Monday, August 29, 2016

Ujeedo:Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu canbaareynayaa xadhiga Siciid Maxamuud Gahery, waxaanu dawlada ugu baaqayaa in ay xoriyadiisa u celiso.


 


Waxa 20/ August/2016 magaalada Hargeysa  booliksu ku xidheen Abwaan Siciid Maxamuud Gehayr oo ah nin dhalinyaro ah, oo abwaan iyo qoraa  ah. Waaxaanu xadhigiisu daba socday, kadib markii barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga loo yaqaano, si is daba joog ah loogu baahiyay qoraalo ku soo baxay magaciisa, oo ka hadlaaya arimo khuseeya gegada diyaaradaha ee hargeysa (Cigaal Interntaional Airprt) iyo dhulka ku xeeran gegada diyaaradaha, ee xaydaabka xadaynta madaarku galay. kuwaasi oo ciwaan looga dhigay “ Dhibta iyo Dheefta Madaarka Cigaal”.

Dhinaca kale, waxa af-hayeen  booliska u hadlay,oo  ka hadlay xadhiga Siciid Maxamuud Gehayr, uu warbaahinta ka sheegay;In Siciid boolisku  xidheen oo loo haysto, wax uu ugu yeedhay “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya Qaranka Somaliland”, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin “fariimo hanjabaada” oo uu yidhi waxa uu u gudbiyay baraha bulshadu ku xidhiidho.

Hadaba sida ku cad Qod: 9 (1) ee Dastuurka Jamhuuriyada Somalind. Iyadoo Somaliland tahay dal dimuqraadiya, oo uu muwaadin kastaa, sida ku cad Qod: 32 (1) ee dastuurka Somaliland uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo, oo uu ku soo bandhigo; qoraal,hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan; Waxa Ururuka Qareenada Somaliland walaac iyo war wer xoog leh ka qabaa,islamarkaana uu canbaaraynayaa  xadhiga lagula kacay Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr.

Waxa xadhiga noocan oo kale ah, ee ah in qof ra’yigiisa oo uu cabiray loo xidho uu wax yeelo weyn iyo dibin daabyo ku noqon karo xaqii muwaadintiinta ee cabiraada iyo ra’yi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.

Sidaasi darteed; Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu dawlada ugu baaqayaa in ay Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr, sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa ugu celiso.Ilaalisana xuquuqda muwaadiniinteeda.

Alla Mahad Leh.

Jamaal Huseen Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.

Saturday, August 6, 2016

Waa Wareey : Heshiiskii Dekeda Mise Feygarrkii Madaxtooyada!!!!!.


“Laaca aragtee,
Laaga Ma Ogtiin”.

Yuusuf Ismaaciil Cali, oo ahaa gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare,oo  runtiina ah foolaadka garyaqaanada xeerarka dalka ugu xeesha dheer, ayaa waxa lay sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, markii uu looyarka ahaa, isagoo dacwad ku jira, ay qareenkii   kale, ee ay dacwada  iskaga soo horjeedeen ay qodob sharci isku qabteen, oo midba si ugu dooday, mid kastaana sheegay si ka duwan sida uu ka kale sheegaayo,halkiina dood adagi ka bilaabantay. Dabadeedna uu qareenkii kale oo sitay xeerkii oo  afsoomali ku qoran uu la soo booday,kana soo saaray qodobkii laysku hayay oo sidii uu isagu doonaayay u qoran; iyadoo asal ahaana xeerarkii somaliya laga dhaxley intooda badan yihiin nuquladooda asalka ahi,  talyaani ama carabi yahay.

Balse yuusuf ismaaciil oo isagu looyarkaasi kale ka xeel dheeraa,kana waayo aragsanaa, ayaa isagoon isdhibin  waxa uu halkii ka yidhi kalmad hal ku dheg noqotay oo garsoorka dhexdiisa marka wax laysku yara qabto laysu soo qaato, waxaanu yidhi“ Adeero iga du’ buugan inanka reer xamarka ahi qoray, ee anigu xeerku sida uu sheegaayo ayaan sheegayaa”. Runtiina sida laysheegay markii  qodobkii dib loogu noqday, ee la baadhay, waxa uu noqday sidii uu yuusuf ismaaciil ku doodaayay.

Imika, mar dhaweyd waxa lay soo diray dhawr waraaqood oo afsoomali ku qoran oo la yidhi waa heshiiskii dekeda ee Goleha Baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo aan saxeex iyo shaanbad midna lahayn, markii aan weydiiyay? oo ma Somali ayaa heshiiska lagu galayna, waxa la yidhi “ mayee, madaxtooyada ayaa si barlamaanku u fahmo u fududaysay oo  soo tarjuntay”.

Waa wareey; oo  baarlamaankii dhamaa, ee aynu dooranay ma wada juhalo aan afkale iyo aqoon kale midna lahaynbaa.Ta kale miyaanay la taliyeyaal sharci iyo khubaro kale oo caawisa midna lahayn;  se marka uu xaal sidaa yahay, waa halkii yuusuf ismaaciile , waxa la horgeeyay goleha sharciyan maxaa lagu macneyn karaa ?“ Ma faygarkii Madaxtooyadaa Mise waa Heshiiskii Dekada”.

