Maxamed Baashe
X.Xasan waxa uu madashii xuska ,isagoo ra’yigiisa cabiraaya ka sheegay in uu saluug
san yahay kana soo horjeedo qaabka iyo hanaanka loo maamulay bixinta saldhiga
ciidan ee imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera.
Dhinaca kale afhayeenka
booliska,oo ka hadlay xadhiga Maxamed Baashe
X. Xasan , waxa uu shir jaraa’id, oo uu qabtay ku sheegay in Maxamed Baashe ku kacay falal ah: kicin
dadweyne iyo khal khal gelin amni, oo uu ka horyimi mashruuca madaar berbera,
islamarkaana uu qaban qaabinaayay shir lagu kicinaayay dadweynaha.
Hadaba iyadoo
qaranka Jamhuuriyada Somaliland yahay qaran dimuqraadiya oo shacbigiisu naf iyo
maalba u soo horey sidii ay mar uun ugu naaloon lahaayeen qaran dimuqraadiya oo
sharcigu sareeyo, islamarkaana
Qod:32aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland si cad u qeexay; in
muwaadin kastaa uu xor u yahay in uu rayigiisa cabiro, kuna bandhigo qoraal,
hadal, muuqal iyo suugaan; iyo in uu xor u yahay in uu abaabulo, kana qayb
qaato kulan ama banaan-bax nabadeed oo
uu dareenkiisa ku cabiraayo;Waxa Ururka Qareenada Somaliland (Solla) sida
ugu adag u canbaareynayaa xadhiga sharci
darrada ah ee lagula kacay saxafi
Maxamed Baashi X. Xasan, oo ah shakhsi qiimo badan ku leh bulshada
Somaliland, oo ka mid ahaa foolaadkii keenadiidka ahaa ee wakhtigooda u huray
halgankii dib u xoreynta qaranka
Jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale waxa
Ururka Qareenada Somaliland walaac xoogan ka muujinayaa qodobada qayru
dastuuriga ah, ee ka hor imanaaya xoriyaadka aasaasiga ah ee uu dastuurku u
damaanad qaaday muwaadiniinta , sida Qod:
321 X.C.G, oo ah mid ka mid ah qodobadii uu nidaamkii kali taliska ahaa ku
cabudhin jiray shacbiga cidii ra’yigeeda iyo rabitaankeeda cabirta. Walina lagu dhaqmo oo ah qodobka ugu badan ee lagu
soo eedeeyo muwaadiniinta cabiraada ra’yigooda loo soo xidho.
Ugu danbeyn
Ururka Qareenada Somaliland, waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in ay si deg deg ah
oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa ugu soo celiyso Saxafi Maxamed Baashe X.Xasan
, oo ay dhawrto ku dhaqanka Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Jamaal Hussien Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.
Mobile: 0634122290.
No comments:
Post a Comment