Wednesday, June 15, 2016

MASHRUUCII QOOLCADAY OO WASIIR XUMADA CUKUSE GALAAFAN DOONTO HADDII AAN LAGA BADBAADIN.

Is-afgaranwaaaga beryahanba ka dhextaagnaa bulshada  deegaanka Qolcaday iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha wuxuu salka ku hayey sifaha loo fulinayo mashruuca. Waxaannu muranku sii xoogeystay, markii  bulshada deegaanku ay diidey  seereynta dhul daaqsimeedka banka. 

Waxaa nassiib darro weyn ahayd in marnaba Wasiirka Xooluhu  wadahadal iyo wadatashi toona u furin bulshada deegaanka, balse uu isticmaalay hadidaad, cagajugleyn iyo xabsi u taxaabis joogta ah oo uu kula kacay bulshada. Hase ahaatee, ficiladaas qaloocan ee Wasiirku marnaba waxba kama ay bedilin mowqifkii bulshada deeganka. Kadib shaqaaqadii  hubeysneyd ee dhalisay dhaawaca 24kii May 20016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee shir wadatashi la qabto. Waxaana la Isla- afgartay in  la laalo qaybtii seeraha loogu talo-galay mashruuca, qodista ceelal biyoodkana la bilaabo. Ujeedada ugu weyni ee mashruuca loo hoosgeeyey Wasaaradda  Xannaanada Xoolaha wuxuu ahaa yagleelida seeraha. Ka tirtirida mashruuca ee qodobkan ah in la sameeyo seeraha wuxuu  meesha  ka saaray Wasaaradii uu mashruucu hore uu hoos iman jiray.


Waxa markaas loo baahday dib-u-habeyn mashruuca lagu sameeyo oo ku saleysan baahiyaha kale ee waa- weyn ee uu deegaanku leeyahay. Taas oo ay ujeedadiisu tahay jiheynta  mashruuca si loo fuliyo inta ka horeysa sanadkan dhamaadkiisii .Taasoo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee mashaariicda loo maamulo, gaar ahaan, marka uu mashruucu fuli waayo mudadii loo qoondeeyey, ujeedadii laga lahaana hirgeli weydo. Dibudacaasu markuu yimaado waxa, inta badan loo aaneeyaa, fadhiidnimo fulin la'aaneed  oo ka timaada Wasaaradda u xilsaaran mashruuca.

Waxaa  deeqbixiyeyaasha mashruuca iyo xukuumaddu Isla qaateen, kadib shirkii laba geesoodka ahaa ee lagu qabtay  Hotel  Ambassador ee Hargeysa  7 dii Juun, 20016,in
mashruuca laga soo wareejiyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, miisaaniyadii mashruucana lagu isticmaalo laba mashruuc oo kale oo uu deegaanku baahi weyn u qabay oo kala ah: 1) BIYAHA iyo  2) MASHRUUCA DHISMAHA WADDADA  CAD.

Waxaase, nasiib darro noqotay Wasiirkii xukuumadda ugu jiray  deegaanka, ee magaca badbaadinta mashruuca qaadan lahaa, bulshadana horkici lahaa oo aan tudhaale muujin,balse diidmo qayaxan kala horyimid dib-u- habeynta mashruuca . Wuxuu geed sare iyo mid hoosaba u fuulay inuu fashaliyo ujeedada cusub ee mashruuca, isagoo sii wada dagaalkiisii dhagareysnaa ee uu ka bilaabay banka qoolcaday bishii  May 2016. Wuxuu, si khaldan, uga uriyey isbedelka dhacay ashkhaash degaanka ka tirsan uu ku andacoonayo inay is-hayaan. Wuxuu halmaamay in shirkaas laba geesoodka ahaa ee go'aanka soo saaray lagu casuumay, balse iskiis iskaga maqnaaday, markii uu ogaado in shirka la mudeeyey gelin dambe !!!!!!!' Wuxuu caayey, Madaxweynahana ka ashkateeyey dhowrkii wasiir ee shirka laba- geesoodka ah ka qayb galay oo ay ku jiraan Mudane  Cali Shombe,Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo ku-xigeenkiisa Mudane Kaysar......., isagoo ku dacweeyey inay u adeegeen Xisbiga WADDANI.  Waa  yaab. !!!!! . Wuxuu hadalkaas ka yidhi gudaha iyo barxada Madaxtooyadaba. Iyaba waa nasiib darada iyo musiibooyinka dalka ku habsaday'e, ma jiro qof ka sareeya oo amusiin kara, anshax marinna saari kara wasiirkii Wasiiro kale ku xadgudba, sidii hore loo arki jiray.

Waxa hadda nagu maqaala ah inuu  soo  maleegayo maalinta AXADA ah ee bisha Juun tahay 19ka, 2016, wuxuu ku tilmaamay shir deegan oo lagu qaban doono HOTEEL AMBASADOR  isagoo  is-leh ku daadifee go'aankii shirkii laba geesoodka ahaa. Ujeedadiisa ugu weyni se waxay tahay inuu mar labaad iska horkeenu bulshada deegaanka, isagoo carqaladeynaya fulinta loo qoondeeyey labada mashruuc ee biyaha iyo  Wadada lixda bilood ee sanadkan ka dhiman.


Wuxuu Wasiirka Xannaanada Xooluhu dagaal cadaawe oo qaawan kula jiraa dadkii uu magacooda ku fadhiyey. Iyagaa se iska qaban kara oo iska caabin kara gardaradiisan badheedka ah. Waxaa la garan la'yahay waxay Madaxtooyadu  ugu eegeyso bulshada wasiirkan magac xumo mooyaane aan weligii wanaag usoo jiidin xukuumadda.. Waxaannu leenahay,haddii Madaxtooyadu xilkeedii xaqsoor bulsheed kasoo bixi weydo, KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.

          Allaa Mahad Leh.


Sakaria A. Sulub

Senior Journalist and Chief Editor of Hererstar.com