Tuesday, December 29, 2015

Ila Dhugo.

In wax la dhisaa ma sahlana, oo wax dhisidu wakhti dheer ayay qaadataa. Waxa ay u baahan tahay in Maskax,Murug iyo maal la geliyo. Hasayeeshee, waxii la dhisay dumin toodu ma cusla, oo waxii tobanaanka sano la dhisaayay, waxa dumin kara wax yaabo yar yar oo is biirsada, kuwaasi oo intooda badan, ay suurto gal tahay in aanay ku iman ku talo
Garyaqaan: Jamaal Hussein Ahmed
gal, balse laga yaabo in ay si sidalaga oo ka fiirsi la’aana u dhaceen. Sidaasi darteed, si loo ilaaliyo sii jiritaanka waxii hore ee la dhisay; waa in markasta oo wax laysku khilaafo, oo arimaha qaar laysku af garan waayo; fal kasta oo lagaga falcelinaayo iyo talaabo kasta oo la qaadayaa noqdaan qaar si taxadir leh loo qaaday, oo maskaxda laga shaqaysiiyaa in ka badan sidii hore.Balse hadii aan taa la samayn, oo  talaabo kasta oo la qaadayaa noqon mid laga fiirsaday, oo wax kasta degdeg lagaga falceliyo, waxa natiijadu noqonaysaa mid aan la mahadin oo cid kastaa gadaal ka qamoomayso
.

Dawladii kacaanka, Siyaad Bare sanadihii u horeeyay ee hogaamintiisa waxa uu ku talaabsaday horumar aad u balaadhan oo bulshada somaaliyeed guud ahaan ay u guuxday. Balse taasi hore looguma sii socon oo markii danbe talaabooyin badan oo uu nidaamkiisi qaaday,kuwaasi oo badan koodu ahaayeen qaar aan laga fiirsan oo caadifad iyo kibir keeneen; waxa ka dhashay in mar qudha bulshadii uu xukumaayay badankeedi nidaamkiisi nacaan,oo ay ka hor yimaadaan.Sida aynu wada ogsoonayna ugu danbayn markii waano iyo wax u sheeg lagala quustay, waxa xaalku gaadhay “Cududaada Ayaa Cadaalad Kuu Haysa”, oo ilaa isaga iyo nidaamkiisi lag ridaayay qoriga ayaa shaqeeyay.  
Heestan hoos ku qoran, oo ah hees hogotusaale ah; Sidaan maqlay, waxay ka mid tahay, heesihii faraha badnaa, ee  wax  sheega iyo waanada ahaa, ee iyadoo isaga lala hadlaayo ( Siyaad Barre), cishqiga loo ee kaysiiyay .Aniga laftayduna caawa oo naftaydu xoog u talamayso iyada ayaan qaadayaa, ee ha layla dhugto.

 Wax badan baan, hogotusaale
Hoos iyo dulbaa, ugu idhoo
Meel kale aan u heelanaa
Bal taydana  aan hinjiyoo.
Naftayda mar aan holodoo
Heeraarta suugaanta galoo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubiin.
Dhaaxaay waanadaa habtee
Bal aan heesahaa ku dayoo.
Hadhkiyoo labadiisa gelin
Habeenku Way is riixayaan
Aduuna hawli kama dhamaan
Intaad hiigso leedahay.
Ho’heey Mawdkunaa
Ku hareer socdaa
Ha’duna mooyi  gooray noqon.
Waxaan heedhe aan  ku idhii
Ama se hooy aan ku idhii
Hagaaga lama daadiyee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee.
……….
Sahra Ahmed Jaamac
Allaa Mahad leh.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com


Saturday, September 26, 2015

Somaliya iyo Somaliland: Somaliya ayaa ku Dhaqanka Sharciga inooga Dhaw!!!.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)


Inkasta oo tan iyo intii  dawladii dhexe ee xukumi jirtay dhul waynihii  laysku odhan jiray Dawlada Dimuqraadiga Somaliya ay dhacday, aanay somaliyada koonfureed ‘Somaaliya" ka hana qaadin ama ka hana qaadin dawlad awood leh,oo kala danbayta iyo sharciga ilaalisaa,oo ay jahawareer uun ku jirtay, ilaa hadana aanay si fiican uga soo kaban oo dawlada hada ka talisaa tahay mid aan cago adag ku taagnay oo amaankeedaba ciidamo shiisheeye ilaaliyaan,Somaliland na ay mudodaasi marka laga reebo dhawrkii sano ee u horeeyay, ay ka jirtay dawlad adag oo taabo qaaday,shacbiguna kalsoonida siiyay,hadana madaxda somaliya, tan somaliland dabaqaada iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciga ba waa ay uga dhaw yihiin, oo waa ay ixtiraamaan, islamarkaana ku dhaqmaan sharciga ay dhigteen.

