Ku:
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland -Hargaysa-
Ku:
Guddida Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland -
Hargeysa –
Ku
: Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland -
Hargeysa –
OG: Gudida hoosaadka Cadaalada
iyo Shuruucda ee Barlamaanka JSL. - Hargaysa-
Ujeedo: Soo gudbin dhibaatooyin iyo Caqabado lidi ku ah Marin uhelida
Cadaalada oo ka jira Guud ahaan Garsoorka , Gaar ahaana Maxkamadda Gobolka
Hargaysa.
Mudaneyaal:-
Annigoo
ah Garsooraha magaciisu uu hoos ku saxeexan yahay, kana mid ah Garsooreyaasha
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal
kooban oo aan kaga hadlayo caqabadaha ama dhibaatooyinka ka jira waaxda
Garsoorka,gaar ahaan maxkamadda gobolka hargaysa,kuwaasi oo hadimo iyo
turunturo ku ah habsi-u-socodka Nidaamka
Garsoor ee Maxkamadda Gobolka Hargaysa, islmarkaasina hadday sidani ku sii
socdaan ku keeni doona magac-xumo iyo
dheg-xumo Waaxda Garsoorka iyo Guud ahaan Nidaamka Caddaaladdeed ee Qarankani
Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudaneyaal,waxaan qoraalkan idiin soo gudbinayaa,anigoo ka
duulaaya in dhamaan aadamaha ilaahay siiyay xuquuqo siman iyo in Dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland uu damaanad qaaday in mawaadiniinta reer Somaliland iyadoon lagu
kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida,
mudnaanta, afkaarta iwm, ay sharciga
hortiisa leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman, anigoo gudanaya waajibaadkayga
Garsoorenimo ee dhawritaanka sharafta iyo magaca Waaxda Garsoorka.
Annigoo dareensan culayska uu
leeyahay waajibaadka Garsoorenimo ee laysaaray,isla markaasna ogsoon xisaabta
aakhiro iyo in ilaahay qof walba kala xisaabtami doono masuuliyadda iyo xilka
uu ummadda u hayo, annigoo dareensan in sababta dhallinyartii jaamiciyiinta
ahaa looga hawl-geliyey waaxda garsoorka
sanadihii 2011 iyo 2012 ahayd kobcinta ku dhaqanka shuruucda qaranka iyo kor u
qaadista Nidaamka Caddaaladdeed ee Qaranka.
Mudanayaal, anigoo aad ugu kalsoon
inaad cadaalada iga jeceshiin, dalka iyo dadkana iiga damqasho iyo lexe-jeclo
badan tiin waxaan si aada idiinka codsanayaa in warbixintan aad si mugleh hoos
ugu eegtaan,islamarkaasina aad xoog saartaan wax ka qabashada arimaha ay
warbixintani xanbaarsan tahay.
Warbixinta dhibaatooyinka iyo Caqabadaha lidiga ku ah Marin uhelida
Cadaalada ee ka jira Guud ahaan Garsoorka, Gaar ahaana Maxkmaddaha Gobolka Maroodi Jeex.
1. Hordhac
Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sanadii 2011 oo noqonaysa
sanaduun kadib doorashadii madaxtooyada ee uu ku guulaystay ku baaqay isagoo
fulinaaya balan qaadkiisii ahaa inuu wax ka qaban doono Dulmiga iyo Cadaalad darada
uu Shacbiga Somaliland mudada dheer kaga cabanaayay hay’adaha garsoorka, in la
qabto shirwayne qaran oo lagaga hadlaayo tayaynta garsoorka, Waxaana 14th-16th bisha june ee isla sanadaasi iyadoo
laga duulaayo baaqii madaxwaynaha, Hotel Ambassodor lagu qabtay shirwayne qaran
oo loo bixiyay Shirwaynaha Cadaalada Iyo dib uhabaynta Garsoorka, kaasi
oo ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Cadaalada, UNDP iyo AWEPA (National
justice and judiciary reform conference, jointly organized: BY ministry of justice,
UNDP and AWEPA, HELD AMBASADOR HOTEL in 14th -16th ,June,
2011).
