Saturday, December 27, 2014

kadaloob iyo keenadiid


Kadaloob iyo keenadiid  duqay weeye kasmaaloo,
dalkooda korkaa ka ilaashoo, iyagoon cidna maagin
oon gole waynaha keenin ,kashifa xaaladaynu marayno.


Kadaloob: Qoodhay iyo xeraday waa saaxiibkay keenadiid, saaxiib ii waran oo reerkii ka waran.
keenadiid: Sxb waa khayre, adigu ii waran oo ciyaalkii iyo guud ahaan reerkii ka waran.
Kadaloob: Saxiib aad ayaa loo wanaagsan yahay,inankii caruurta ugu roonaa oo aan filaayo inuu tahriibay oo aan sadex habeen guriga iman mooyaane.
Keenadiid: yaa, oo cid yay iskugu danbeeyeen.
Kadaloob: waar niyow ma baan daydayinoo, labadii cisho ee hore laymaba sheegin oo  islaantu way iga qarinaysay, saakana gurigii waan ka soo kala huunoo, arin yar oo  odayaashii reerku iskugu imanaayeen oo naloogu yeedhay ayaan usoo kicitamay, tiina markaan arkay dadka iskugu yimi fara badnidooda iyo in ay kii daaniye iyo qasbaaye  arinta maamulayaan ayaan iska soo dhaafay oo aan idhi tan waxba kaa soo gaadhimaayaane intay goori goor tahay dhulkaa ilaahay iskaga  foof tag.
Keenadiid: oo arintaa reerkii kulmisay maxay ahayd, ma inanbaa bixinayseen.
Kadaloob: kaw, oo bixin haday tahay miyaan sooba dhaafi laa, soo quruskayga maan  soo qaateen.
Keenadiid: oo hadaa maxaa jiray  ee reerkii kulmiyay.
Kadaloob: Waar wax kale may ahayne, kii aynu isku beesha ahayn ee wasiir kacaan ayaa kii Caaqil kadeed iyo odaygii Afwayne la soo hadloo yidhi ilaw ilaw  ujawaaba qolo maalin dhawayd  dawlada wax ka sheegtay.
 Keenadiid: oo odayaashii reerku goormay siyaasiyiin noqdeen.
Kadaloob: waar niyow intaad waxan oo su’aal boolis ah iyo tabaasida naga daysid, adigaa ilaahay adeerkaa kuu barakeyee, aanu cad ceeda iskaga dhaqaaqnee, bal mar uun jibadu ha kaa yeedho oo  halagugu baxsado.
Keenadiid: waar kadaloob,imika seed tahay, maxaa kaasiya ee aad la jeed jeed sanaysaa, bal caadi  noola hadal oo si fiican noogu waran.
Kadaloob: Niyow maxaanu caadi u hadalnaa, ilaa buurtii ayaanu soo lugaynoo cad- ceedaa na saarane.
Keenadiid: bal ina mari soo qadaynee.
Kadaloob: waar niyow anigu qado kaamo rabee,waxaan caruurtii ula tago iidhiib.
Keenadiid: waar waxaad rabto anigaa ku siine ina mari aad lafahaaga wax usii cuntide.
Kadaloob: Saaxiib waad mahad santay ee aniga iska kaydir, adna markaa iska qado tag.
Keenadiid: Waar niyow dee beryahan danbe kadaloob kaan aqaanayba ma tihid, niyow waa maxay waxan oo kacsanaani.
kadaloob: Niyow ma waxaanaan kacsanaanbaa, ka soo raynba malaha oo maalin kasta way ka sii daraysaaye.
Keenadiid: Sxb kamay sii darteene adiga iyo inta kula midaa uga sii daraysee,Sxb aan kula taliyee intaad afmiishaarnimadan iyo afkan aad kiraynayso iska dayso, ilaahay intaad barido, wax dhaama waydiiso oo subaxii intaad goor hore kacdo,kallahoo kol aad kuuli gasho ilaahay arsaaqad xalaala waydiiso.
kadaloob: waar keenadiid,hadaa ma tan ragba wada cunaayo ee aan afkayga ku goosto ayaa xaaraana.
 Keenadiid: kkkkkkkkk, waar haadaa ma xalaalbaa,waar miyaanad ogayn, ileen kan ku siinayaa qasnad uu leeyay oo bakhaar u taal kaa siin maayee, in waxan aad cunaysaa tahay hanti umadeed oo ay tahay cashuurtii laga ururiyay hooyooyinka danyarta ah ee maalin kasta shanta xabo ee xabuuba la fadhiya cad ceeda.
 Kadaloob:haa waan ogay,laakiin maan xadine aniga waxa isiiyay kii cashuurta  aad sheegayso loo dhiibay, ee hooyooyinka aad sheegaysaa siiyeen.
Keenadiid: oo taasi, cidii doontaaba ha ku siisee, cunisteeda ma xalaal baad u haysataa.
Kadaloob: hadaanay cunisteedu xalaal ahayn, hadaa ma kaydinteeda iyo qasnad ku haynteeda ayaa xalaala, waar hadii aan la cunin oo aan dadka wax looga dhiibin soo aboorka iyo jiiku cuni maayaan.
Keenadiid: Saaxiib horta ma taqaan waxa cashuurta loo qaado  ee ay tarto.
Kadaloob: dee maxay tartaa, waxa loogu talo galay in madaxda kursiga ku fadhidaa manaafacaad sado, oo si madax tinimaddoodu u muuqato ay ka iibsadaan  gawaadhi ay xafiiska ku yimaadaan iyo guryo ban galooyina oo lagu soo booqdo, dee waxan aanu ka cunaynaana waa dhac dhacuun aanu ku difaacayno karaamada madaxda iyo haybada qaranka, ileen niyow dadkan aad arkayso waxa badan inta afxumada iyo aflagaadada madaxda ku dheeraysa ee aan waxba kala garanayne.
