Tuesday, May 5, 2015

Nin Qayillay, Waalli & Weriye War Galeen ah Iyama!?.



-Waar yaadheheen!, waar yaadheheen!!!, waar miyaad waalan-tiin, dee sidani si maahee aynu is dhegaysano!!.
-Waayay, waayay; Dee ileen haddii kale waxba kala korodhsan maynee; ma qaadka ayaad noo qaadeen, maxaad noo aamusiinaysaa.
-Waar waxaan waxba isku falayn ayaad tahee inanka sidaa hawla hadlin, horta marka wax wanaagsan laguu sheego maxaad sida noola-uraha isu cun-cuntaa…. Waar anagaa xaal ku siinaye raali noqo.
-Dhib malaha, Dhib malaha, ee saaxiibkeen isaguunbaa iska cadhaysane anigu waxaan lahaa uun aynu is dhegaysano oo aynu kala faa’iidaysano.
-Waar muddo kordhintii nin wax war ah ka haya ma leedihiin?
-Dee weli waxba soo may saarin.
 -Oo ma inta laysku af gartay waxaan ahayn ayay kordhin karaan?
 -Maya, maya.
-Maya maxaad u odhanaysaa  iyaga ayaa xaq uleh waxay kordhinayaan.
-….Waar bal ninkaa eega,  ileen waad iska hadashaa, waar xaq umalaha inay maalin ku daraan waxii lagu heshiiyay.
-Waar horta waxaan idin weydiiyay waxan aad leedihiin waa lagu heshiiyay yaa ku heshiiyay?
-Waxa ku heshiiyay danneeyeyaasha.
-Danneeyeyaashu waa’ayo?
-Waa sadexda Xisbi Qaran iyo komishanka.
-Maxaad tidhi, maxaad tidhi; waar hadday saddexda xisbi iyo komiishanku sidaa ku heshiiyeen waa’ayo cida buuqaysaa, ileen sadexda xisbi ayay wax ka dhexeeyaane?
 -Waar horta anigu waxaan idin waydiiyay,  bal na sug ha naga dhex geline; horta waxani ma heshiisbaa mise waa wax komiishanku xaq uleeyihiin?
 -Waar mayee waa heshiis.
-Waaryaadhaheen dee anigu midbaaban ogay, dadka uunbaa iska xiiqsane odaygu muddo kordhin aan ahayn inta ay doorashadu ku suurto galayso wax ka badan ma rabo, ee niman wax ka lux luxanaaya ayaa waxan oo qaylo ah abuuranaaya.
-Waar niman-yahow anigu waxaan idin weydiiyay, horta yaa muddo kordhinta loo samaynayaa?.
 -Dee odayga.
 -Odaygee?
 -Waar maya, maya, waar anigu sidaa uma jeedo ee waxaan idin idhi kordhinta la sheegayo ma tii madaxtooyadaa oo madaxwaynaha ayaa loo samaynayaa mise waa tii baarlamaanka, ileen labaduba 26 june kadib muddo dhaaf ayay noqonayaane.
-Anigu horta waxaan ogay inay beesha caalamku inagu qasbayso in aynu ta madaxtooyada hor galno.
-Beesha caalamku waa tee, waar imikuun baad beel caalam ka sheekayne, miyaan anaga waxbaba nala waydiinayn, adeero waa in doorashada baarlamaanku soo horaysaa oo shacabku doortaa horta cidii ma teli lahayd, hadaa ma guul wadayaashan maalinba meesha uu dhuunigu ku jiro raacaaya ayaa noo sii joogaaya.
 -Waar anigu run ma idiin sheegaa, anigaa saaka nin wayn oo xogogaal ah la joogee, Guurtidu waxay kordhinaysaa sanad iyo lix bilood.
-Yaa, wallaahiy haday maalin ku daraan in wax kale dhici.
-Oo maxaa dhacaaya, adeer miyaanad ogayn in bishan ay komiishanku leeyihiin doorasho ayaa dhacaysa aan waqooyiga oo dhan cidi ka codaynayn oo ay kulayle tahay.
-Waar horta anigu waxaan idin waydiiyay waxa laynagu xiijiyay Muddo kordhin Muddo kordhine, horta kan imika haysta haduu sii haysto iyo haduu mid cusbi yimaado maxaa is bedelaaya?
 -Walaahi inaanay waxba isbedelayn, ee aniga hadii wax layga waydiinaayo, waxaaban odhan lahaa kani inta cimrigiisa ka hadhay hayska joogo oo yaan waxba doorasho la gelin, kanaa inoo miciyo fudud, ileen waa tii hore loo yidhi nin wayni waxa uu cunaa waa jaluune.
-Waar miyaad waalan tahay, waar ma caruurtan iyo dumarkani inay noo taliyaan ayaad doonaysaa, waar iga wala inaanan yeelayn.