Shirkaasi
qodobadii ka soo baxay waxa ka mid ahaa kuwii ugu mihiimsanaa in garsoorka lagu
daro dhalinyaradii jaamicadaha ka soo qalin jabisay, iyadoo taasi la
fulinaayana waxa Wasaarada Cadaalada jamhuuriyada Somaliland bishii October ee
sanadii 2011 kii qaadatay afartaneeyo dhalin yaradii jaamicadaha ka qalin
jabisaya, waxayna u furtay tabobar sanada iyadoo lagu tabo baraayay xirfada
garsooranimo.Gudida Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland na waxay dhankeeda iyana
iyadoo fulinaysa siyaasada qaranka ee dib u habaynta Cadaalada isla sanadaasi
2011, bishii November
garsoorayaal u magacwaday dhalin yaro tobaneeyo ah oo dhamaantood
jaamiciyiina.
Sidoo
kale Gudida Cadaalada Jamhuuriyada waxay 20kii bishii December ee sannadkii
2012ka magacoowday 27 Garsoore oo kamida dhalinyartii Wasaarada Cadaaladu
tababarka sanadka ah u furtay bishii October ee sanadii 2011 kii, kadib markii
ay tabo barkaasi dhamaysteen
Run
ahaantii talaabooyinkaasi aan sare ku xusay marka la eegaayo bilowgii qorshaha
dib u habaynta garsoorka waxay ahaayeen qaar wax ku oola oo keenay natiijo
wanaagsan oo dadwaynuhu ku diirsaday, balse mudo yar kadib markii xukuumada oo
ahayd cida uu ka go’naa qorsha dib u
ahabayta garsoorku ay ku jeesatay horumar kale ee wadanka ka socda, waxa qorsha
haasi noqday hal bacaad lagu lisay, arintii garsoorkuna halkeedi hore ayay ku
noqotay,waxaana xoogaystay gadhwadeenadii dulmiga ee markii hore ka baaqsaday
in la eryo, mudana iska nabaayay in seeftu la tagto, xaalkuna maanta waxa uu
marayaa in subax kasta oo aanu soo shaqo tagno in dhahayagu ku dhacaan dad
badan dhibaataysan,Dulmi iyo Cadaalad daro badanina ku dhacday, balse aanaan
waxba u qaban karayn, ka hadalkooduna na dhaxal siiyay cadaadis badan oo nagaga
yimaada madaxda garsoorka .Hadaba maanta anigoo go’aansaday in waxa dhacayaa
yihiin wax aaan laga aamusi karin, waxaan madaxda sharafta leh ee warqadani
tooska ugu socoto halkan ugu soo gudbinayaa warbixin kooban oo aan rabo inaan
ku iftiimiyo halkay sartu ka qudhan tay
iyo halkay dhibaatooyinka garsoorka ka jira ee keenay Cadaalad darada baahsan
ee dadwaynuhu had iyo jeer garsoorka ka
cabanayaan halkay salka ku hayso. Waana sidan.
2. Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha
lidiga ku ah Marin uhelida Cadaalada ee Garsoorka ka jira.
2.1
Garsoorka
oo aan dhexdiisa kala Madax banaanayn.
Kalmada
madaxbanaani marka la maqlo waxa markaba maskaxda dadka ku soo dhacda garsoorka
oo aan hay’ahadaha kale ee qaranka ka madax banaanayn, balse dhibaatada maanta
ka jirtaa garsoorkeena taasi way ka duwan tahay, waxaanan qirayaa anigoo ah
garsoore qaaday dacwado baan oo fulintu dhinac ka tahay in fulintu tahay cida
ugu ixtiraamka badan garsoorka,jirina cid fulinta ah oo kuula soo badheedhaysa
anaga wax noo xukun, balse iyadoo ay
tahay in garsoore walbaa u madax banaanaado dacwada uu hayo maanta xaalku taasi waa ka duwan
yahay, dhibaata koowaad ee jirtaana waxay tahay garsoorka oo aan dhexdiisa kala
madax banaanayn oo ay gudoomiyaashu si toosa iyo si dadban ba u fara geliyaan
dacwadaha garsoorayaasha kale hayaan.
