Wednesday, January 21, 2015

kadaloob iyo keenadiid

Kadaloob iyo keenadiid  duqay weeye kasmaaloo,
dalkooda korkaa ka ilaashoo, iyagoon cidna maagin
oon gole waynaha keenin ,kashifa xaaladaynu marayno.


Qormadii:2aad.


Kadaloob: waad mahad santay saaxiib, dee tan aad sheegaysana, talada waynu isku leenee anigaa isku noqonaaya.

Keenadiid: waayay Saaxiib, allaa macaka.

Kadaloob: Waaryaahe, dee ninku si wayn ayuu ila hadlay,yaa,yaa,yaa, cajiib, iga walla beriba horta waa inaan kii kacaan, wasiirkiisana mooyee u tagaa, oo aan idhaahdaa  maxaa horta adiga iyo dawladaadu noo qabateen ee aanu maalin walba idinku difaacnaa, ee aanu tol, sokeeye iyo xididba isku seegnay,yaa, yaa,…. aabo hooyadiin meeday.

Kaaha: Ee waa ikane, maad soo gelin bee maxaad la guuraabaasaysaa ee aad la qaylinaysaa,maanta ma maalmihii qolooyinka jaan, heeryada ku saaran jireenbaa.

 Kadaloob: Naa imikaad waxaan loo fadhiyin iyo jin iyo jaan ka sheekayn doontaaye,waxaad yeeshaa lacagtaa qaadoo caruurtu waatii durisanayde, ilaa xalayna waa kuwii sadexda yar yari aan mar qudha qufaca afka ka qaadine usoo iibi waslad yar oo aad maraqa uga saarto, baaqigana waakii ilaa habeen hore gurigu inagu madoobaaye inoo soo sii xabad fawniisyada yar yara, oo aynu shidano inta ilaahay meeluun ka keenaayo lacagta yar ee ay wuxu laydhka inooga goosteen; aniguna maanta meelna tegi maayoo halkanaan iska fadhiisanayaaye, waxaad yeeshaa hadh qoodaalka jiingada, imika markuu hadhku soo rogmado intaad ii rushayso cawda ii dhig.

Kaaha: Maanaan garan inay wax jiraan, ee waligaaba guriga daqiiqad maad fadhiisanine, maanta maxaa kaasiya ee kuu diiday marfashyadii iyo ragii aad la fadhiisan jirtay. 

Kadaloob: Naa waxaan ku idhi, intaad waxan oo hadala iga dayso, waan daalanee, aan iska fadhiistee cawda ii dhig, telefoonkaygaa gacanta ee miiska saaranna waaka dhacaayee ii dhiib.

Kaaha: Ee bal hoo, lanbarba ma muuqdoo (private number) waxaan filayaa inuu yahay duco qabii aad abtiga u ahayd, ee habeenadanba telefoonkiisa cajaladu kaa qabanaysaye.

Kadaloob: Naa keen,kaasi ducuu qabaaye;Halaw, Halaw , haa imikaan ku maqlayaaye, waa kuma,……....,haa haa, dee caaqil bilaa lambar baad igu soo gashoo sidaasaan kuu garan waayee ii waran oo maxaad haysaa;……... haye, haye, haye, waan gartay, waan gartay; saaxiib walaahay idinkaga maan bixine, saaka arinteeni awgeed waaban soo kallahee, markii aan hudheelka soo galay ayaan arkay kii Daaniye iyo Qasbaaye oo hawsha gacanta ku hayoo,adigana waan ku eeg eegoo waan ku arki waayay, dee labadaasi nina waad garanaysaayoo, gacanta waxay ku qabtaan waa qub iyo qac; iyo aynu is dilno, dabadeeto waxaan is idhi intii aad labadaasi nin  isku ceeboobi lahaydeen  adigu iskaga tag, oo suuqaygaan iskaga foof tagaye, adigu saaxiib ii waran, oo hawshii soo si wanaagsan idiinku may qabsoomin ?..........waan gartay, waan gartay, waan gartay, haye, haye, haye, sax, sax sax, waa si wacan,…….... maya saaxib maanta idiin iman maayoo halkii gurigaan fadhiistoo,hawlo yar yaroon leeyay ayaan iska dhamaynayaaye,ee aynu caawa gooreheeni danbe soo wada hadalno,markaasaynu kala warqaadan doonaaye. 