-Anigu garan maayo waxa uu ninkani jib-baysane waxa uu sheegaayo ee, hadii aan reernimo loo hadlayn wax wax qabtay siilaanyo ayaa jira.
-Soo jeedso, soo jeedso, adeer waad iska jibaysan tee horta inaan ka soo socdaana shacbigan aan dawladnimo waxay tay garanayn ee maalinba nin danlihi ku guuraayo inaan ka soo socdaana cunayn maxaa nooga damiina,mise maalinba reer ayaynu xoolaynaa.
-Waaryaadhaheen run ma doonaysaan, iga wala kan haysta iyo kuwa soo socdaa inaanay is dhaamin, midina danteena wadin, ee mid walbaa marka horena afka ayuu inoo wanaajinayaa marka danbena waxa uu doono ayuu samaynayaa.
-Kkkkk, iga walla madaxweyne Ina Cigaal dhaammaa inaanu ina soo marayn.
 -Waar odaygaba xanuunkaa la degaye inuu wax qabto waa ka go’nayd ee amar illaahay ayaa helay.
-Anigu waxaan la yaabaa uun ninka yidhaa odaygu wuu xanuusanayaa, iga walla inaanu bar qabin, ee waa siyaasi rug-cadaa ah, oo si uu u dafiro nimankii abaalka badan u galay ee lacagta badan uu ka qaaday ololihii ayuu ogaan isu yeel yeelaa. Wali miyaad aragtay cid leh Siilaanyo waxaa xumeeyay oo isaga haysta, adeero odaygu waa haw soo  jaro oo gidaar buu samaystay wax kasta oo dhaca uu iskaga dhigo.
-Nin-yahow ninkii Xirsi beryahan dee sidii hore maaha, miyaad beryahaa aragteen meel uu ka hadlaayo?
-Waar dee Xirsi waa garabkii Samaale ee laga adkaaday.
-Waad iska odhanaysaa uun, yaa ku yidhi Samaale waa laga adkaaday, waar imikuu ugu qooqan yahay oo maalmhaba reerkoodii ayuu hoos hoos ula shiraayay, oo waakii caddeeyay inuu murrashax yahay.
-Waar immikaabu loollankii ugu adkaa Kulmiye ka dhex socdaa.
-Waar dee waxa la yidhi madaxtooyadaa dib usoo istaadh-dhay oo odaygii Muuse markuu reerkoodii la hadli kari waayay ee ay habeen walba TV-ga la soo fadhiisteen maalin lagu dari maayo ayaa Samaale dib loo soo toosiyay.
-Waar madaxtooyana dib uma soo toosine, filimkaas hore ayuu u daawadaye, waxa la yidhi sidii Sheekh Shariif ayaa reer galbeedku innagu soo ciyaarsiiyeen oo dhabarka soo taabteen.
-Haa, haa waa runtaa, aniguba danigaas waan qabay, oo waxa la yidhi maalintii dhawayd, qoladii maraykan markii ay sidaaasi madaxtooyada uga baxday ayay gurigiisi ugu tagtay.
-Waar kaasi yaa dooranaaya, talo aduunba waxa uu ka yaqaanay miisaaniyad ayaan kordhiyee,waar ma waxa aad aragteen miisaaniyad sanad walba la leeyay waa la kordhiyay oo shaqaalihii iyo ciidamadii ka bakhtiyayaan.
-kkkkkk, waar taasiba aniga mid baa igaga daran, soo ma ogidin in inantii Samsam fajidii uu sii xidhay ku qaraxday oo durbaba markay miisaaniyaddii is dabooli wayday ay kharashaadkii oo dhan dhintay.
-Haaaaaa waa run oo waxa la yidhi iyadoo bishii shanaad lagu jiro, haddana dakhligii lagu xisaabtamaayay sadex meeloodoow meeli sooma xaroon.
-Waar yaadhaheen  wax walba miyaad iska odhanaysaan, waar kaasi fajina siima xidhine; maxuu faji sii xidhaa ma isaagaba islahaa waligaa waa lagu bedelayaa,  inanta qadar alla ayaa ku dhacay, oo dagaalka Yeman oo waxii berbera ka soo degaayay oo dhan saameeyay iyo qaadkii oo abaaroobay oo ay yaraatay cashuurtii aynu dekada iyo kastamka ka heli jirnay ayaa sababay.
-Waar yaadhaheen ileen waa waxan beryahaba ay inantii ololaha u waday, wallaahay miskiimada yar waxbaa qabsaday, ilaahoow astur.