Keenadiid: waar kadaloob, ileen habeenba maad jirin, waar imika miyaad waalan tahay mise waad is yeel yeelaysaa.
Kadaloob: hee.
Keenadiid: Waar naga aamu waad waalantee, waar ma cashurtaad imika leedahay waxa leh madaxda, waar waxaan mushahrka iyo inta hawlaha xafiisyadooda loo qoondeeyay ka ahayn kuma laha, waliba inta danbena iyagu maaha  inay siday doonaan ugu tagri falaane waa in lagula xisaabtamaa.
 Kadaloob: horta habaar waa dibada ee yaynaan is habaarin, ta kale hadii aanay sidaa aan sheegaayo ahayn, oo aan cashuurtan madaxda loogu talo gelin, siday wax u kala soconayaan, waata saddexaade hadii aanay sidaa ahayn, madaxdu marka sidaa loo magacaababa halkay ka keentaa gaadhigan biyaha tufaaya ee ay markaba fuusho iyo gurigan kala jiidan ee marka la dhisaayo kuuliga wax ka dhisayaa aanu is arkayn.
 Keenadiid: waar meel baas oo ay eedaan ayay ka keenaane, cashuurta waxa loogu talo galay, in  dawladu dadka ugu adeegto oo ay ugu samayso wadooyin, iskuulo, biyo, laydh, cisbitaalo, shaqo abuur iyo wax kasta oo kale oo daryeelka iyo horumarinta bulshada ah.
Kadaloob: waar imika adiga laftaada maxaa kaasiya miyaad riyoo naysaa, waar biyahaad sheegayso booyado ayaa lacag  noogu shuba,, laydhkiina xalaydaa wuu naga go’naa oo lacag yaroo bishii hore baaqi nagaga ahayd iyo intii bishan oo aanan wali bixin ayaa shirkadii lahayd nooga goosatay, shaqada aad sheegaysana shaqo la’aani waa waxa inankaygii curad ku kalifay tahriibka.
 Keenadiid: hadii aad adiga iyo inta kale ee afku xoog laha ahi garataan in aaad cunista ka daysaan oo halka aad madaxda ka waydiinaysaan waxaad maalintaa cunaysaan, aad tidhaahdaan waxaanu rabnaa wadooyin, laydh, biyo iy cisbitaalo waa laydiin samayn  lahaa, ee idinku bal isku noqda, hadii kalena waligeed cidi idiin samayn mayso.
Kadaloob: waaryaa keenadiid oo hadaanu anagu intaa garan waynay madaxdu iyadu miyaanay caqli iyo garaad midnaba nagu dhaamin oo intaa aad adigu garanayso iyadu garanayn, waar waxay ila tahay kol hadii waxaa aad sheegayso oo dhan aanu dawlada ku leenahay, in waxan yar ee aanu  madaxda ka qaadnaana yahay xaqayagii oo ilaahay si kale noogu soo celiyay,waliba sidaa marka la eego anagaa dawlada daalac ku leh.
Keenadiid: Saaxiib intaana iska daa, iyagana ilaahay ayaa kala xisaabtami.  
Kadaloob: waaryaa, waaryaa ninoow idhagayso, waa xaaraan uun baad na leedee, anigu waxaanaan lahayn maan cunin, raga kalena waa ila miduune waxba ha ka sheegin.
 Keenadiid: oo ma waxa aad leediin xoolaha umada laga soo ururiyo ee laga soo saaray jeebka danyarta.
Kadaloob: waar maya, taa aniga maxaad iiga sheegaysaa, waar gurigayga cashuurbaan ka bixiyaa, adeerkay isna meheradiisa cashuur ayuu ka bixiyaa, ededay iyana sidoo kale guriga iyo kolaygaba lacagbaa laga qaadaa,intayadaa midnabana dawlada aad sheegaysaa laydh, biyo iyo shaqo midnaba kama helno, wadada guryahayaga tagta markii xaafadu ka yaabtay dhagaxa , xaafadaa intay wax isku dardarsatay waxoogaa dhagixii qor qortay oo sintay, anigaa kula hadlayaa ugu yaroo boqol aan feedh iyo laad ku keenay ayaan ku daray. Markaa saaxiib yaynaan is wareerin.
Keenadiid: Saaxiib waxba yaynaan isku xiiqine bal adigu nin wayn ayaad tahaye intaad dib isugu noqoto kolba tii aad door moodo samee,imikana intaad iska tagto waxaad sii martaa tukaankii wax walba haye ee xaafada ku yaalay, isna anigaa la sii hadlaaya.
Kadaloob: waad mahad santay saaxiib, dee tan aad sheegaysana, talada waynu isku leenee anigaa isku noqonaaya.
Keenadiid: waayay Saaxiib, allaa macaka.
Kadaloob: waaryaahe, dee ninku si wayn ayuu ila hadlaa,yaa,yaa,yaa, cajiib, iga walla beriba horta waa in aan kii kacaan wasiirkiisana mooyee u tagtaa oo aan idhaahdaa  maxaa horta adiga iyo dawladaadu noo qabateen ee aanu maalin walba idinku difaacnaa ee aanu tol, sokeeye iyo xididba isku seegnay.
Lasoco………………..
Qalinkii: Qaryaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).
Phone:4122290.