Waxa dhaca in gudoomiyahaagu kuu yimaado oo
uu si toosa ama si dadban kuugu tilmaamo xukunka uu rabo inaad dacwada ka
gaadhid,iyadoo hadii aad si toosa uga diidid ama uu wajigaaga ka akhristo
inaanad ogolayn waxa uu rabo uu la hadlaayo dhinicii uu la socday, isagoo u
sheegaaya inay soo qortaan warqad cabasho ah, iyadoo ujeeda diisu tahay kaliya
inuu xalaashado inuu kiiskaasi kaa wareejiyo, si uu ugu qorto cid u fulinaysa
waxa uu rabo.
Sidoo kale dhamaan durisa garsoorayaasha
galalka lagaga wareejiyaa waa qaar sharci daro oo aan habayaraatee meelna ka
waafaqsanayn Qod:10 X.H.C iyo Qod:29
X.H.M. arintanina waa ta keentay in daalin kastaa marka uu arko in dacwadii
gebo gebo ku dhawday uu soo qoro cabasho aan xeer iyo xaqiiqa toona ku fadhiyin
iyadoo ujeedadiisu kaliya tahay inuu cadaalada dib udhigo.
Arintani waxay garsoorayaashii u qaybisay
laba qaybood oo kala ah, qayb u hogaansan danaha gudoomiyayaasha oo si joogta
ah saxeexooda wax loogu xumeeyo iyo qayb diida amaradaasi oo Cadaawad badan loo
hayo, cadaawadaasi oo kolalka qaar gaadha in gudoomiyaashu mudo kaa hakiyaan
inay dacwado ku qoraan, waxaana loo sameeyaa dacaayado joogta ah.
Tani maaha dhibaato ka jirta gobolka aan
joogo oo qudha balse waa mid ay ka wada dhawaajiyeen in badan oo ka mida dhalin
yaradii jaamiciyiinta ahaa ee labadii sano ee u danbaysay garsoorka lagu daray,kuna
sheegeen warbixin ay bishii August,
2013 u gudbiyeen Gudida Cadaalada, ogna siiyeen wasaarada
Cadaalada,warbixintaasi oo ahayd mid ay saxeexeen 27 garsoore.
2.2
.
Jiritaanka koox qareeno ah oo Madaxda Garsoorka la saaxiiba.
Waxa jira koox qareeno ah oo Gudoomiyayaasha
Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha qaarkood ay isku xidhan yihiin, dacwadaha ay
hayaana dur duro iyo galbis ku maraan jaran jarooyinka kala duwan ee
maxkamadaha. Waxa dhif iyo naadira in qareenadaasi kiisaska ay hayaan laga
xukumo, iyadoo sababtu ay tahay laba arimood.
A. Gudoomiyaasha ay saaxiibka la
yihiin oo marka horeba dacwadaha u qaada ama ugu qora garsooraha ay doortaan.
B. Garsoorayaasha qaar kamida oo
gudoomiyayaasha dartood ugu habrada.
Qareenadani
badanaa way ka kiisas badan yihiin qareenada kale, waayo, waxa yar amaba aan jirin qareen ay dadku ku
doortaan kartidiisa iyo aqoontiisa
sharci, balse gudoomiyaasha ayaa yidhaa qareen hebel u taga amaba dadka ayaa markay arkeen habdhaqanka
maxkamaddha ka jira iyo in loo habrado qareenka ay gudoomiyaasha saaxiibka
yihiin daydaya qareen ay gudoomiyayaasha
saaxiib yihiin.
