Kadaloob iyo keenadiid duqay weeye kasmaaloo,
dalkooda korkaa ka ilaashoo, iyagoon cidna maagin
oon gole waynaha keenin ,kashifa xaaladaynu marayno.
Kadaloob: Qoodhay
iyo xeraday waa saaxiibkay keenadiid, saaxiib ii waran oo reerkii ka waran.
keenadiid: Sxb
waa khayre, adigu ii waran oo ciyaalkii iyo guud ahaan reerkii ka waran.
Kadaloob: Saxiib
aad ayaa loo wanaagsan yahay,inankii caruurta ugu roonaa oo aan filaayo inuu
tahriibay oo aan sadex habeen guriga iman mooyaane.
Keenadiid:
yaa, oo cid yay iskugu danbeeyeen.
Kadaloob: waar
niyow ma baan daydayinoo, labadii cisho ee hore laymaba sheegin oo islaantu way iga qarinaysay, saakana gurigii
waan ka soo kala huunoo, arin yar oo
odayaashii reerku iskugu imanaayeen oo naloogu yeedhay ayaan usoo
kicitamay, tiina markaan arkay dadka iskugu yimi fara badnidooda iyo in ay kii daaniye iyo qasbaaye arinta maamulayaan ayaan iska soo dhaafay oo
aan idhi tan waxba kaa soo gaadhimaayaane intay goori goor tahay dhulkaa
ilaahay iskaga foof tag.
Keenadiid:
oo arintaa reerkii kulmisay maxay ahayd, ma inanbaa bixinayseen.
Kadaloob:
kaw, oo bixin haday tahay miyaan sooba dhaafi laa, soo quruskayga maan soo qaateen.
Keenadiid: oo
hadaa maxaa jiray ee reerkii kulmiyay.
Kadaloob: Waar
wax kale may ahayne, kii aynu isku beesha ahayn ee wasiir kacaan ayaa kii Caaqil kadeed iyo odaygii Afwayne la
soo hadloo yidhi ilaw ilaw ujawaaba qolo
maalin dhawayd dawlada wax ka sheegtay.
Keenadiid: oo odayaashii
reerku goormay siyaasiyiin noqdeen.
Kadaloob:
waar niyow intaad waxan oo su’aal boolis ah iyo tabaasida naga daysid, adigaa
ilaahay adeerkaa kuu barakeyee, aanu cad ceeda iskaga dhaqaaqnee, bal mar uun
jibadu ha kaa yeedho oo halagugu
baxsado.
Keenadiid: waar
kadaloob,imika seed tahay, maxaa kaasiya ee aad la jeed jeed sanaysaa, bal
caadi noola hadal oo si fiican noogu
waran.
Kadaloob:
Niyow maxaanu caadi u hadalnaa, ilaa buurtii ayaanu soo lugaynoo cad- ceedaa na
saarane.
Keenadiid:
bal ina mari soo qadaynee.
Kadaloob:
waar niyow anigu qado kaamo rabee,waxaan caruurtii ula tago iidhiib.
Keenadiid: waar
waxaad rabto anigaa ku siine ina mari aad lafahaaga wax usii cuntide.
Kadaloob: Saaxiib
waad mahad santay ee aniga iska kaydir, adna markaa iska qado tag.
Keenadiid: Waar
niyow dee beryahan danbe kadaloob kaan aqaanayba ma tihid, niyow waa maxay
waxan oo kacsanaani.
kadaloob:
Niyow ma waxaanaan kacsanaanbaa, ka soo raynba malaha oo maalin kasta way ka
sii daraysaaye.
Keenadiid: Sxb
kamay sii darteene adiga iyo inta kula midaa uga sii daraysee,Sxb aan kula
taliyee intaad afmiishaarnimadan iyo afkan aad kiraynayso iska dayso, ilaahay intaad
barido, wax dhaama waydiiso oo subaxii intaad goor hore kacdo,kallahoo kol aad
kuuli gasho ilaahay arsaaqad xalaala waydiiso.
kadaloob:
waar keenadiid,hadaa ma tan ragba wada cunaayo ee aan afkayga ku goosto ayaa
xaaraana.
Keenadiid: kkkkkkkkk, waar
haadaa ma xalaalbaa,waar miyaanad ogayn, ileen kan ku siinayaa qasnad uu leeyay
oo bakhaar u taal kaa siin maayee, in waxan aad cunaysaa tahay hanti umadeed oo
ay tahay cashuurtii laga ururiyay hooyooyinka danyarta ah ee maalin kasta shanta
xabo ee xabuuba la fadhiya cad ceeda.
Kadaloob:haa waan
ogay,laakiin maan xadine aniga waxa isiiyay kii cashuurta aad sheegayso loo dhiibay, ee hooyooyinka aad
sheegaysaa siiyeen.
Keenadiid: oo
taasi, cidii doontaaba ha ku siisee, cunisteeda ma xalaal baad u haysataa.
Kadaloob: hadaanay
cunisteedu xalaal ahayn, hadaa ma kaydinteeda iyo qasnad ku haynteeda ayaa
xalaala, waar hadii aan la cunin oo aan dadka wax looga dhiibin soo aboorka iyo
jiiku cuni maayaan.
Keenadiid: Saaxiib
horta ma taqaan waxa cashuurta loo qaado
ee ay tarto.
Kadaloob:
dee maxay tartaa, waxa loogu talo galay in madaxda kursiga ku fadhidaa
manaafacaad sado, oo si madax tinimaddoodu u muuqato ay ka iibsadaan gawaadhi ay xafiiska ku yimaadaan iyo guryo
ban galooyina oo lagu soo booqdo, dee waxan aanu ka cunaynaana waa dhac dhacuun
aanu ku difaacayno karaamada madaxda iyo haybada qaranka, ileen niyow dadkan
aad arkayso waxa badan inta afxumada iyo aflagaadada madaxda ku dheeraysa ee
aan waxba kala garanayne.
