Waqtigii ay socotay fadeexaddii
gabadhii tababarka ku qaadanaysay Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka, Maria
Lewinsky ee lagu eedeeyey inuu fara-xummeeyey Madaxweynihii Maraykanka ee Bill
Clinton, ayaa Madaxweyne Cigaal kaftan ku soo qaaday shirkii Golaha Wasiirrada
oo yidhi; “Aniga oo u dhaarsan Joornaalka Jamhuuriya ayaan furaa TV-iiga ee
CNN-ta, markaas ayaan arkaa isaga oo ka faaloonaya alaabadii Madaxweyne
Clinton, markaas ayaan candhoofadayda dib u laqaa oo arkaa rag waxa haysta.”
Waqtigaas Joornaalka Jamhuuriya ayuunbaa dalka ka soo bixi jiray. Xukuumadda
Marxuun Cigaal ugama dulqaad badnayn saxaafadda xukuumadihii ka dambeeyey,
haseyeeshee laba dhacdo oo xilligaas dhacay ayaa soo jiitay indhaha dadka
xiiseeya Arrimaha Somaliland:
1. Madbacaddii NPP ee uu lahaa
Marxuun Maxamed Cabdi Shidde Aabbihii asaasihii saxaafadda madaxabannaan ee
cusub ee
Somaliland oo iyadu lahayd
Joornaalka Jamhuuriya, ayaa waxay bakhaar kaga jirtay daarta timacadde ee
dawladdu leedahay oo madbacaddu u tiilay.
Siday u dhacdayba xukuumaddii
ayaa soo iibsatay madbacad, deeto ku amartay NPP iyo Jamhuuriya inay uga
guuraan bakhaarka; waqtigaas oo Jamhuuriya mucaaradad weyn ku haysay xukuumadda
Marxuun Cigaal. Dacwad ayaa bilaabantay la isla galay Maxkamadda, iyada NPP iyo
Jamhuuriya ku andacoonayaan inay heshiis ku kiraysteen bakhaarka.
Dacwaddii waxay gaadhay
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa Guddoomiye ka ahaa Maxkamadda
Sare Garsoore Xaashi Muuse oo Jaamacaddaha dalka British-ka wax ku soo bartay,
waxa uu dacwaddii u xukumay NPP iyo Jamhuuriya oo waa laga gar helay Xukuumaddi
Cigaal.
Madaxweyne Marxuun Cigaal ayaa
arrintii ka yaabay oo erayo cadho ihi ka dhaceen. Marka Guddoomiyahii
Maxkamadda Sare hadalkii Marxuun Cigaal loo sheegay ayuu ka cadhooday, isna oo
istiqaaladiisii soo gudbiyey. Ergooyo badan oo loo dirayna waa ku
gacan-saydhay, waxana uu ku noqday dalka Birtish-ka oo uu hore u deggenaa.
Hooyadii ayaa nin dhashay waxa uu ahaa nin reer Gabiilay ah. Gaadaashii may
dhicin garsoore dacwad weli ka xukumay xukuumadihii Somaliland ee kala
danbeeyey .
2. Xukuumaddii Marxuun Cigaal
ayaa mashruuc sharci oo ku saabsan saxaafadda u gudbisay Golaha Wakiiladda.
Golahii oo uu Marxuum Qaybe iyo Oday Cilmi iyo Cabdulqaadir Jirde ka yihiin
Shirguddoonka ayaa ku soo celiyey xukuumadda mashruuci sharci.
Markii Golahii oo si aqlebiyad
leh isku raacay in la celiyo, maadaama uu cabudhinayey saxaafadda sida ay u
arkeen. Xukuumaddii Marxuun Cigaal kama didin arrintii ee waxay u saaratay
guddi dib-u-habaysa mashruuca sharci oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo xubno ka
mid ah Bulshada Rayidka ihi . Guddigaasi nuqulkii ay soo gudbiyeen ayaa Golihii
Wakiilladu ansixiyey oo noqday Xeerka Saxaafadda. Halkan waxa ka muuqatay Gole
gudanaya waajibkiisa. Dib uma dhicin mashruuc sharci oo uu Golaha Wakiilladu ku
soo celeyo xukuumadihii Somaliland ee kala dembeeyey.
b. Akhristaw labada ifafaale
waxay muujinayeen sida ay u kala madax bannaan yihiin Waaxaha Qaranku, haddii
lagu dedaalo oo mid weliba kaalinta ay qaranka kaga jirto ay qabsan karto.
t. Bal aan dheehanno
arrimahaaas la isku qabto waxa uu ka leeyahay Dastuurka Somaliland.
Qodabka 23aad ee Dastuurka
Somaliland
Xaqa nolosha, nabadgelyenta
jidhka, xurmaynta magic samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga.
Farqadiisa 3- Qof kasta wuxu
xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa ,sumcadiisa iyo noloshiisa gaar
ahaaneed.
Qodabka 31aad ee Dastuurka
Somaliland
Farqadiisa 3- Saxaafadda iyo
warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyadda asaasiga ah ee ra’yi
dhiibashada waxay leeyihiin madax banaanidooda; way reeban tahay tallaabo kasta
oo lagu cabudhinayo; hawshoodna xeer baa nidaaminaya.
Haddaba, sida labdaas arrimood
ee uu tilmaamay Dastuurku la isu waafajinayo, ayaa muran ka joogaa. Waxa jirtay
waqtigii aan dugsiyada dhexe ku jirnay da’daydu, xisaabta waxa dhigi jiray
macallimiin Hindi ah. Soomaalida mid iyo dhif ayaa u badheedhi jiray.
Waxa la sheegay in macallin
habeenkii saxaya imtixaankii xisaabta uu hal su’aal ah ka shaqayn kari waayey,
haseyeeshee uu buuggii casharka uu ka dhigayey ka helay jawaabtii su’aashaas.
Waxa fasalka ku jira wiil cabdi yar la yidhaahdo oo xariif ah oo su’aalo badan.
Cabdi yare su’aashii xisaabta ahayd waa qalday maalintaas. Macallinkii ma
garanayo sida looga shaqeeyo ee Cabdi Yare uu ku qancin doono. Habeebkii oo
dhan ayuu yidhaahdaa maxa muran berri ka jooga fasalka, sawkan Cabdi yarena
qalday. Hadda labada qodob ee dastuurka maxaa muran ka joogaa. Dalalka
horomaray kuma xidhaan Joornaalada iyo suxufiyiinta aflagaado. Waxa laga qaadaa
xaal (libel) dhabar jab ah, taas oo kicisa Joornaalada oo shadaafta u laabta oo
ay, sidaas darteed iska ilaashaan wax aflagaado ah inay ku kacaan. Xadhigga
Joornalada iyo suxufiyiintu dalka iyo madaxdeeda ayuun buu ceeb ka badan tii
lagu aflagaadeeyey u soo jiidaa.
Madaxweynaha Faransiiska ee
hadda Mudane Hollande ayaa dhowaan laga baahiyey sawirro isaga oo gabadh
fannaanad ah oo uu xidhiidh ka dhexeeyo goor habeennimo mooto ugu dusaya oo
qasrigii Madaxtooyada isaga baxay (Jacaylku Kululaa). Markii ay gabadhii
dacwaysay Joornaalkii sawirka baahiyey, waxa looga qaaday dhawr boqol oo kun oo
doolar oo xaal ah (Libel). War boowe xaalkii aan kala qaadan jirnay marka la
isu gafo. ma ku noqonaa? oo ma cilmiyeynaa? waa taas uun Dawladnimadu wax kale
ma ahee! Bal adba!!!
No comments:
Post a Comment