Dhanka
kale qareenadani mararka qaar waa qaar khiyaameeya dhinacyada ay qareenada u
yihiin, arintani badanaa waxay dhacdaa marka iyaga iyo gudoomiyayaasha ay
saaxiibka ahaayeen danuhu iskaga dhacaan,
tani badanaa waxay dhacdaa marka qareenadani ogaadaan in dhinica uu markan
qareenka u yahay mooyee dhinaca kale ee ay iska soo horjeedaan uu gudoomiyuhu
wax la wado. Qareenadani markay sidan oo kale wax u dhacaan si daacad nimo ah
dhinacay qareenka u ahaayeen uguma doodaan oo gudoomiyayaasha ayay u waji
dhigtaan, dacwadana kama tanaasulaan oo ma ogola in lacagtu ka baaqsato.
2.3
Xeer ilaalinta oo leh awoodo badan oo aan
sharici ahayn.
Iyadoo ay tahay in xiliga dacwad
qaadista Xeer Ilaalinta iyo qareenada si siman loola dhaqmo oo aan la kala waynaysiin
hadana waxa jira in Xeer ilaalinta si gaara loo tixgaliyo oo aan si saman
doodooda loo eegin,Sidoo kele waxa jira in xeerr ilaalintu leeday awoodo badan
oo ay maxkamadaha la wadaagaan awoodihii uu sharcigu u gaar yeelay maxkamadaha
sida damaanad bixinta oo aad arkayso garsoorayaal badan oo wax ka waydiinaayay
bixinteeda, waxa kale oo dhacda in garsoorayaal badani aanay siidaynta ku
dhiiranin ila xeer ilaalintu raali ka noqoto.
2.4
Dabaqaada Xeerarka oo aad u Liita.
A.
Dacwadaha
Ciqaabta ah.
Inkasta oo xeerarka dalka u yaalaa iyo dastuurkuba ay si wayn u ilaaliyeen
xuquuqda qofka bani aadamka ah marka uu xorta yahay iyo marka uu xidhan
yahayba, maanta garsoorkeenu ma ilaaliyo
xuquuqahaasi, iska daa inuu ilaaliyee isagaaba ka badha ama fududeeya
dhicitaanka tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqahaasi,Sababtoo ah.
1. Qod: 25 aad ee dastuurka
jamhuuriyada Somaliland waxa uu damaanad qaaday inaan qofna xoriyadiisa laga
qaadin, hadaanu danbi faraha kula jirin ama aan loo haysanin amar qabasho oo ka
soo baxay garsoore awood u leh, maanta dhamaan maxaabiista maxkamaddaha la
horkeenaa marka laga reebo mid iyo laba waa qaar lagu soo qabtay sifo xaaraana
oo baal marsan Qod: 34, 35, 36, iyo 38 X.H.C, mana jiro garsoore marka la
horkeeno guta waajibaadka ay dhigayaan Qod: 39 X.H.C.
2. Maxaabiistaasa Maxkamadaha la
horkeeno badanaa waa qaar bahdilan oo
lagu tuntay xuquuqdoodi aasaasiga ahaa. Waxa la keenaa iyagoo kaba la,
qaarkoodna nigis mooyaane aanay wax kale xidhnay.Sidoo kale maxaabiistaasi
marka maxkamadaha la horkeeno waxay sheegtaan in lagu sameeyay tacadiyo aad ubadan
sida in askartu dishay iyo in ay dhawcisho xidhnaayeen maxkamad la’aan ( Mudo
dhaaf).Qaarkoodna waxayba sheegaan in aanay hal caano maal aanay jirin cid wax
u keentay oo aanay waxba cunin.Mana jiro Garsoore Qod:32 X.H.C.
3. Marxalada oogista dacawada ka hor iyadoo ay
masuuliyada iyo waajibaadka xeer ilaalinta tahay sida uu dhigaayo Qod: 70 X.HC in
ay hubiyaan in danbi dhacay eedaysanuhuna yahay kii galay, haba yaraatee xeer
ilaalintu masuuliyadaasi in yarna kama dabaqdo, dacawadahay Maxkamadda
horkeenaan waa maxkamadduun ku riix ( Bush to the Court).