Kaaha:Ee kan aan duco qabii moodaayay, ee sidiisii bilaa lambarka kugu soo galay, ee ina hungeeyay muxuu ahaa,igawala iyo diinta uurkaan ka farxoo waxaan hoosta ka idhi waakaa casaa wa jaluhu isagaa wayn, oo qaniyoo qaadiree, kuwii laydhka iyo kuwii bakhaarka raashinka oo ilaa duraad kolba ila soo hadlaayayba  idin soo kala furtay.

Kadaloob:Yaah,waa caaqil kadeedoo, saaka ayaanu isaga iyo odayaasha reerka balan wada lahaynoo, markaasaanan u teginoo, imikana waaniga halkan joogoo, markii  marfashkiina layga waayay ayuu caaqilku isoo garaacay, oo waxa uu ilahaa maxaa ku helay maanta ee aad ku maqan tahay.


 Kaaha: Oo ma sadexdii inan bay daan sidii u kala saarin, car waan arkaayoo, waa hadaanu cag culayskiinaasi inamada isku dilin, ee inamada intay goori goor tahay kala saara, oo waad aragtaa sida uu xildhibaankii hore ee ilaahuuni ogaa sidii reerku ku soo saaray ee yar iyo waynba cadceeda loo taagnaa uu faryo bidix uga baxayee, aanu maalin qudha uga shaqaynin dantiisa mooyee wax reerkii soo doortay iyo umada kale ee reer Somaliland toona udanee, imikay arintu gacantiina ku jirtaaye ka fiirsada, oo inamada aqoon iyo dadnimo u eega, oo ku kala saara. 

Kadaloob: maya,taasi todobaadka danbe ayaanu u balanaye, maanta waxa loo balan sanaa qolo maalin dhawayd mucaaradku soo abaabuleen oo uu hor kacaayay kii Caaqil kadiye ee bidhiidh qaataha ahaa,oo xukuumada wax ka sheegay, in wixii ay halkaasi ka sheegeen ay beeshu iska beri yeesho,oo ay umada iyo xukuumadaba u cadayso in qoladaasi ahaayeen dhalin yaro aanu caqligoodu ku filnayn oo la khalday, cid ay mataleyena aanay jirin,waxii ay halkaasi ka yidhaahdeena kaligood ku koobnaa,beeshuna sidii horeba loogu yiqiin  ay dawalda ku bar bartaagan tahay sugida amniga, markastana ku bogaadinayso horumarka iyo wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsatay mudadii yarayd ee ay talada dalka haysay, kana soo hor jeedo cid kasta oo fadqalalo abuuraysa,wiiqaysana nabad gelyada  iyo wada jirka umada somaaliland.

Kaaha: Eeyaahe, eeyaahe, ee miyaanad ahayn qof muslima oo ashahaadanaaya, oo aanad ilaahaaga ka baqaneynin,ee dhalin yaradaad sheegaysaa miyaanay ahayn kuwii aynu habeenkii dhawayd halkan ka wada daawanaynay, ee shaqo la’aanta iyo cadaalad darada ka cabanaayay,ee kuwaasi hadalkoodi maayagaa qawl beenaba ku daray. 

Kadaloob: Naa yaahe,Naa yaahe, naa urura-dan iyo waxan gaaladu idiin samaysay ayaa idin waalay oo idiinka daraye,arintaasi maaha mid adiga iyo xaawalay dumar oo kale toona wax laga waydiinaayoo, ragbay u taalaaye,orodoo  intaad xishooto, oo dumar baad tahaye, aad hadalka yarayso, ku foof danahaaga, oo hawlaha gurigaagu ha ku deeqaan, kuwaasaa inaad wax ka qabato u baahane.

