marka horeba aan ahayn mid dawladi bixiysay, balse uu
ururka samafalka ah ee Gaaroodi ugu deegay, uu dhawrkii maalmood ee u danbeeyay
u fadhiyay cilad ku timi kadib markii u wax ka noqday geer bogoska.
Waxa
wadaha ama darawalka dhooligaasi oo uu wargayska
Hubaal la hadlay, sida aan ka soo xigtay mareegta hubaal uu yidhi “Baabuurku sida kale
waa u cusub yahay ee laakiin Geer bogosyadiisa oo bilaa tayo ah ayaa kolba is
masaxa, waxaana muddo sannad iyo badh ah oo aan dirawal ka ahaa uu immika u
fadhiistay geer bogosyada” sidaa ayuu yidhi wadaha dhoolligani, waxaanu intaa
ku daray mar uu ka jawaabayay su;aal nuxurkeedu ahayd in wasaaradda caafimaadku
war ka hayso xaaladda cusbitaalka baabuurkani ka tirsan yahay, waxaana uu yidhi
‘niyow xagga wasaaradda caafimaadka waxba nagama soo gaadhin, warna kama hayso,
marka laga reebo lambar GT ah (Taarikada baabuurka ee dawladda) oo ay ku
xidheen uun, wax alliyaale wax kale oo ay wasaaradda caafimaadku noo qabatana
ma hayno. Arrinta baabuurkanna waxaa uu u fadhiyaa ilaa saddex kun iyo shan
boqol oo dollar, wasaaradduse waxba kama oga ee maayarka degmada iyo shacbiga
magaalada uun baa na dhiirigeliya, isaguna doorkan wax adduun ah muu haynin ee
wuxuu yidhi balloodh uga soo iibiya dhulka wadada cadi leedahay, balloodhkiina
lama iibsanin”.
Waxa si
shakhsiya aniga ilo xogogaal ah oo arintaasi aad ugu dhuun daloolaa iigu xaqiijiyeen
in markii baabuurkii (dhooliga) kali ahaa ee jidaasi Salaxlay oo ah jiid aad u
balaadhan ka shaqaynaayay uu fadhiistay ay kaliftay in hooyooyin dhawra oo
fooshu qabatay markii maaro kale loo waayay la soo saaray gaadhi dhayno
ah oo isaguba huq iyo naxdin ugu filan hooyo la baaxaa degaysa xanuunka foosha.
Waxa kale oo iyana warbaahintu inoo soo tebisay
qaylo dhaan ba’an oo uu xildhibaan Wali Axmed Xaawo ka soo diray dayacnaanta
xarumihii dawlada ee degmada Salexlay.Waxa xildhibaanku isagoo ku sugan degmada
Sallaxley mar uu hadal ka jeedinaayay madal uu dhalin yarada Salaxley ee ka aradan, quustana ka taagan wax tar dawladeed
uu ku wareejinaayay agab ciyaareed oo uu
isagu ugu deeqay si ay ugu ciyaaraan bisha ramadaan ee barakaysan, uu
warbaahinta u sheegay in xarumihii dawlada ee degmadu dayacan yihiin oo ay
qaarna dun san yihiin qaarna ka guuraa ku dhaw yihiin.
Waxa uu sheegay, iyadoo marka horeba ay xarumaha dawlada ee
degmada ka dhisanaa ama ka jiray ay faro ku tiris ahaayeen, in dhismihii wasaarada xanaanada xoolaha oo
ka mid ahaa midhadhka xafiisyo dawladeeda ee degmada laga dhisay uu gebi
ahaanba dumay oo uu dhulka yaalo, cisbtaalkii
degmada oo labo sano ka hor madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu balan qaaday inuu dayrka u dhisaayana uu wali
sidii yahay oo ay xoolaha iyo reer guuraagu afarta kooneba ka soo galaan.
Hadaba iyadoo degmada Sallaxley tahay degmo caasimada dalka ku laalaysa oo qofka
magaalo madaxdeeda dhex istaagaa hadii uu caasimada bidhaamiyo uu arkaayo kaaha
nalkeeda, hadii aynu taariikhda dib u milicsanana ah degmo guuna oo xili hore
la bixiyay,dadka deganina ay laf dhabar
u ahaayeen halgankii dheeraa ee dib u xoraynta dalka, maantana dhaqaale ahaan
ay degmadu ka mid tahay degmooyinka laf dhabarta u ah dhaqaalaha Somaliland oo
ay dadka degani ka mid yihiin dadka
dhaqa inta u badan xoolaha aynu dhoofino;
Waxa suaashu tahay,waa maxay sababta tan iyo intii aynu xoriyadeena la soo
noqonay ay xukuumadihii kala danbeeyay
ee talada dalka soo maray ay u hagradeen degmada ee ay u hilmaameen inay
bulshadeeda wax u qabtaan, ee xataa xukuumada maanta talada haysa oo markasta
ku faanta in ay dakhligii dalka kordhisay
oo ay boqolkiiba boqol in ka badan kor u qaaday, ay u tahli kari wayday wax
kale iska daayoo inay dayac tir uun ugu samayso waxyaabaha yar yar ee degmadu yaboohda
ku heshay, xili ay xukuumadu degmooyin ka fog fog, kana cimri yar ka hirgalisay mashaariic aad u waawayn,
kaabayaasha noloshana wax badan ay ka qabatay.
Ma Degmada Sallaxley ayaan Somaliland ka mid
ahayn, mise wax kale ayaa jira ?!!!!!.
Allaa
Mahad leh.
Qalinkii: Garyaqaan
Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode
Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com
No comments:
Post a Comment