4. Iyadoo Qod: 26 aad ee
dastuurkaJamhuuriyada Somaliland dhigaayo in eedaysane kasta loo aqoon sanaado
danbi laawe ilaa danbi kaga cadaado maxkamada horteeda, maanta taasi ma jirto
ee qof kasta oo maxbuusa ama xafiiska xeer ilaalintu soo eedeeyay sidaasi ayuu
danbiile ku yahay, dacwada ay qaadayaan garsoorayaasha in badan oo kamidina waa
mid magac uyaala oo ay ku khiyaamaynayaan indhaha dadwaynaha iyo eedaysanaha,
tusaale ahaan hadiiba aad waydiiso
maxbuuska uu xukumay cadaymaha la horkeenay ee uu ku xukumay waxa ay yihiin,
waxa garsoorayaasha qaar kuugu
jawaabayaan, duruufaha dalka ka jira ayaa keenay in cadaymo ku filan la waayee
danbiga wuu galay.Waxaana dhif iyo naadira in xafiiska xeer ilaalintu si
waafaqsan Qod:110 iyo 163 X.H.C maxkamada
horteeda si shaki la’ana uga cadeeyaan in danbi dhacay, eedaysanuhuna yahay
kiii galay.
5. Iyadoo Qod: 246 X.H.C dhigaayo
in aan xukunada dacwadaha ciqaabta ah la fulin Karin ilaa xukunku noqdo mid
kama danbaysa, marka laga reebo marka xukunku yahay mid siidayna,. Hadaba maanta
xaalku waa mid cagsiga ah oo iyadoo marka horeba yartahay in la arko qof
eedaysanaha ah oo isagoo xor oo xidhnayn isdifaaca, hadana iyadoo taasi jirto
hadana midhadhkaasi faro ku tiriska ah waxa xoriyada laga qaadaa marka xukunka
xadhiga ah ama ganaaxa ahi sidaa ugu dhaco,iyadoon wax tixgalina
lasiin bislaanshaha fulinta xukunka, halka dadka xoriyadooda loo celiyo
oo sharcigu si cad u damaanad qaaday in ay xoriyadooda helaan isla marka
xukunka xoriyad u celinta ah lagu dhawaaqo,taasi danbe oo keentay in maxaabiista qaar labo sano
kadib maxkamadda sare marka xukunku gaadho la siidaayo, iyadoo aanay jirin
marnaba wax xukun ciqaaba oo ku dhacay, mana jirto wax magdhaawa oo marka danbe
lasiiyaa.
6. Iyadoo ay xaaraan tahay in
eedaysanaha lagu dirqiyo ama lagu dhiiri galiyo inuu danbi qirto, haduu iskii u
sameeyana ay tahay in garsooruhu usharaxo dhibta kaga iman karta iyo in danbi
qirasho kastaa isaga cadayn ku tahay, iyadoo isla markaasina ay reeban tahay in
wax su’aalo ah oo lagu qod qodaayo la waydiiyaa, waxa maanta maxkamadeheena ka
dhaca inay garsoorayaasha qaar ku dhiiri geliyaan in eedaysanuhu qirto danbiga
loo haysto iyagoo si toosa ama si dadban ugu sheegaaya in hadii uu qirto la
siidayn doono amaba ciqaabta laga khafiifin doono.
7. Waxa kale oo jirta in dacwdaha
ciqaabta ah ee tashiga oo xeerku dhigaayo in eedaysanaha loo qabto qareen
difaaca oo karti leh,hadiiba qareenkaasi waajibkiisa gudan waayana tahay in
laba ganaaco maanta ta dhacdaa waa cagsiga oo qareenka loo qabtaa waa mid
macmala oo aan marnaba gudanin waajibiikiisii ahaa in uu difaaco
eedaysanaha,iyadoo ujeedada kaliya ee qareenka noocaniya loogu qabtayna tahay in lagu xalaashado oo kaliya in fadhiga
maxkmadu qabsoomo maadama aan dacwada la bilaabi karin ilaa qareen difaaca
eedaysanaha la helo.