 Kaaha: Ee marka samaha laguu sheego ayuunbaad sidii aad raran ku taagan tahay guba-taa,indhahana kor u majiirtaaye, waxaan ku idhi kadalooboow,horta waanu aamusanuune,ma ogtahay in adiga, afwayne iyo caaqil kadeedba umadu idinla yaaban tahay oo ay sidaas laydiin eegaayo,ee ilaahaga ka yaab oo sidani si maahee, sidan isu dhaan; ilaahii maxamed sameeyaan ku dhaartee ma jirto maalin aan nalagu kiin ag xaman, oo dadkiiba waanu dhex mari kari la’nahay,dorrata-daasaa udanbaysoo baska dhexdiisii lama dumara oo idin hadal haya dirqibaanu ku kala baxsanayoo rakaabkii baskaa nagu kala guntadaye, hooy, hooy, kadalooboow, waxan maad iskaga bixi, oo magaca aniga iyo ubad kaaguba waanu kula leenoo xuma iyo samo wixii aad samaysaa wuu na soo gaadhayaaye, waadigan oo waynidiibaad raadkaagi dib u qaadaye, waxan aad baxdo iyo dhacdo ku foogan tahay maaha wax if iyo aakhiro midna ku anfacayee maad isku noqon, oo intaad faraha ka qaado,hoos maad u eegi ubadkaagan iyo baylahda kala duwan ee reerkaaga.

Kadaloob: Waar yaadhaheen, waar bal amuurtan iyo yaabkan daya, naa maanta ma anigoo kadaloob filkii karoone ah, oo reer cir jiidh oo dhan, ah odayga wax laga waydiiyo, ka awoow ka awoowna soo talinaayay, ayaad rabtaa adigoo xaawalay dumara inaad wax ii sheegto, naa waligayaba dumar wax nooma sheegine, waxa nagu san iyo waxa nagu xuna waanu kala naqaanaaye,adigu,waxaad yeeshaa, ha nawareerine, intaad waxan oo hadala naga dayso, orodoo, danaha gurigaaga qabso, oo shaah khafiifa oo aad sonkarta ka yarayso ii kari, caruurtuna waslada yar yay ka seexane, si ay fiidkaba ugu bislaato, aad goor hore usaartide ula soo carar.

Kaaha: Ee idhagayso, idhagayso, waligiinba marka runta laydiin sheego ayaad kiis iska waal, warmaha u tumataane,waxaan ku idhi, hadaad xumaha iyo  Samaha kala saarayso,ma adiga oo aynigana, oo cid kale iska daayoo inankaagi curad uu shaqo la’aan awgeed uu maanta u tahriibay, sadex caano maalna meel uu ku sugan yahay aanad ka war hayninbaad dadka la soo hor fadhiisan lahayd dawladu waxbay qabatay, Ma iyadoo ilaahaybaan kugu dhaariyee  laba habeen gurigu kugu madoobaa baad TV-ga la soo fadhiisan lahayd dawladu waxbay qabatay; ee ilaahaaga ka yaab, oo aakhiradaada u tudho,dawlada aad sheegayso teeda hoose iyo teeda sare tooni umadan wax umay qabane; waad aragtaa oo  wax kale iska daayoo dawlada aad sheegayso teeda sare waxay dayac tiri kari la’day xadhkihii laydhka ee waagii marxuum Maxamed H.Ibraahin Cigaal horteena la mariyay, oo waadigaa maanta ka laydhka la’, ee dhiig miiratadu hadh iyo habeen wadnaha ku cadaysay;ti hoose ee aad ogayd maalintii codaynta wixii aniga iyo labada caruura ee roon roon dhib iyo rafaad naga qabsaday ee aanu xataa sidaanu kayuuga ugu jirnay ku qado beelnay,kuwii loo doortay, waa kuwaa aad aragto, ee cashuur ay kordhiyaan mooyaane caqli kale yeelan waayay,ee aad moodo quruun aynaan inagu arkaynin inay wax ka boobayaan.