Somaliland, laamaha dawlada ama hay'adaha kale duwan ee qaranka, marka uu muran ka dhex aloosmo ee uu ka dhex qarxo,badanaa waxa lagu xaliyaa dhex dhexaadin, sharcigana gees ayaa layska dhigaa, oo waa layska indho tiraa,badanaana ma dhacdo in cidda gardaran runta loo sheego oo khaladkiisa farta loo saaro, ee waxa lagu xaliyaa in mililka korka laga dhayo oo aan eelka la gaadhin,oo waxa si cad loo yidhaahdaa “Wixii daantaana daad ha qaado waxii daantana daad ha qaado”, taasi oo macnaceedu yahay in aan gar la qaadin ee marba kii dan la moodo lagu ciiro.

Balse somaliya,nabadda iyo nidaamka dawladnimo yay cago adag ku taagnaan bee,arintu sidaasi waa ka duwan tahay, oo badanaa marka lays qabto waxaad arkaysaa ayadoo dhinacyada is hayaa ay  dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ee u degsan isu adeegsanayaan,oo dhinac walbaaba doodiisa qodobo sharci uu u cuskanaayo.

Bal eeg baarlamaanka Soomaliya, mooshinka xil ka xayuubinta Madaxweynaha ah, ee ay isku hayaan, waxa dhinaca soo jeediyay ay doodooda sal uga dhigeen dastuurka ku meel gaadhka ah ee hada somaliya u degsan oo waxay taxeen qodoba sharci oo dastuurka ah. Si doodoodu u noqoto mid af sharci ku qoran, kuna baxaysana waxay qabsadeen oo ay kaalmaysteen  qareena sharci oo afkooda ku hadla,maanta markii shirgudoonka goluhu ku dhawaaqay in uu mooshinkii laalayna , dhinacii mooshinka keenay may qaylin mana buuqin ee warbaahinta waxay u sheegeen in ay sharciga mari doonaan, oo ay qareenadoodu, iyagoo iyaga matalaaya ay qaadi doonaan, islamarkaana kaga fal celin doonaan talaabada sharci ee ku haboon.
 Cajiib, halka maanta dawladeena nidaamkeeda dawladnimo dhawr iyo labaatan jirsaday, aanay golayaasheeda sharci dejinta iyo fulinta midina  aanu sharciga hoos u eegin, ee mid walbaa ka qaado waxa ay isaga la noqoto.

 Bal eeg mushkilada haamaha shidaalka ee ina jahawareerisay, baarlamaankeenu muxaafid iyo mucaarad ba,midina doodiisa sharci kuma salaynin ee dhamaantood xaalkoodu waa qarjajac iyo is muruq taabad, waxaanu xaalku gaadhay in markii sharcigii dhinac layska dhigay uu  shirgudoonkii dhamaa ee goluhu is feedh feedho.

waayo, meelnaba sharciga kagama jirto in goluhu cod u qaadi karo arin aan wali dhicin oo aan laba horkeenin.balse hadii la galo oo la horkeeni waayo, waxay awood u leeyihiin inay waaxda fulinta  oo madaxwaynuhu ugu sareeyo amraan in waxii ay heshiis galaan  golaha horkeenaan, iyadoo hadii amarkaasi loo hogaansami waayana ay awood u leeyihiin in ay  madaxwaynaha oo ah xubinta ugu saraysa waaxda fulinta,iyagoo cuskanaaya in madaxwaynuhu u hogaansami waayay dastuurkii oo uu dastuur jabin ku kacay ay maamuus ka xayuubin ku soo oogaan.
 Sidaasi si lamida marka aynu eegno maanta habdhaqanka waaxdeena fulintana, waxa aad arkaysaa in waaxda fulintu aanay danba ka lahayn jirintaanka iyo jiritaan la'aanta sharciga, oo ay iskugu mid u tahay.
Waxa Wasiirka  Wasaarada Ganacsigu isagoo ka hadlaaya shir jaraa’id oo uu qabtay, oo ka hadlaaya arimaha haamaha shidaalka yidhi " Dastuurka ayaa noo ogol in aanu hantida qaranka iibino, kirayno ama hibayno". Cajiib, taloow qodobkaasi u ogolaanaaya inay sidii hantida gaarka ah, ee shakhsigu leeyahay ay hibayn karaan “Haamaha” halku ku yaalaa, isagaa ina tusi, balse ka garyaqaan ahaan waxaan cadaynayaa in aanay dastuurka meelnaba kaga jirin  qodob sidaasi uu u dhigay  iyo si u dhaw toona u hadlayaa oo u dhigani ku jirin.

