Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Inkasta oo tan iyo intii dawladii dhexe ee
xukumi jirtay dhul waynihii laysku odhan
jiray Dawlada Dimuqraadiga Somaliya ay dhacday, aanay somaliyada koonfureed ‘Somaaliya" ka hana qaadin ama ka hana qaadin dawlad awood leh,oo kala
danbayta iyo sharciga ilaalisaa,oo ay jahawareer uun ku jirtay, ilaa hadana
aanay si fiican uga soo kaban oo dawlada hada ka talisaa tahay mid aan cago
adag ku taagnay oo amaankeedaba ciidamo shiisheeye ilaaliyaan,Somaliland na ay
mudodaasi marka laga reebo dhawrkii sano ee u horeeyay, ay ka jirtay dawlad adag oo taabo qaaday,shacbiguna kalsoonida siiyay,hadana madaxda
somaliya, tan somaliland dabaqaada iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciga ba waa ay
uga dhaw yihiin, oo waa ay ixtiraamaan, islamarkaana ku dhaqmaan sharciga ay
dhigteen.
Balse somaliya,nabadda iyo nidaamka dawladnimo yay cago
adag ku taagnaan bee,arintu sidaasi waa ka duwan tahay, oo badanaa marka lays
qabto waxaad arkaysaa ayadoo dhinacyada is hayaa ay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala
ee u degsan isu adeegsanayaan,oo dhinac walbaaba doodiisa qodobo sharci uu u
cuskanaayo.
Bal eeg baarlamaanka Soomaliya, mooshinka xil ka
xayuubinta Madaxweynaha ah, ee ay isku hayaan, waxa dhinaca soo jeediyay ay
doodooda sal uga dhigeen dastuurka ku meel gaadhka ah ee hada somaliya u degsan
oo waxay taxeen qodoba sharci oo dastuurka ah. Si doodoodu u noqoto mid af
sharci ku qoran, kuna baxaysana waxay qabsadeen oo ay kaalmaysteen qareena sharci oo afkooda ku hadla,maanta
markii shirgudoonka goluhu ku dhawaaqay in uu mooshinkii laalayna , dhinacii
mooshinka keenay may qaylin mana buuqin ee warbaahinta waxay u sheegeen in ay
sharciga mari doonaan, oo ay qareenadoodu, iyagoo iyaga matalaaya ay qaadi
doonaan, islamarkaana kaga fal celin doonaan talaabada sharci ee ku haboon.
Cajiib, halka
maanta dawladeena nidaamkeeda dawladnimo dhawr iyo labaatan jirsaday, aanay golayaasheeda
sharci dejinta iyo fulinta midina aanu
sharciga hoos u eegin, ee mid walbaa ka qaado waxa ay isaga la noqoto.
Bal eeg
mushkilada haamaha shidaalka ee ina jahawareerisay, baarlamaankeenu muxaafid
iyo mucaarad ba,midina doodiisa sharci kuma salaynin ee dhamaantood xaalkoodu
waa qarjajac iyo is muruq taabad, waxaanu xaalku gaadhay in markii sharcigii
dhinac layska dhigay uu shirgudoonkii
dhamaa ee goluhu is feedh feedho.
waayo, meelnaba sharciga kagama jirto in goluhu cod u
qaadi karo arin aan wali dhicin oo aan laba horkeenin.balse hadii la galo oo la
horkeeni waayo, waxay awood u leeyihiin inay waaxda fulinta oo madaxwaynuhu ugu sareeyo amraan in waxii
ay heshiis galaan golaha horkeenaan,
iyadoo hadii amarkaasi loo hogaansami waayana ay awood u leeyihiin in ay madaxwaynaha oo ah xubinta ugu saraysa waaxda
fulinta,iyagoo cuskanaaya in madaxwaynuhu u hogaansami waayay dastuurkii oo uu
dastuur jabin ku kacay ay maamuus ka xayuubin ku soo oogaan.
Sidaasi si
lamida marka aynu eegno maanta habdhaqanka waaxdeena fulintana, waxa aad
arkaysaa in waaxda fulintu aanay danba ka lahayn jirintaanka iyo jiritaan
la'aanta sharciga, oo ay iskugu mid u tahay.
Waxa Wasiirka Wasaarada Ganacsigu isagoo ka hadlaaya shir
jaraa’id oo uu qabtay, oo ka hadlaaya arimaha haamaha shidaalka yidhi "
Dastuurka ayaa noo ogol in aanu hantida qaranka iibino, kirayno ama
hibayno". Cajiib, taloow qodobkaasi u ogolaanaaya inay sidii hantida
gaarka ah, ee shakhsigu leeyahay ay hibayn karaan “Haamaha” halku ku yaalaa,
isagaa ina tusi, balse ka garyaqaan ahaan waxaan cadaynayaa in aanay dastuurka
meelnaba kaga jirin qodob sidaasi uu u
dhigay iyo si u dhaw toona u hadlayaa oo
u dhigani ku jirin.