Qalinkii: Qaryaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).
Phone:4122290.
Lasoco..... (labadii wiigba mar maalinta khamiista).

 

Monday, January 12, 2015

Dharaaro Xusuustood Waxyi iguma soo dego Haddana wax ima seegaane Prof. Maxamed Siciid Gees Qeybtii 27aad


Waqtigii ay socotay fadeexaddii gabadhii tababarka ku qaadanaysay Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka, Maria Lewinsky ee lagu eedeeyey inuu fara-xummeeyey Madaxweynihii Maraykanka ee Bill Clinton, ayaa Madaxweyne Cigaal kaftan ku soo qaaday shirkii Golaha Wasiirrada oo yidhi; “Aniga oo u dhaarsan Joornaalka Jamhuuriya ayaan furaa TV-iiga ee CNN-ta, markaas ayaan arkaa isaga oo ka faaloonaya alaabadii Madaxweyne Clinton, markaas ayaan candhoofadayda dib u laqaa oo arkaa rag waxa haysta.” Waqtigaas Joornaalka Jamhuuriya ayuunbaa dalka ka soo bixi jiray. Xukuumadda Marxuun Cigaal ugama dulqaad badnayn saxaafadda xukuumadihii ka dambeeyey, haseyeeshee laba dhacdo oo xilligaas dhacay ayaa soo jiitay indhaha dadka xiiseeya Arrimaha Somaliland:

1. Madbacaddii NPP ee uu lahaa Marxuun Maxamed Cabdi Shidde Aabbihii asaasihii saxaafadda madaxabannaan ee cusub ee
Somaliland oo iyadu lahayd Joornaalka Jamhuuriya, ayaa waxay bakhaar kaga jirtay daarta timacadde ee dawladdu leedahay oo madbacaddu u tiilay.
Siday u dhacdayba xukuumaddii ayaa soo iibsatay madbacad, deeto ku amartay NPP iyo Jamhuuriya inay uga guuraan bakhaarka; waqtigaas oo Jamhuuriya mucaaradad weyn ku haysay xukuumadda Marxuun Cigaal. Dacwad ayaa bilaabantay la isla galay Maxkamadda, iyada NPP iyo Jamhuuriya ku andacoonayaan inay heshiis ku kiraysteen bakhaarka.
Dacwaddii waxay gaadhay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa Guddoomiye ka ahaa Maxkamadda Sare Garsoore Xaashi Muuse oo Jaamacaddaha dalka British-ka wax ku soo bartay, waxa uu dacwaddii u xukumay NPP iyo Jamhuuriya oo waa laga gar helay Xukuumaddi Cigaal.
Madaxweyne Marxuun Cigaal ayaa arrintii ka yaabay oo erayo cadho ihi ka dhaceen. Marka Guddoomiyahii Maxkamadda Sare hadalkii Marxuun Cigaal loo sheegay ayuu ka cadhooday, isna oo istiqaaladiisii soo gudbiyey. Ergooyo badan oo loo dirayna waa ku gacan-saydhay, waxana uu ku noqday dalka Birtish-ka oo uu hore u deggenaa. Hooyadii ayaa nin dhashay waxa uu ahaa nin reer Gabiilay ah. Gaadaashii may dhicin garsoore dacwad weli ka xukumay xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyey .
2. Xukuumaddii Marxuun Cigaal ayaa mashruuc sharci oo ku saabsan saxaafadda u gudbisay Golaha Wakiiladda. Golahii oo uu Marxuum Qaybe iyo Oday Cilmi iyo Cabdulqaadir Jirde ka yihiin Shirguddoonka ayaa ku soo celiyey xukuumadda mashruuci sharci.
Markii Golahii oo si aqlebiyad leh isku raacay in la celiyo, maadaama uu cabudhinayey saxaafadda sida ay u arkeen. Xukuumaddii Marxuun Cigaal kama didin arrintii ee waxay u saaratay guddi dib-u-habaysa mashruuca sharci oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ihi . Guddigaasi nuqulkii ay soo gudbiyeen ayaa Golihii Wakiilladu ansixiyey oo noqday Xeerka Saxaafadda. Halkan waxa ka muuqatay Gole gudanaya waajibkiisa. Dib uma dhicin mashruuc sharci oo uu Golaha Wakiilladu ku soo celeyo xukuumadihii Somaliland ee kala dembeeyey.
b. Akhristaw labada ifafaale waxay muujinayeen sida ay u kala madax bannaan yihiin Waaxaha Qaranku, haddii lagu dedaalo oo mid weliba kaalinta ay qaranka kaga jirto ay qabsan karto.
t. Bal aan dheehanno arrimahaaas la isku qabto waxa uu ka leeyahay Dastuurka Somaliland.
Qodabka 23aad ee Dastuurka Somaliland
Xaqa nolosha, nabadgelyenta jidhka, xurmaynta magic samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga.
Farqadiisa 3- Qof kasta wuxu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa ,sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
Qodabka 31aad ee Dastuurka Somaliland
Farqadiisa 3- Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyadda asaasiga ah ee ra’yi dhiibashada waxay leeyihiin madax banaanidooda; way reeban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodna xeer baa nidaaminaya.
Haddaba, sida labdaas arrimood ee uu tilmaamay Dastuurku la isu waafajinayo, ayaa muran ka joogaa. Waxa jirtay waqtigii aan dugsiyada dhexe ku jirnay da’daydu, xisaabta waxa dhigi jiray macallimiin Hindi ah. Soomaalida mid iyo dhif ayaa u badheedhi jiray.
Waxa la sheegay in macallin habeenkii saxaya imtixaankii xisaabta uu hal su’aal ah ka shaqayn kari waayey, haseyeeshee uu buuggii casharka uu ka dhigayey ka helay jawaabtii su’aashaas. Waxa fasalka ku jira wiil cabdi yar la yidhaahdo oo xariif ah oo su’aalo badan. Cabdi yare su’aashii xisaabta ahayd waa qalday maalintaas. Macallinkii ma garanayo sida looga shaqeeyo ee Cabdi Yare uu ku qancin doono. Habeebkii oo dhan ayuu yidhaahdaa maxa muran berri ka jooga fasalka, sawkan Cabdi yarena qalday. Hadda labada qodob ee dastuurka maxaa muran ka joogaa. Dalalka horomaray kuma xidhaan Joornaalada iyo suxufiyiinta aflagaado. Waxa laga qaadaa xaal (libel) dhabar jab ah, taas oo kicisa Joornaalada oo shadaafta u laabta oo ay, sidaas darteed iska ilaashaan wax aflagaado ah inay ku kacaan. Xadhigga Joornalada iyo suxufiyiintu dalka iyo madaxdeeda ayuun buu ceeb ka badan tii lagu aflagaadeeyey u soo jiidaa.
Madaxweynaha Faransiiska ee hadda Mudane Hollande ayaa dhowaan laga baahiyey sawirro isaga oo gabadh fannaanad ah oo uu xidhiidh ka dhexeeyo goor habeennimo mooto ugu dusaya oo qasrigii Madaxtooyada isaga baxay (Jacaylku Kululaa). Markii ay gabadhii dacwaysay Joornaalkii sawirka baahiyey, waxa looga qaaday dhawr boqol oo kun oo doolar oo xaal ah (Libel). War boowe xaalkii aan kala qaadan jirnay marka la isu gafo. ma ku noqonaa? oo ma cilmiyeynaa? waa taas uun Dawladnimadu wax kale ma ahee! Bal adba!!!

Wednesday, January 7, 2015

Tallooyin lagu Toosinayo Garsoorka Dalka. W/Q. Aadan Dhoolayare




Waxaan jeclaystay maqaalkan inaan kaga hadlo dhinaca cadaaladda dalkeenna kuna iftiimiyo xogo iyo waayo aragnimo aan ka dhaxlay wakhtigii aan ahaa Wasiirka wasaarada cadaalada,taas oo aan ku ogaaday meelaha iyo sababta ay ku timaado cadaalad darrada ay shacabku  ka cawdaan had iyo jeer.