Keenadiid: waar
kadaloob, ileen habeenba maad jirin, waar imika miyaad waalan tahay mise waad
is yeel yeelaysaa.
Kadaloob: hee.
Keenadiid: Waar
naga aamu waad waalantee, waar ma cashurtaad imika leedahay waxa leh madaxda,
waar waxaan mushahrka iyo inta hawlaha xafiisyadooda loo qoondeeyay ka ahayn
kuma laha, waliba inta danbena iyagu maaha
inay siday doonaan ugu tagri falaane waa in lagula xisaabtamaa.
Kadaloob: horta habaar waa
dibada ee yaynaan is habaarin, ta kale hadii aanay sidaa aan sheegaayo ahayn,
oo aan cashuurtan madaxda loogu talo gelin, siday wax u kala soconayaan, waata
saddexaade hadii aanay sidaa ahayn, madaxdu marka sidaa loo magacaababa halkay
ka keentaa gaadhigan biyaha tufaaya ee ay markaba fuusho iyo gurigan kala
jiidan ee marka la dhisaayo kuuliga wax ka dhisayaa aanu is arkayn.
Keenadiid: waar meel baas oo
ay eedaan ayay ka keenaane, cashuurta waxa loogu talo galay, in dawladu dadka ugu adeegto oo ay ugu samayso wadooyin,
iskuulo, biyo, laydh, cisbitaalo, shaqo abuur iyo wax kasta oo kale oo
daryeelka iyo horumarinta bulshada ah.
Kadaloob:
waar imika adiga laftaada maxaa kaasiya miyaad riyoo naysaa, waar biyahaad
sheegayso booyado ayaa lacag noogu
shuba,, laydhkiina xalaydaa wuu naga go’naa oo lacag yaroo bishii hore baaqi
nagaga ahayd iyo intii bishan oo aanan wali bixin ayaa shirkadii lahayd nooga
goosatay, shaqada aad sheegaysana shaqo la’aani waa waxa inankaygii curad ku
kalifay tahriibka.
Keenadiid: hadii aad adiga
iyo inta kale ee afku xoog laha ahi garataan in aaad cunista ka daysaan oo
halka aad madaxda ka waydiinaysaan waxaad maalintaa cunaysaan, aad tidhaahdaan waxaanu
rabnaa wadooyin, laydh, biyo iy cisbitaalo waa laydiin samayn lahaa, ee idinku bal isku noqda, hadii kalena
waligeed cidi idiin samayn mayso.
Kadaloob:
waaryaa keenadiid oo hadaanu anagu intaa garan waynay madaxdu iyadu miyaanay
caqli iyo garaad midnaba nagu dhaamin oo intaa aad adigu garanayso iyadu
garanayn, waar waxay ila tahay kol hadii waxaa aad sheegayso oo dhan aanu
dawlada ku leenahay, in waxan yar ee aanu madaxda ka qaadnaana yahay xaqayagii oo ilaahay
si kale noogu soo celiyay,waliba sidaa marka la eego anagaa dawlada daalac ku
leh.
Keenadiid:
Saaxiib intaana iska daa, iyagana ilaahay ayaa kala xisaabtami.
Kadaloob:
waaryaa, waaryaa ninoow idhagayso, waa xaaraan uun baad na leedee, anigu
waxaanaan lahayn maan cunin, raga kalena waa ila miduune waxba ha ka sheegin.
Keenadiid: oo ma waxa aad
leediin xoolaha umada laga soo ururiyo ee laga soo saaray jeebka danyarta.
Kadaloob:
waar maya, taa aniga maxaad iiga sheegaysaa, waar gurigayga cashuurbaan ka bixiyaa,
adeerkay isna meheradiisa cashuur ayuu ka bixiyaa, ededay iyana sidoo kale
guriga iyo kolaygaba lacagbaa laga qaadaa,intayadaa midnabana dawlada aad
sheegaysaa laydh, biyo iyo shaqo midnaba kama helno, wadada guryahayaga tagta
markii xaafadu ka yaabtay dhagaxa , xaafadaa intay wax isku dardarsatay
waxoogaa dhagixii qor qortay oo sintay, anigaa kula hadlayaa ugu yaroo boqol
aan feedh iyo laad ku keenay ayaan ku daray. Markaa saaxiib yaynaan is
wareerin.
Keenadiid:
Saaxiib waxba yaynaan isku xiiqine bal adigu nin wayn ayaad tahaye intaad dib
isugu noqoto kolba tii aad door moodo samee,imikana intaad iska tagto waxaad
sii martaa tukaankii wax walba haye ee xaafada ku
yaalay, isna anigaa la sii hadlaaya.
Kadaloob:
waad mahad santay saaxiib, dee tan aad sheegaysana, talada waynu isku leenee
anigaa isku noqonaaya.
Keenadiid: waayay
Saaxiib, allaa macaka.
Kadaloob:
waaryaahe, dee ninku si wayn ayuu ila hadlaa,yaa,yaa,yaa, cajiib, iga walla
beriba horta waa in aan kii kacaan wasiirkiisana mooyee u tagtaa oo aan
idhaahdaa maxaa horta adiga iyo
dawladaadu noo qabateen ee aanu maalin walba idinku difaacnaa ee aanu tol,
sokeeye iyo xididba isku seegnay.
Lasoco………………..
Qalinkii:
Qaryaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).
Phone:4122290.
No comments:
Post a Comment