Bal adba : Maxaa kuwa la horgeeyay ku rumaysteen in uu heshiiskii dekeda yahay iyo in uu yahay qoraal “Qudhac Raamaale” hoostiisa lagu qoray; maxayse qolada sida taa iyagu ku cadaynayaan, ileen waa tan oo waa afar war qadood oo aan saxeex iyo shaanbad midna lahayne, tixraacna hadalkiisaba daa.Ileen dhukumentiga waxa lagu cadeeyaa waa saxeexa; shaanbada iyo tixraacee.

Waa wasiirkee, wasiirka qoraal caadiya qora, ee ay wasaaradiisu dirto isagoon saxeexiisa ama saxeexa kale ee hawl wadeenada wasaarada iyo shaanbada lahayn. Waa waxaan waligeed la arag iyo af kala qaad.

Waa meel ka dhac weyn oo caqligeena iyo aqoon teena lagu caayaayo. Waa waxaan hore loo maqal, oo aan loo arag, balse hore ayaa looga hayay dhalin ileeye “ Kobtaa Hadaan Laga Guurin, In Goroyo Heeryaysani ka soo dhici”.

Ma maanta ayaa  iyadoo dalkeena tobanaan jaamicadood ka jiraan,oo aqoon yahankeeni tiro belay, tan laynagula soo hagaagay. Runtii waa caqligeeni iyo aqoonteeni oo kor iyo hoosba loo caayay. Waxaana wax laga yaq yaqsoodo ah in golihii dhamaa ee aynu dooranay, ee u taagnaa la xisaabtanka xukuumadu uu waxa caynkaasiya ka doodo, oo uu u qaybsamo qaar taageersan iyo qaar diidan. Waliba wasiiradii horteeda ka akhriyaan in uu fursad weyn inoo yahay.

 Yaab ma waxa fursad wayn inoo ah, in aynu qaadano, wax aynaan ogayn waxa uu xanbaarsan yahay iyo waxa uu yahay toona. Ma waxa fursada ah afka macaan ee laynagu haasaawinaayo,mise heshiiska guntiga lagu qarsanaayo, ee aanu jirin cid wax ka ogi. Yaa inooga damaanada hadii siday sheegayaan uu hadhaw xaal noqon waayo.

 Halkee ayay dunida ka dhacdaa, waase nidaamkee tan oo kale. Ma waxaynu qornaa aniga ayaa kuu sheegaaya oo waa inoo dane i rumayso. Yaab oo hadii dawladnimaduba tahay in lays rumaysto, oo ninkii madaxaba waxii afkiisa ka soo yeedha aan waxba layska waydiinayn, maxaa dawlada looga dhigay intan oo hay’adood ee is dheeli tira. Maxaa baarlamaanka laga sameeyay; maxaa xeer ilaalinta laga sameeyay; maxaa hanti dhawrka laga sameeyay, ee cid qudha maamulka dalka gacanta loogu gelin waayay.
Bal ka soo qaad inagoo rumaysanay balan qaadyada subagu da’aayo ee ay inoo sheegayaan, yaa inooga damaanada haday hadhaw wax ka xumaadaan, ma iyagoo geelooda la jooga ayaynu hadhaw qab qabsanaynaa.

Saaxiibayaal caqli maaha anaga na rumaysta, ee aynu xaqiiqada u gondo degno, oo hadii sida aad sheegaysaan wax u jiraan oo wax kastaaba hagaag san yihiin,waa maxay hilaabtan iyo guntigan xumi. Maxaad wax ka qarsanaysaan, ee hadalka macaan iyo maaweelada idinku kalifay, dee arinkaba dhayda ka cadeeya, oo waayeel hortiisa ayaa caano loogu badh xaaye, xaalkaba isagoo tafatiran banka keena.

Ugu danbeyn waxaan Goleha baarlamaanka ugu baaqayaa ,hadii aanay jirin jahliga ay xukuumadu idiin maldahayso;  in ay xusuustaan dhaartii iyo xilkii ay umada u qaadeen, oo arintani arimihii hore oo dhan waa ay ka duwan tahay, waanay ka saamayn balaadhan tahaye, waana mustaqbalkii wadankee; in ay ka fiirsadaan, oo talada rog rogaan, lana tashadaan sharciyaqaanada dalka. Hadii kale, walee sidii ka dhacday, heshiiskii turkiga ee lagu duudsiyay xuquuqdeeni dhamayd ee aynu 25 sano ku doodaynay iyo xasuuqii baahsanaa ee laynoo gaystay, ee  la qaatay kalmad aan macno badan lahayn,sharciyana aanay jirin cid lagula xisaabtami karaa, in kana qudhun looga dhici, dalkuna in badan qoomamayn, oo farta dhexda laga qaniini.


Fiiro Gaar ah: Marka uu heshiiska rasmiga ah ina soo gaadho ayaynu qaab sharci uga faaloon doonaa, oo aynu heshiiska iyo sharciyadeena isu eegi doonaa, halkaasna ku bayaamin doonaa dhib iyo dheef ka uu inoo leeyahay iyo sida ay isaga iyo shuruucdeenu isu la jaanqaadi karaan.Balse kan maaha wax qiimo sharci oo la eegaba leh. waana kan aan halkan idiinku soo lifaaqay, ee bal ila eega.



Allaa Mahad Leh


Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com