Thursday, December 18, 2014

Arinta Boorama: Suldaanka Halbaa seegay, Xukuumadana Halbaa seegay.



Maalmahan sida aynu la socono, inkasta oo aanay sidaa u sii buurnayn, waxa Gobolka awdal ka taagnayd xaalad cakiran oo curatay horaantii bishan December ee aynu ku jirno, kadib markii suldaan kamida odayaal dhaqameedka gobolka awdal uu buuraha galay, kuna dhawaaqay inuu ka goostay Somaliland. Xukuumaduna dhinaceeda ay arintaasi kaga fal celisay in ay ciidamo tiro badan udirto gobolka awdal, xabsigana dhigto laba xildhibaan oo kamida xildhibaanadii shacbigu soo doortay ee golaha deegaanka degamada awdal oo arinta suldaanka ka hadlay.
Hadaba marka la eego talaabada suldaanku qaaday iyo tan xukuumadu kaga fal celisayba waxa la odhan karaa labada talaboba waa qaar aan loo meeldayin oo iyadoo aan talada la rog-rogin,si fiican looga baaraan degin lagu talaabsaday.
Hadii aan ku horeeyo ta hore, waa ta suldaankee, suldaanku hadii uu wax tawday  waxa la gudboonaa inuu qaado talaabo kasta  oo aan ka ahayn mid colaadeed oo uu ku muujinaayo tabashadiisa iyo tan gobolka awdalba, balse may ahayn iyadoo boorama ahayd halkii qaranimada Somaliland salka loogu taagay, awdal na ay hogaanka talada dalka haysay sideed sanadood oo xidhiidha, in uu maanta tabasho yar oo beri dhamaanaysa uu ugu dhawaaqo inuu Somaliland ka goostay oo uu kiciyo fidno hadii ay sii socoto aan cidna u aabo yeelayn oo isaga, gobolka awdal iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ba dhaxal siin karta arin aan si fudud looga soo waaqsan Karin.
Waa talabaade, xukuumadu iyadoo aan marnaba muran ka taagnayn in iyadu masuul ka tahay amniga iyo midnimada qaranka somalilandba,sababta ciidanku u jiraana tahay sugida amniga qaranka iyo difaacida xuduudihiisaba,hadana waxa hubaala in aan adeegsiga awooda ciidan marnaba ahayn mid kaligeed ku filan sugida amniga iyo midnimada qarankani jamhuuriyada Somaliland, balse markasta loo baahan yahay in shacbiga reer Somaliland noqdo mid ku wada nool isfahan iyo is qan cin, wax kasta oo dhacana loo maareeyo si xilkasnimo iyo xikmadi ku dheehantahay.
Arinta suldaanka ee hada taagana waxa runtu tahay in talaabada ay xukuumadu qaday tahay mid fari ku godan tahay oo dadbadani wax iska waydiinayaan, iyadoo dadbadani aaminsan yihiin in xukuumada iyo suldaanku wada socdaan oo aanay laboba kala ahayn, oo xukuumadu halkaasi ka baandhaynayso mudo kordhin loo samyo, waayo, talaabada ay xukuumadu qaaday maaha tii  ugu haboonayd, ee hadii aanay si kale ba wax u jirin, waxa biyo kama dhibcaana in xukuumadu qardo jeexday, oo ay ka baydhay jidkii iyo tubtii Somaliland ku soo caano meeshay ee wada hadalka, wada xaajoodka, is qancinta iyo islaab xaadhashada.
