Tuesday, December 29, 2015

Ila Dhugo.

In wax la dhisaa ma sahlana, oo wax dhisidu wakhti dheer ayay qaadataa. Waxa ay u baahan tahay in Maskax,Murug iyo maal la geliyo. Hasayeeshee, waxii la dhisay dumin toodu ma cusla, oo waxii tobanaanka sano la dhisaayay, waxa dumin kara wax yaabo yar yar oo is biirsada, kuwaasi oo intooda badan, ay suurto gal tahay in aanay ku iman ku talo
Garyaqaan: Jamaal Hussein Ahmed
gal, balse laga yaabo in ay si sidalaga oo ka fiirsi la’aana u dhaceen. Sidaasi darteed, si loo ilaaliyo sii jiritaanka waxii hore ee la dhisay; waa in markasta oo wax laysku khilaafo, oo arimaha qaar laysku af garan waayo; fal kasta oo lagaga falcelinaayo iyo talaabo kasta oo la qaadayaa noqdaan qaar si taxadir leh loo qaaday, oo maskaxda laga shaqaysiiyaa in ka badan sidii hore.Balse hadii aan taa la samayn, oo  talaabo kasta oo la qaadayaa noqon mid laga fiirsaday, oo wax kasta degdeg lagaga falceliyo, waxa natiijadu noqonaysaa mid aan la mahadin oo cid kastaa gadaal ka qamoomayso
.

Dawladii kacaanka, Siyaad Bare sanadihii u horeeyay ee hogaamintiisa waxa uu ku talaabsaday horumar aad u balaadhan oo bulshada somaaliyeed guud ahaan ay u guuxday. Balse taasi hore looguma sii socon oo markii danbe talaabooyin badan oo uu nidaamkiisi qaaday,kuwaasi oo badan koodu ahaayeen qaar aan laga fiirsan oo caadifad iyo kibir keeneen; waxa ka dhashay in mar qudha bulshadii uu xukumaayay badankeedi nidaamkiisi nacaan,oo ay ka hor yimaadaan.Sida aynu wada ogsoonayna ugu danbayn markii waano iyo wax u sheeg lagala quustay, waxa xaalku gaadhay “Cududaada Ayaa Cadaalad Kuu Haysa”, oo ilaa isaga iyo nidaamkiisi lag ridaayay qoriga ayaa shaqeeyay.  
Heestan hoos ku qoran, oo ah hees hogotusaale ah; Sidaan maqlay, waxay ka mid tahay, heesihii faraha badnaa, ee  wax  sheega iyo waanada ahaa, ee iyadoo isaga lala hadlaayo ( Siyaad Barre), cishqiga loo ee kaysiiyay .Aniga laftayduna caawa oo naftaydu xoog u talamayso iyada ayaan qaadayaa, ee ha layla dhugto.

 Wax badan baan, hogotusaale
Hoos iyo dulbaa, ugu idhoo
Meel kale aan u heelanaa
Bal taydana  aan hinjiyoo.
Naftayda mar aan holodoo
Heeraarta suugaanta galoo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubiin.
Dhaaxaay waanadaa habtee
Bal aan heesahaa ku dayoo.
Hadhkiyoo labadiisa gelin
Habeenku Way is riixayaan
Aduuna hawli kama dhamaan
Intaad hiigso leedahay.
Ho’heey Mawdkunaa
Ku hareer socdaa
Ha’duna mooyi  gooray noqon.
Waxaan heedhe aan  ku idhii
Ama se hooy aan ku idhii
Hagaaga lama daadiyee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee.
……….
Sahra Ahmed Jaamac
Allaa Mahad leh.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com