Waxa waxaasi ka sii la yaab badnaa intii aan doodaha dhinacyada dhagaysanaayay, waxa Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha oo isna hadlay yidhi " Dawladu iyadaa awood u leh arimaha haamaha oo dastuurka ayaa noo ogol oo Go'aan Gole iyo Xeer toona nagama hor istaagi karo". Af kala qaad, oo hadaan xeerba qabanayn muxuu wasiir inoogu yahay, mise arintu waa awood awood, cajiib, oo markaasina miyaanay runtu ahayn dawlad dimuqraadiya oo codka shacabka iyo xeerarka tixgelisaa inooma dhisna, ee nidaam kaligii talis ah oo aan siyaad bare ka so kayn ayaa inoo dhisan. Allaw sahal amuuraha.

Hada bal eeg, waaxdeena fulinta, ka u hadlaaba, inuu hanjabo iyo inuu qarda jeexo mooyee, ma jiro mid ka hadlay sababta ay xukuumadu u rabto in ay haamaha shidaalka wareejiso, oo qanciyay shacabka ,ileen gacan ku haynta hantida qaranku waa sababta dawladi u jirto, ee loo samaystaye,sidoo kale hantida qaranku maaha wax markii la doonana la wareejiyo, markii la doonana la soo celiyo, ee waa in la sababeeyaa, oo ay dawladu sheegtaa sababta ku kaliftay in ay doonto wareejinta hantida ay rabto in ay markaasi wareejiso, waana in  wareejintu markasta noqotaa mid sharciga loo raacay, islamarkaasina noqotaa mid loo yeelay danta shacabka,lagana qarmi waayay,oo ay dawladu wayday tab iyo xeelad kale oo taasi ay kaga baaqato ama kaga fursato samaynteeda.


Intaasiba marka laga yimaado,waxa waxaasi oo dhan ka daran, oo aanay jirin meel laga maraaba, ilaa hadda qarankeenaasi jiritaanka nidaamkiisa dawladnimo ku dhaw yahay sodonka sano, malaha xeerkii lagu maamuli lahaa iibinta ama kiraynta hantida qaranka, ee dhigaayay qaabka ay xukuumadu marka ay dan u aragto wareejinta hantida qaranka ay raaci lahayd, waxaana xeerkaasi samayntiisa si cad u waajibinaaya qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waana qodobka ay markasta u cuskato xukuumadu doodeeda wareejinta haamaha shidaalka. Cajiib, taloow ma waanay akhriyin,mise xaalkoodu waa is indho tir iyo badheedh sida u yaala.


Sidaasi darteed waaba xaaraan in xukuumadu ku fikirto ama soo hadal qaado wareejinta haamaha shidaalka, iyadoo aanu jirin xeerkii tusmayn lahaa jidka loo raacayo wareejinta hantida qaranka, waana in ay xukuumadu kuwii hore ee ay wareejisay sida Warshadaha Laydhka ee Hargaysa iyo Berbera, sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo celisaa gacanta dawlada.  haday taasi dhici waydana, waa ta danbee, ama ay imika wareejiyso haamaha shidaalka,  arintu waxay isu bedelaysaa dastuur jabin uu madaxwaynuhu ku kacay, waxaana Golaha Sharci Dejinta oo ah kan shacabka metela ee ka wakiilka ah, ee loo doortay ku ilaalinta xukuumada xuduuda sharciga; in uu madaxwaynaha sida uu dhigaayo Qod: 96 (2) aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,ku soo oogo dastuur jabin.


Guntii iyo Gebobo Gebadii Golayaasheena sharci dajinta iyo fulintuba, waa in ay sharciga  dhawraaan oo ay u hogaansamaan,kana qajilaan iyadoo jiritaanka nidaamkeena dawlanimo ku dhawyay sodon sano, islmarkaasina sheeganayna qaran dimuqraadiya, in somaliya oo ilaa hadda  aanu nidaam dawladnimo oo cago adag ku taagani ka jirin,innagu dhaanto dabaqaada sharciga iyo ixtiraamkiisa.




Allaa Mahad Leh.


Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com