Taas macnaheedu maaha in aan difaacaayo falka uu suldaanku sameeyay, balse waxa meesha yaalaa waxa weeye, iyadoo aynu ogsoonahay in talaabada suldaanku qaaday tahay mid xidhiidh la leh oo uu ka faa’idaystay tix gelin la’aantii tabashadii gobolka ee ay odayaal dhaqameedka gobolka awdal hore ugu soo gudbiyeen Madaxweyanaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), in aan cududa ciidan ee ay xukuumadu ku daad guraysay gobolka awdal sidii aynu dawlad kale ishayno iyo talaabooyinka kale ee ka danbeeyay ee ay xataa ku xidh xidhay xildhibaanadii sharcigu xasaanada siiyay ee shacbigu soo doortay, aanay ahayn talaabooyin wax wanaajinaya ee  ay yihiin qaar arinta uga sii daraaya oo  xaalada sii kicinaaya, islamarkaana taageero hor leh siinaaya suldaanka diboodka ah ee aan waxtaagero ah ka haysan labeenta, wax-garadka iyo guud ahaan shabiga maamuuska iyo sharafta huwan ee gobolka awdal.
Si kastaba ha ahaatee, arinta Gobolka Awdal ee aan ilaa hada xal loo helin, canaanteedu maaha mid ku kooban xukuumada, balse waa mid saraan dhamaan wax garadka Somaliland oo uu ugu horeeyo Golaha Guurtida Somaliland oo arintan iyo kuwa kale ee la midka ahiba yihiin ujeedii Golaha Guurtida loo aasaasay, iyadoo marka la eego ilaa hadda sida Golaha Guurtidu u aamusan yahay ee aanu arinta waxbaba uga odhan, lays waydiin karo su’aal ah,toloow Goluhu ma waxa uu hadlaa marka ay taladu murugto ee ay wax kastaa qasmaan,oo waxa uu sugayaa inta dhanlaaxda lays qaadaayo, mise beryahan danbe goluhu wuu  dhalan rogmay oo ilaa xukuumadu dirto ma dhaqaaqaayo oo waxa uu sugayaa inta xukuumadu u gacan haadinayso ee ay dhaqdhaqaajinayso.
Ugu danbayn Somalidu waxay ku maahmaadaa “ Belo daaman la qabto ayay leedahaye, dabo la qabto malaha” ee waa in sida ugu dhakhsaha badan arinta ugalaan Guurtida iyo wax garadka kale ee Somaliland, haday yihiin sulaadiinta,cuqaasha, culimo awdiinta, aqoonyahanka iyo cid kasta oo kale oo arinta arin ka gaysan karta oo arinta wada hadal lagu dhameeyaa.
 Sidoo kale xukuumaduna waa in ay fiiro dheer yeelataa, oo ay si mug leh uga fiirsataa talaabooyinka ay qaadayso, talaabooyinkeeduna noqdaan qaar caqli fayoow lagu eegay, oo ka fog xamaasad iyo istaawin,arintanna uga danbaysaa culimo awdiinta, aqoon yahanka iyo odayaal dhaqameedka gobolka awdal oo ay wehelinayaan wax garadka kale ee Somaliland, oo ay ugu horeeyaan sulaadiinta, cuqaasha, culimo awdiinta iyo aqoonyahanka,adeegsiga awooda ciidana noqotaa xalka ugu danbeeya ee lagu ciiro marka waxa kale oo dhami shaqayn waayaan ee laga  caalwaayo, tabashada guud ee ka jirta  gobolka awdalna ay xukuumaddu ilaa xad intii macquula ka jawaabto, xildhibaanada xidh xidhanna ay sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda ugu celisaa.


Qalinkii: Qaryaqan Jamaal Xuseen Axmed.
Phone: 4122290.