Monday, June 29, 2015

Faallo:Ma Sallaxley ayaan Somaliland ka mid ahayn,Mise wax kale ayaa jira !!!?.


Waxa maal mahan warbaahintu wax ka qoraysay wax kamida baahiya balaadhan ee  ka jira Degmada Salaxley. Waxa warbaahintu inoo soo tebiysay in dhooligii (Ambulance) kali ahaa ee ka hawl geli jiray degmada Sallaxlay , kaasi oo marka horeba aan ahayn mid dawladi bixiysay, balse uu ururka samafalka ah ee Gaaroodi ugu deegay, uu dhawrkii maalmood ee u danbeeyay u fadhiyay cilad ku timi kadib markii u wax ka noqday geer bogoska.

Waxa wadaha ama darawalka  dhooligaasi oo uu wargayska Hubaal la hadlay, sida aan ka soo xigtay mareegta hubaal uu yidhi “Baabuurku sida kale waa u cusub yahay ee laakiin Geer bogosyadiisa oo bilaa tayo ah ayaa kolba is masaxa, waxaana muddo sannad iyo badh ah oo aan dirawal ka ahaa uu immika u fadhiistay geer bogosyada” sidaa ayuu yidhi wadaha dhoolligani, waxaanu intaa ku daray mar uu ka jawaabayay su;aal nuxurkeedu ahayd in wasaaradda caafimaadku war ka hayso xaaladda cusbitaalka baabuurkani ka tirsan yahay, waxaana uu yidhi ‘niyow xagga wasaaradda caafimaadka waxba nagama soo gaadhin, warna kama hayso, marka laga reebo lambar GT ah (Taarikada baabuurka ee dawladda) oo ay ku xidheen uun, wax alliyaale wax kale oo ay wasaaradda caafimaadku noo qabatana ma hayno. Arrinta baabuurkanna waxaa uu u fadhiyaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo dollar, wasaaradduse waxba kama oga ee maayarka degmada iyo shacbiga magaalada uun baa na dhiirigeliya, isaguna doorkan wax adduun ah muu haynin ee wuxuu yidhi balloodh uga soo iibiya dhulka wadada cadi leedahay, balloodhkiina lama iibsanin”.

 Waxa si shakhsiya aniga ilo xogogaal ah oo arintaasi aad ugu dhuun daloolaa iigu xaqiijiyeen in markii baabuurkii (dhooliga) kali ahaa ee jidaasi Salaxlay oo ah jiid aad u balaadhan ka shaqaynaayay uu fadhiistay ay kaliftay in hooyooyin dhawra oo fooshu qabatay markii maaro kale loo waayay la soo saaray gaadhi dhayno ah oo isaguba huq iyo naxdin ugu filan hooyo la baaxaa degaysa xanuunka foosha.

Waxa kale oo iyana warbaahintu inoo soo tebisay qaylo dhaan ba’an oo uu xildhibaan Wali Axmed Xaawo ka soo diray dayacnaanta xarumihii dawlada ee degmada Salexlay.Waxa xildhibaanku isagoo ku sugan degmada Sallaxley mar uu hadal ka jeedinaayay madal uu dhalin yarada Salaxley ee ka  aradan, quustana ka taagan wax tar dawladeed uu ku wareejinaayay  agab ciyaareed oo uu isagu ugu deeqay si ay ugu ciyaaraan bisha ramadaan ee barakaysan, uu warbaahinta u sheegay in xarumihii dawlada ee degmadu dayacan yihiin oo ay qaarna dun san yihiin qaarna ka guuraa ku dhaw yihiin.

Waxa uu sheegay,  iyadoo marka horeba ay xarumaha dawlada ee degmada ka dhisanaa ama ka jiray ay faro ku tiris ahaayeen,  in dhismihii wasaarada xanaanada xoolaha oo ka mid ahaa midhadhka xafiisyo dawladeeda ee degmada laga dhisay uu gebi ahaanba dumay  oo uu dhulka yaalo, cisbtaalkii degmada oo labo sano ka hor madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu balan qaaday inuu dayrka u dhisaayana uu wali sidii yahay oo ay xoolaha iyo reer guuraagu afarta kooneba ka soo galaan.

Hadaba iyadoo degmada Sallaxley tahay  degmo caasimada dalka ku laalaysa oo qofka magaalo madaxdeeda dhex istaagaa hadii uu caasimada bidhaamiyo uu arkaayo kaaha nalkeeda, hadii aynu taariikhda dib u milicsanana ah degmo guuna oo xili hore la bixiyay,dadka deganina ay  laf dhabar u ahaayeen halgankii dheeraa ee dib u xoraynta dalka, maantana dhaqaale ahaan ay degmadu ka mid tahay degmooyinka laf dhabarta u ah dhaqaalaha Somaliland oo ay dadka degani ka mid  yihiin dadka dhaqa inta u badan xoolaha  aynu dhoofino; Waxa suaashu tahay,waa maxay sababta tan iyo intii aynu xoriyadeena la soo noqonay ay xukuumadihii kala danbeeyay  ee talada dalka soo maray ay u hagradeen degmada ee ay u hilmaameen inay bulshadeeda wax u qabtaan, ee xataa xukuumada maanta talada haysa oo markasta ku faanta in ay  dakhligii dalka kordhisay oo ay boqolkiiba boqol in ka badan kor u qaaday, ay u tahli kari wayday wax kale iska daayoo inay dayac tir uun ugu samayso waxyaabaha yar yar ee degmadu yaboohda ku heshay, xili ay xukuumadu degmooyin ka fog fog, kana cimri yar  ka hirgalisay mashaariic aad u waawayn, kaabayaasha noloshana wax badan ay ka qabatay.

Ma Degmada Sallaxley ayaan Somaliland ka mid ahayn, mise wax kale ayaa jira ?!!!!!.

Allaa Mahad leh.


Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com