“Laaca
aragtee,
Laaga
Ma Ogtiin”.
Yuusuf
Ismaaciil Cali, oo ahaa gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare,oo runtiina ah foolaadka garyaqaanada xeerarka
dalka ugu xeesha dheer, ayaa waxa lay sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, markii
uu looyarka ahaa, isagoo dacwad ku jira, ay qareenkii kale, ee ay dacwada iskaga soo horjeedeen ay qodob sharci isku
qabteen, oo midba si ugu dooday, mid kastaana sheegay si ka duwan sida uu ka
kale sheegaayo,halkiina dood adagi ka bilaabantay. Dabadeedna uu qareenkii kale
oo sitay xeerkii oo afsoomali ku qoran
uu la soo booday,kana soo saaray qodobkii laysku hayay oo sidii uu isagu doonaayay
u qoran; iyadoo asal ahaana xeerarkii somaliya laga dhaxley intooda badan yihiin
nuquladooda asalka ahi, talyaani ama carabi
yahay.
Balse
yuusuf ismaaciil oo isagu looyarkaasi kale ka xeel dheeraa,kana waayo
aragsanaa, ayaa isagoon isdhibin waxa uu
halkii ka yidhi kalmad hal ku dheg noqotay oo garsoorka dhexdiisa marka wax
laysku yara qabto laysu soo qaato, waxaanu yidhi“ Adeero iga du’ buugan inanka
reer xamarka ahi qoray, ee anigu xeerku sida uu sheegaayo ayaan sheegayaa”.
Runtiina sida laysheegay markii qodobkii
dib loogu noqday, ee la baadhay, waxa uu noqday sidii uu yuusuf ismaaciil ku
doodaayay.
Imika,
mar dhaweyd waxa lay soo diray dhawr waraaqood oo afsoomali ku qoran oo la yidhi
waa heshiiskii dekeda ee Goleha Baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo aan
saxeex iyo shaanbad midna lahayn, markii aan weydiiyay? oo ma Somali ayaa heshiiska
lagu galayna, waxa la yidhi “ mayee, madaxtooyada ayaa si barlamaanku u fahmo u
fududaysay oo soo tarjuntay”.
Waa
wareey; oo baarlamaankii dhamaa, ee aynu
dooranay ma wada juhalo aan afkale iyo aqoon kale midna lahaynbaa.Ta kale miyaanay
la taliyeyaal sharci iyo khubaro kale oo caawisa midna lahayn; se marka uu xaal sidaa yahay, waa halkii
yuusuf ismaaciile , waxa la horgeeyay goleha sharciyan maxaa lagu macneyn karaa
?“ Ma faygarkii Madaxtooyadaa Mise waa Heshiiskii Dekada”.
Bal
adba : Maxaa kuwa la horgeeyay ku rumaysteen in uu heshiiskii dekeda yahay iyo
in uu yahay qoraal “Qudhac Raamaale” hoostiisa lagu qoray; maxayse qolada sida
taa iyagu ku cadaynayaan, ileen waa tan oo waa afar war qadood oo aan saxeex
iyo shaanbad midna lahayne, tixraacna hadalkiisaba daa.Ileen dhukumentiga waxa
lagu cadeeyaa waa saxeexa; shaanbada iyo tixraacee.
Waa
wasiirkee, wasiirka qoraal caadiya qora, ee ay wasaaradiisu dirto isagoon
saxeexiisa ama saxeexa kale ee hawl wadeenada wasaarada iyo shaanbada lahayn.
Waa waxaan waligeed la arag iyo af kala qaad.
Waa
meel ka dhac weyn oo caqligeena iyo aqoon teena lagu caayaayo. Waa waxaan hore
loo maqal, oo aan loo arag, balse hore ayaa looga hayay dhalin ileeye “ Kobtaa
Hadaan Laga Guurin, In Goroyo Heeryaysani ka soo dhici”.
Ma
maanta ayaa iyadoo dalkeena tobanaan
jaamicadood ka jiraan,oo aqoon yahankeeni tiro belay, tan laynagula soo
hagaagay. Runtii waa caqligeeni iyo aqoonteeni oo kor iyo hoosba loo caayay.