B. Dacwadaha Madaniga ah.
Marka laga ymaaado dacwadaha
ciqaabta ah ee aan sare ku tilmaamay, waxa iyana jira dhibaatooyin fara- badan
oo ka tagan dacwadaaha madaniga ah oo meesha ka saaray xaqsoorkii iyo
cadaaladdii laga rabay in dhinacyadu ka helaan Maxakamaddaha, waxaanan
warbixintaydan ku soo qaadanayaa dhawrkan arimood ee aan hoos ku xusay:-
·
Xadhig
iyo xoriyad ka qaadis: iyadoo sharcigu u dhigay dariiq
iyo nidaam cad oo loo raaco qaadista dacwadaha madaniga ah, sida ku xusan xerka
Habka Madaniga, oo ay ka raabantahay xadhig iyo xoriyad kla qaadis, waxa aad
arkaysaa dad badan oo Garsoorayaasha Maxakamaddaha joogaa u xidh-xidheen
xuquuqo madaniya, iyadoo waliba dadkaas lagu ilaawo oo ay ku jiraan saldhigyada,
iyadoo ay dhacday qaarkood inay ilaa afar
billood ku jireen.
·
Dhawrid
la,aanta xaqul dacwaha: iyadoo
xeerku si cad u sheegay cida leh xaqa in ay dacwooto, waxaad marar badan
arkaysaa dad aan xaqa dacwada lahayn oo loo furaayo dacwado.
·
Dhawrid
la,aanta shuruudaha looga baahan-yahay arjiyada dacwadaha madaniga ah: iyadoo iyana xeer ku siuu sicad u sheegay waxyaabaha ay
tahay in arjiga dacwad furashada ama arjiga jawaab celintu laga helo waxaad in
badan arkaysaa arjiyo ama jawaabo aan xeerka waafaqsanayn oo dhinacyada laga aqbalaayo.
2.5
Xeerka qaar oo aan lagu dhaqmin.
Qaranka Jamhuuriyada soomaliland
mudadii uu jiray waxa uu samaystay xeerar dhaqan gala oo ay waajib tahay in maxkamaduhu
dabaqaan,balse waxa jirta in xeerar badan oo qarankani jamhuuriyada
Somaliland uu samaytay aanay maxkamadaheenu wax tixgalina siinin, kuna
dhaqmin,iyagoo taasi badelkeeda mudnaanta siiya xeeerarkii aynu ka dhaxalay
dalkii aynu ka go’nay ee jamhuuriyadii
dimuqraadiga Soomaaliya, waxanan tusaale usoo qaadan karaa labadan xeer ee hoos
ku qoran.
ü
Xeerka
Saxaafada ( Xeer- LR-27/2004).
ü
Xeerka
Nidaamka Garsoorka Caruuta ( Xeer
–LR-36/2007).
Caruurta
khilaafta sharciga ama ku eedaysdan inay galeen faldanbiyeed waxa lagu dabaqaa
dacwadahooga xeertka ciqaabta guud oo ah xeer aynu ka dhaxalnay dawladii
Somaliya ee aynu Madax banaanideena kala soo noqonay,Sidoo kale Xeerka
Saaxaafada oo ah Xeer gaara oo dhaqan gala oo qarankani jamhuuriyada Somaliland
ugu talo galay in lagu dhaqo Saxaafada marka ay xad gudubto iyo marka lagu xad
gudbaba lagu ma dhaqmo,bedelkiisana waxa la isticaalaa Xeerka Ciqaabta Guud
(X.C.G) oo ah Xeer Guud oo waxii Saxaafada khuuseeya uu tirtiray Xeerka
Saxaafadu ( Xeer-27/2004).
2.6
.Xeerarka
qaar oo si guracan loogu dhaqmo.