Waxa waxaasi ka sii la yaab badnaa intii aan doodaha
dhinacyada dhagaysanaayay, waxa Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha oo isna hadlay yidhi
" Dawladu iyadaa awood u leh arimaha haamaha oo dastuurka ayaa noo ogol oo
Go'aan Gole iyo Xeer toona nagama hor istaagi karo". Af kala qaad, oo
hadaan xeerba qabanayn muxuu wasiir inoogu yahay, mise arintu waa awood awood,
cajiib, oo markaasina miyaanay runtu ahayn dawlad dimuqraadiya oo codka
shacabka iyo xeerarka tixgelisaa inooma dhisna, ee nidaam kaligii talis ah oo
aan siyaad bare ka so kayn ayaa inoo dhisan. Allaw sahal amuuraha.
Hada bal eeg, waaxdeena fulinta, ka u hadlaaba, inuu
hanjabo iyo inuu qarda jeexo mooyee, ma jiro mid ka hadlay sababta ay xukuumadu
u rabto in ay haamaha shidaalka wareejiso, oo qanciyay shacabka ,ileen gacan ku
haynta hantida qaranku waa sababta dawladi u jirto, ee loo samaystaye,sidoo
kale hantida qaranku maaha wax markii la doonana la wareejiyo, markii la
doonana la soo celiyo, ee waa in la sababeeyaa, oo ay dawladu sheegtaa sababta
ku kaliftay in ay doonto wareejinta hantida ay rabto in ay markaasi wareejiso,
waana in wareejintu markasta noqotaa mid
sharciga loo raacay, islamarkaasina noqotaa mid loo yeelay danta shacabka,lagana
qarmi waayay,oo ay dawladu wayday tab iyo xeelad kale oo taasi ay kaga baaqato
ama kaga fursato samaynteeda.
Intaasiba marka laga yimaado,waxa waxaasi oo dhan ka
daran, oo aanay jirin meel laga maraaba, ilaa hadda qarankeenaasi jiritaanka
nidaamkiisa dawladnimo ku dhaw yahay sodonka sano, malaha xeerkii lagu maamuli
lahaa iibinta ama kiraynta hantida qaranka, ee dhigaayay qaabka ay xukuumadu
marka ay dan u aragto wareejinta hantida qaranka ay raaci lahayd, waxaana
xeerkaasi samayntiisa si cad u waajibinaaya qodobka 12aad ee Dastuurka
Jamhuuriyada Somaliland, waana qodobka ay markasta u cuskato xukuumadu doodeeda
wareejinta haamaha shidaalka. Cajiib, taloow ma waanay akhriyin,mise xaalkoodu
waa is indho tir iyo badheedh sida u yaala.
Sidaasi darteed waaba xaaraan in xukuumadu ku fikirto
ama soo hadal qaado wareejinta haamaha shidaalka, iyadoo aanu jirin xeerkii
tusmayn lahaa jidka loo raacayo wareejinta hantida qaranka, waana in ay
xukuumadu kuwii hore ee ay wareejisay sida Warshadaha Laydhka ee Hargaysa iyo
Berbera, sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo celisaa gacanta dawlada. haday taasi dhici waydana, waa ta danbee, ama
ay imika wareejiyso haamaha shidaalka,
arintu waxay isu bedelaysaa dastuur jabin uu madaxwaynuhu ku kacay,
waxaana Golaha Sharci Dejinta oo ah kan shacabka metela ee ka wakiilka ah, ee
loo doortay ku ilaalinta xukuumada xuduuda sharciga; in uu madaxwaynaha sida uu
dhigaayo Qod: 96 (2) aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,ku soo oogo
dastuur jabin.
Guntii iyo Gebobo Gebadii Golayaasheena sharci dajinta
iyo fulintuba, waa in ay sharciga
dhawraaan oo ay u hogaansamaan,kana qajilaan iyadoo jiritaanka
nidaamkeena dawlanimo ku dhawyay sodon sano, islmarkaasina sheeganayna qaran
dimuqraadiya, in somaliya oo ilaa hadda
aanu nidaam dawladnimo oo cago adag ku taagani ka jirin,innagu dhaanto
dabaqaada sharciga iyo ixtiraamkiisa.
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii: Garyaqaan
Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode
Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com
No comments:
Post a Comment