Aniga oo ku iftiiminaya intaan aan ka ogahay meelaha khaladaadku ku jiro oo ku saabsangarsoorka dalkeenna.Marka hore waxaan ka cudur-daaranayaa in aanan u jeedin khaladaad aan  ku cambaaraynayo garsoorayaasha maxakamadaha laakiin ay tahay inaan sheego haddii wax laga bedalo nidaamka ay u shaqeeyaan gudida cadaalada ee dalku.Waxaa laga yaaba inaanay dad badani ogayn guddida cadaaladda iyo waxay ay qabato iyo waajibaadka dastuuriga ah ee ay leeyihiin iyo siday ku noqdaan guddida cadaalada ee dalka.

Haddii aan in yar dadka u iftiimiyo shacabka guddida cadaaladu waxay tahay

Guddida caddaaladdu waa guddida u saraysa garsoorka dalka una xil-saaran dabagalka iyo habsami u socodka caddaaladda dalka lana xisaabtami karta garsoorayaasha maxakamaddaha dalka islamarkaana awood buuxda u leh inay u digto,eryi karto, dalacsiin karto, abaal-marin karta garsoore kasta xumaan iyo wanaag wixii uu garsooray.
Waa guddida loo caban karo ama ay dacwad  ka gudbinayso garsoore ay ka tirsanayaan cadaalad darro qofka lagu sameeyay,si ay gudidaasi u dabagasho waxna ka ogaan lahayd waxa uu qofkaasi ka cabanayo haddii ay jirto ka dibna tallaabo sharciga waafaqsan ay gudida cadaaladu uga qaadi lahayd garsooraha laga cabanayo waa haddii lagu khalad lagu helo.

Gudidaasi waa guddi madaxbanaan oo leh awood dastuuri ah oo uu dastuurku siiyay loona baahan yahay inay waajibaadka gutaan.

Haddaba, sidee bay ku yimaadaan guddidaasi kuraasta ay ku fadhiyaan.?

waxaan jeclahay inaan iyadana sharaxaad kooban ka bixiyo habka ay ku yimaadaan.

Gudidaasi waxay ka kooban tahay Guddoomiyaha Maxakamada Sare oo ah Guddoomiyaha gudida waxaanu ku yimaada dastuurka oo uu ku magacaaban yahay waxa kale oo ka mid ah laba garsoore oo leh waayo aragnimo sare oo ka tirsan maxakamada sare waxaana magacaaba madaxweynaha laakiin waxa tilmaanta ka bixinaya dastuurka cida ay noqonayaan.

Waxaa kale oo ka mid ah Guddoomiyaha Hayada Shaqaalaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaaladda.

Waxa kale oo ka mid ah laba xubnood oo uu soo magacaabo Guddoomiyaha Caarlamaanku iyo laba xubnood oo uu soo magacaabo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu. Dhammaan xubnahaas waxa tilmaan cad ka bixinaya dastuurka dalka oo aan sheegaynin  hebel laakiin sheegaya kursiga noocaas ah cidda loo magacaabo ee ku fadhida inta aan ka ahayn afarta xubnood ee golayaashu soo magacaabaan kuwaas oo ay gudoomiyayaasha labada gole soo magacabaan ciddi ay doonaan laakiin dastuurku tilmaamayo heerkooda waxbarasho iyo waaya aragnimadooda.

Waxaan filaya inay innagu filan tahay cidda ay yihiin guddida cadaaladu iyo sida ay ku yimaadaan iyo waajibaadkoodaba.