Iyadoo
madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland
mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) markii uu talada dalka ku
guulaystay kala diray gudidii nabad
galyada, hadana waxa ilaa hada maxkamaddaha ka jira adeeg u dhigma amaba ka sii
liita kii ay qaban jireen Gudida Nabad Gelyadu. Waxa jira in wigii hal mar ama
laba jeer maxkamadda gobolka hargaysa la horkeeno dhalin yar badan oo ciyaalo
iskuula kuwaasi oo si wada jira ugu eedaysan xeerka Nabad Gelyada
(Xeer-LR-51/2012), iyadoo ujeedada ay xeerkan booliska iyo xeer ilaalintu ugu
soo eedeeyeena ay tahay in ay ka muquurtaan waajibka ah in danbi dhacay,
eedaysanayaashuna yihiiin kuwii galay iyo in fursad loo siiyo eedaysanayaasha
in ay isdifaacaan, maxkamaduhuna marka la horkeeno ma gutaan waajibaadkoodii
garsoor ee bilayska iyo xeer ilaalinta ayay garab istaagaan.
Xeerkani
cida qudha ee loo isticmaalaa maaha ciyaala iskuula ee iyana waxa xeerkan si
ba’an loogu dhibaateeyaa caruurta darbi jiifka ah ee marka horeba la dayacay
masuuliyadii ahayd in la dayac tiro.
2.7
.Samaynta
Ganaax Sharci daro ah.
Dhalin
yarta aan sare ku sheegay in iyadoo aan la kala saarin xabsiga loo diro,
kololka qaarna waxa dhacda in dhamaan lagu xukumo lacag ganaaxa, arintani waxay
leeday laba halisood, waa ta koowaade waxa dhacaysa in danbiile khatari ka
faa’daysto oo uu si dhib yar u baxo, ta kalena waxay tahay in mid aan waxbaba
galin awoodiisa dhagaalena aad u hoosayso lagu xukumo ganaax aanu mutaysan.tan
danbe waxay keentaa in dhalinyarada in badan oo kamidi markay Cadaalad waayeen
ay cuqdadi gasho,yidhaahdaana kol hadii marlayba lagu ganaaxayuun ha lagu
ganaaxo adoo wax sameeyay, sidaana uu ku galo danbiyo aanu markii hore geli
jirin.
3. Talo soo jeedin.
Mudanayaal
waxa kale oo aan halkan idiinku soo gudbinayaa dhawr arimood oo aan is idhi xal
lagaga gudbo dhibaaatooyinkaasi ayay noqonayaan hadii la sameeyo waana sidan.
1. Ugu horayn in la sameeyo gudi ka
madax banaan madaxda garsoorka oo qiimeeya xukunada garsoorayaashu gaadhaan si
look ala ogaado garsooraha gudanaaya waajibaadkiisa iyo ka aan gudanayn.
2. In la sameeyo nidaam sugan oo
garsoorayaasha lagula xisaabtamo.
3. In dib loo qiimeeyo qorshahii
Dib uhabaynta garsoorka, si loo ogaado waxa ka hir gay iyo waxaan ka hirgalin.
4. In wasaarada cadaaladu samayso
qareeno karti iyo aqoon lehoo difaaca eedaysanayaasha loo haysto dacwdaha
ciqaabta ah.
5. In qareenada dacwadaha gelaaya
la kala shaandheeyo oo ruqsada qareenimo la siiyo cida u qalanta.
6. In la sameeyo xabsi lagaga
maarmo saldhigyadan ay maxaabiista cid laawaha ahi ku cunta beelayso amaba
saldhigyada loo qoondeeyo giraam ay siiyaan maxaabiistaasi.
4. Gunaanad.
Mudanayaal
dhibaatooyinkani aan sare ku sheegay waa qaar caqabad ku ah in Mawaadiiniinta
reer Somaliland garsoorka ka helaan garqaadis xaqsoora, sidoo kalena waa qaar
dhalin kara dhibaatooyin waxyeeleeya qaranimadeena, waayo, cadaaladu waa shayga
qudha ee amniga xoojin kara.
Sidaasi darteed waxaan si
xushmad iyo sharafle idiinka codsanayaa in warbixintani aad si mugleh hoos ugu
eegtaan,islamarkaasina aad xooga saartaan wax ka qabashada arimaha ay
warbixintani xanbaarsan tahay.
Allaa Mahad Leh
Jamaal Xuseen
Axmed (Mandeela)_____________________
Garsooraha
Maxkamadda Gobolka Hargaysa.