Is-afgaranwaaaga
beryahanba ka dhextaagnaa bulshada deegaanka Qolcaday iyo Wasiirka
Xannaanada Xoolaha wuxuu salka ku hayey sifaha loo fulinayo mashruuca. Waxaannu
muranku sii xoogeystay, markii bulshada deegaanku ay diidey
seereynta dhul daaqsimeedka banka.
Waxaa
nassiib darro weyn ahayd in marnaba Wasiirka Xooluhu wadahadal iyo
wadatashi toona u furin bulshada deegaanka, balse uu isticmaalay hadidaad, cagajugleyn
iyo xabsi u taxaabis joogta ah oo uu kula kacay bulshada. Hase ahaatee,
ficiladaas qaloocan ee Wasiirku marnaba waxba kama ay bedilin mowqifkii
bulshada deeganka. Kadib shaqaaqadii hubeysneyd ee dhalisay dhaawaca 24kii May
20016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee shir wadatashi la qabto. Waxaana la Isla-
afgartay in la laalo qaybtii seeraha loogu talo-galay mashruuca, qodista
ceelal biyoodkana la bilaabo. Ujeedada ugu weyni ee mashruuca loo hoosgeeyey
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha wuxuu ahaa yagleelida seeraha. Ka tirtirida
mashruuca ee qodobkan ah in la sameeyo seeraha wuxuu meesha ka
saaray Wasaaradii uu mashruucu hore uu hoos iman jiray.
Waxa
markaas loo baahday dib-u-habeyn mashruuca lagu sameeyo oo ku saleysan
baahiyaha kale ee waa- weyn ee uu deegaanku leeyahay. Taas oo ay ujeedadiisu
tahay jiheynta mashruuca si loo fuliyo inta
ka horeysa sanadkan dhamaadkiisii .Taasoo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee
mashaariicda loo maamulo, gaar ahaan, marka uu mashruucu fuli waayo mudadii loo
qoondeeyey, ujeedadii laga lahaana hirgeli weydo. Dibudacaasu markuu yimaado
waxa, inta badan loo aaneeyaa, fadhiidnimo fulin la'aaneed oo ka timaada
Wasaaradda u xilsaaran mashruuca.
Waxaa
deeqbixiyeyaasha mashruuca iyo xukuumaddu Isla qaateen, kadib shirkii laba geesoodka
ahaa ee lagu qabtay Hotel Ambassador ee Hargeysa 7 dii Juun,
20016,in
mashruuca laga soo wareejiyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, miisaaniyadii mashruucana lagu isticmaalo laba mashruuc oo kale oo uu deegaanku baahi weyn u qabay oo kala ah: 1) BIYAHA iyo 2) MASHRUUCA DHISMAHA WADDADA CAD.
mashruuca laga soo wareejiyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, miisaaniyadii mashruucana lagu isticmaalo laba mashruuc oo kale oo uu deegaanku baahi weyn u qabay oo kala ah: 1) BIYAHA iyo 2) MASHRUUCA DHISMAHA WADDADA CAD.
Waxaase,
nasiib darro noqotay Wasiirkii xukuumadda ugu jiray deegaanka, ee magaca badbaadinta mashruuca qaadan lahaa, bulshadana horkici lahaa oo aan tudhaale
muujin,balse diidmo qayaxan kala horyimid dib-u- habeynta mashruuca . Wuxuu
geed sare iyo mid hoosaba u fuulay inuu fashaliyo ujeedada cusub ee mashruuca,
isagoo sii wada dagaalkiisii dhagareysnaa ee uu ka bilaabay banka qoolcaday
bishii May 2016. Wuxuu, si khaldan, uga uriyey isbedelka dhacay ashkhaash
degaanka ka tirsan uu ku andacoonayo inay is-hayaan. Wuxuu halmaamay in
shirkaas laba geesoodka ahaa ee go'aanka soo saaray lagu casuumay, balse iskiis
iskaga maqnaaday, markii uu ogaado in shirka la mudeeyey gelin dambe !!!!!!!'
Wuxuu caayey, Madaxweynahana ka ashkateeyey dhowrkii wasiir ee shirka laba-
geesoodka ah ka qayb galay oo ay ku jiraan Mudane Cali Shombe,Wasiirka
Qorsheynta Qaranka iyo ku-xigeenkiisa Mudane Kaysar......., isagoo ku dacweeyey inay u adeegeen Xisbiga WADDANI. Waa yaab. !!!!! . Wuxuu
hadalkaas ka yidhi gudaha iyo barxada Madaxtooyadaba. Iyaba waa nasiib darada iyo
musiibooyinka dalka ku habsaday'e, ma jiro qof ka sareeya oo amusiin kara, anshax
marinna saari kara wasiirkii Wasiiro kale ku xadgudba, sidii hore loo arki jiray.
Waxa
hadda nagu maqaala ah inuu soo maleegayo maalinta AXADA ah ee bisha
Juun tahay 19ka, 2016, wuxuu ku tilmaamay shir deegan oo lagu qaban doono
HOTEEL AMBASADOR isagoo is-leh ku daadifee go'aankii shirkii laba
geesoodka ahaa. Ujeedadiisa ugu weyni se waxay tahay inuu mar labaad iska
horkeenu bulshada deegaanka, isagoo carqaladeynaya fulinta loo qoondeeyey
labada mashruuc ee biyaha iyo Wadada lixda bilood ee sanadkan ka dhiman.
Wuxuu
Wasiirka Xannaanada Xooluhu dagaal cadaawe oo qaawan kula jiraa dadkii uu
magacooda ku fadhiyey. Iyagaa se iska qaban kara oo iska caabin kara
gardaradiisan badheedka ah. Waxaa la garan la'yahay waxay Madaxtooyadu ugu eegeyso
bulshada wasiirkan magac xumo mooyaane aan weligii wanaag usoo jiidin xukuumadda..
Waxaannu leenahay,haddii Madaxtooyadu xilkeedii xaqsoor bulsheed kasoo bixi
weydo, KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.
Allaa
Mahad Leh.
Sakaria
A. Sulub
Senior
Journalist and Chief Editor of Hererstar.com