-Haa haddaad ogtiin maalin dhawayd waxii na kala qabsaday,gaadhigii hebel amigoo wata waa kuwii boolisku i qabtay, markii aan buugii u dhibay ee ay arkeen inaanu sawirku aniga ahayn ayay yidhaahdeen kala wareejintii bixi, waxaan ku idhi maxaan kala wareejin bixiyaa gaadhiga anigu ma lihiye, miyay waxaaba kaa dhegaysanayaan, lacaguunbaa ku qufulane, waar markaanu isku xiiqnay ayaan aakhirkii iyagoo gaadhigiina iga dhigay oo aan shaqadii ka habsaamay uu ii yimi ninkii lahaa oo aan la hadlay.Waar iga walla waan yaabanaa oo kolna waxaan lahaa inantiina ma khasnad cusub oo dabadeedu barmuuda taalo ayay sidii wadaadkii samaysatay, marna waxaan lahaa waar kaasi qolooyin dawladihiiba ka yaabeen oo ooman ayuu waraabinayee inantu iyadu waxii dumarnimo ku seega mooyee waxba kiishadaysan mayso, ilaahayoow inantaa ku astur xilka adage e ay dadkeeda u hayso,iga walla waan u naxsanahay,oo waliba wax kale kama naxsaniye waxa ii muuqda sida uu wadaadkii masaakiinta ciilay ee kolba hudhel ku xafladaynaayay ugu wiirsan doono haday wax ka si noqdaan oo ay miisaaniyadu isu dabooli waydo.
-Dee askartana iska cafi, ileen inantaasi aad sheegayso oo khasnadii ku faaruqantaa soo xujaysaye.
-Waar bal aamusa aynu warkaasi dhagaysanee,……, waar niyow meel walba oday cumaamad sita ayaa waalaya, iga wala hadaan odayaashaa cumaamada wayn sita umada laga qaban in meel fog laynaga dooni, bal waa kaasi wuu hadlayaa oo waxa uu leeyahay maalin lagu dari maayee, maxaa ka galay soo hunguri aan xad lahayn maaha waxa ka hadlinayaa?.
-Waar wuu casaystaye iskadaa oo hadaad caqli hayso aynu nidhaahno,madaxwayne waadigii bacahaba mamnuucaye cumaamadahan lagu suldaamoobaayo naga mamnuuc oo iyana yaan dib loo soo dejin, ileen cumaamadii qurx badaniba suldaan bay noqonaysaaye.
-Waar yaadhaheen miyaydaan ogayn in odayaal dhaqameedkuba yihiin kuwa ina kala wada, waar hadaan iyagu jirin beri horeba soo sida xamar ismaynaan qabsaneen.
-Waar yaahe, waaryaahe, waar wax walba ha noola iman, waar kuwan imika joogaa ma kuwii ina kala bad baadshaa, waar kuwani waa inamo yar yar oo dhaxal tooyo ku yimi, iga wala waxa layidhi inta ay doodo socoto oo dhan facebook.com ayay ku jiraan, marka danbana inna xaajiga ayay eegataa, inna odayga Golaha haysta.Iga wala xataa way yar yihiin inta buuxisay shuruudihii uu dastuurku u dhigay.
-Waar intaad waxaas oo dhan iska daysaan, waxaan idin waydiiyay waa idinkii lahaa samaale dib buu usoo laba kacleeyee, ma idin la tahay kii kulmiye ahaa sidii udub ayuu haadaan ku sii socdaa.
-Waa runtiiye, horta hadii uu bur buro intaan doorahadaba la gaadhin, dastuurkeenu muxuu ka qabaa, laba xisbi oo kaliyi ma tartami karaan.
-Kaw waar waxaan joogin haynagu xiijininee waxaad ka waran taan qaadkan sii qaali garoobaaya ee aan laba goynayn. Soo ma ogidin ileen laantuba qaadkay u shaqaysataaye in marka uu sii qaali garoobaba uu musuq maasuquna sii badanaayo.
-Kaw dee yamantiibaa jilmadatay baa la yidhi.
 -Dee ninyaw ha laynga qabto oo xeryo ha loo sameeyo, ileen sidani si maahee.
-kkkkkk, maxaa xeryo loo sameeyaa, miyaanad ogayn in hay’adiihii iyo dawladu heshiis kala saxeexdeen oo iska daa in xeryo lagu xareeyee la yidhi ka toban sano jogaa waa muwaadin oo somalilander ayuu noqonayaa.
-Alla-alla oo goormay Land-tii caqligaasi yeelaay, iga walla haday intaasiba garatay caqlibaa u kordhay, waar malaha taasi may dhicin, iga walla haddaynu intaasi garanay maanta ayuun baynu dawlad-nahay. dee annigu horaan u idhi illaa ummadda kale laynagu dhex beero qabyaalada ka tagi mayno, waar haduun bay ahaatay.
-Oo adeer xagee la dejinayaa, waa reerkee reerka ogolaanaaya in dhulkiisa la dejiyo….
La soco……..
Qalinkii: Gar. Jamaal Xuseen Axmed (Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com