Waxaana wax laga yaq yaqsoodo ah in golihii dhamaa ee aynu dooranay, ee u
taagnaa la xisaabtanka xukuumadu uu waxa caynkaasiya ka doodo, oo uu u qaybsamo
qaar taageersan iyo qaar diidan. Waliba wasiiradii horteeda ka akhriyaan in uu
fursad weyn inoo yahay.
Yaab ma waxa fursad wayn inoo ah, in aynu qaadano,
wax aynaan ogayn waxa uu xanbaarsan yahay iyo waxa uu yahay toona. Ma waxa
fursada ah afka macaan ee laynagu haasaawinaayo,mise heshiiska guntiga lagu
qarsanaayo, ee aanu jirin cid wax ka ogi. Yaa inooga damaanada hadii siday
sheegayaan uu hadhaw xaal noqon waayo.
Halkee ayay dunida ka dhacdaa, waase nidaamkee
tan oo kale. Ma waxaynu qornaa aniga ayaa kuu sheegaaya oo waa inoo dane i
rumayso. Yaab oo hadii dawladnimaduba tahay in lays rumaysto, oo ninkii
madaxaba waxii afkiisa ka soo yeedha aan waxba layska waydiinayn, maxaa dawlada
looga dhigay intan oo hay’adood ee is dheeli tira. Maxaa baarlamaanka laga
sameeyay; maxaa xeer ilaalinta laga sameeyay; maxaa hanti dhawrka laga
sameeyay, ee cid qudha maamulka dalka gacanta loogu gelin waayay.
Bal
ka soo qaad inagoo rumaysanay balan qaadyada subagu da’aayo ee ay inoo
sheegayaan, yaa inooga damaanada haday hadhaw wax ka xumaadaan, ma iyagoo
geelooda la jooga ayaynu hadhaw qab qabsanaynaa.
Saaxiibayaal
caqli maaha anaga na rumaysta, ee aynu xaqiiqada u gondo degno, oo hadii sida
aad sheegaysaan wax u jiraan oo wax kastaaba hagaag san yihiin,waa maxay
hilaabtan iyo guntigan xumi. Maxaad wax ka qarsanaysaan, ee hadalka macaan iyo
maaweelada idinku kalifay, dee arinkaba dhayda ka cadeeya, oo waayeel hortiisa
ayaa caano loogu badh xaaye, xaalkaba isagoo tafatiran banka keena.
Ugu
danbeyn waxaan Goleha baarlamaanka ugu baaqayaa ,hadii aanay jirin jahliga ay
xukuumadu idiin maldahayso; in ay
xusuustaan dhaartii iyo xilkii ay umada u qaadeen, oo arintani arimihii hore oo
dhan waa ay ka duwan tahay, waanay ka saamayn balaadhan tahaye, waana
mustaqbalkii wadankee; in ay ka fiirsadaan, oo talada rog rogaan, lana
tashadaan sharciyaqaanada dalka. Hadii kale, walee sidii ka dhacday, heshiiskii
turkiga ee lagu duudsiyay xuquuqdeeni dhamayd ee aynu 25 sano ku doodaynay iyo
xasuuqii baahsanaa ee laynoo gaystay, ee
la qaatay kalmad aan macno badan lahayn,sharciyana aanay jirin cid
lagula xisaabtami karaa, in kana qudhun looga dhici, dalkuna in badan
qoomamayn, oo farta dhexda laga qaniini.
Fiiro Gaar ah: Marka uu heshiiska rasmiga ah ina soo gaadho ayaynu qaab sharci uga faaloon doonaa, oo aynu heshiiska iyo sharciyadeena isu eegi doonaa, halkaasna ku bayaamin doonaa dhib iyo dheef ka uu inoo leeyahay iyo sida ay isaga iyo shuruucdeenu isu la jaanqaadi karaan.Balse kan maaha wax qiimo sharci oo la eegaba leh. waana kan aan halkan idiinku soo lifaaqay, ee bal ila eega.
Allaa Mahad Leh
Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com
No comments:
Post a Comment