Haddaba,  haddi aan u soo dego dulucda iyo ujeedada ee aan u qoray maqaalkan iyo tallooyinka aan u soo jeedinayo in wax laga bedelo sida uu dastuurku ku magacaabayo ka mid  noqaashaha guddida cadaalada dalka u saraysa taas oo aan qabo sababaha ragaadiyay cadaalad la’aanta iyo dib u dhaca kiisaska ama gal dacwadeedka la qaado oo qaata wakhti dheer oo ay dhib badan kala kulmaan shacabku qaarkoodna ay ku jiraan maxakamadaha in ka badan labaatan sanadood.

Haddaba taladaydu waxay tahay aniga oo aaan waxba ka sheegayn xubnahaas in wax laga bedelo nidaamka ay ku yimaadaan sababta oo ah tusaale ahaan xubnaha ay ka midka yihiin gudoomiyaha hayada shaqaalaha,xeer ilaaliyaha guud,agaasimaha guud eewasaarada cadaalada waxay hayaan hawl maalimaadkoodii iyo xilkii loo magacaabay oo aanay wakhti dheeeraad ah u helayn inay noqdaan guddida cadaalada u saraysa ee dalka.
 
Halkaasna looga baahan yahay cid firaaqo u haysa oo ka shaqayn karta waajibaadka qaranku u magacaabay. Waxa kale oo la mid ah afarta xubnood ee labada gudoomiye soo xulaan oo aan la soo marin shuruudaha dastuurku tilmaamayo laakiin lagu soo xulo qof jeclaysi iyo garasho loona eegin aqoonta iyo waaya aragnimada looga baahan yahay,raali ha iga ahaadaan labada gudoomiye oo iyaga laftoodu la saaro culays kaga yimaada cida doonaysa oo soo adeegsada waji garad.

Sidaasi darteed, waxaan madaxweynaha u soo jeedinayaa inuu codsado in la furo dastuurka dalka waxna laga bedelo nidaamka ay ku yimaadaan xubnaha guddida cadaalada laguna bedelo cid aan shaqo kale hayn oo fursad u hesha inay si joogta ah u gutaan shaqadooda si ay dabagal ugu sameeyaan garsoorka dalka kormeerna ku tagaan gobolada dalka iyaga oo kormeeraya xaalada garsoorka isla marka abaal mariya garsoorayaasha qabsada waajibaadkooda.

Inta aan ka ogahay gudidda cadaaladu ma fadhiistaan shirarkooda mana daba galaan cadaalada dalka taasina waxay keentay in garsoore kasta uu ka yeelo kiiska mudeeyana wakhtiga uu doono iyada oo loo baahna inay la xisaabtamaan gudoomiyayaasha maxkamadaha si ay iyaguna u ogaadaan kiisaska ay garsoorayaashu qaadayaan iyada oo aan lagu fara gelinahayn awooda garsooraha oo madax banana laakiin uu ogaado garsooruhu in lala xisaabtamayo lana abaal mariyo.

Waxaan ka cudur daaranaya inaanan eedaynayn guddidaas laakiin ay hayaan shaqooyin kale oo aan wakhti ku filan haysan taasina waa sababta aan taladan u soo jeedinyo islamarka waxaan Madaxweynaha kula talinaya in gudidda dambe waaa haddi dastuurka wax laga bedelee in loo qoro mushahar ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda kuwaas oo laga dhex helayo bulshada dad leh aqoon waayo aragnimo oo qaban karo xilkaas kuwaas oo aan camal kale hayn.isla markaan laftooda la ogaado sida ay u shaqeeyaan,loona dhiso xafiis iyo miisaaniyad ay ku hawl galaan.

Waxaan ogahay inaanay xukuumaddu ka war hayn gudidaas oo aan lahayn dhisme xafiis .iyo miisaaniyad u gaar toona nasiib darase la tabayo cadaalada dalka iyada oo aan la siin daryeel ay ku gutaan waajibaadkooda. 

Waxaan rajaynaya inuu Madaxweynuhu ka fakiro sidii loo hagaajin laha cadalada dalka oo ay kow ka tahay in wax laga bedelo nidaamka ay ku yimaad guddidaasi.

W/Q. Aadan Dhoolayare
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda JSL