Inaa lilaahi wa
inaa ileyhi raajicuun.Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo, godkana ha u
nuuro dhamaantood isaaga wayn oo waaxidee. Maanta waa uu yar yahay magaalada
hargeysa guri aan laga ooyayni, baroorta ayaa is qabtay.oo ilmada iyo murugada
ayaa seked sekad iskugu xigta. waxa dhacayna runtii waa masiibo qaran. Waxa hal
meel Mar qudha ku wada go'ay bada u dhaxaysa masar iyo talyaaniga ubaxii wadankani
lahaa. waxa dhintay tiro 400 kor u dhaafay oo ilaa 640 qof oo ah ubaxii
wadankani lahaa.
Runtii aniga
naxdin gooniya iyo murugo ayay igu tahay,waayo? mid aan laysoo sheegin oo aanan
isaga garanayn ama aanan waalidkii ama walaalihii garaynini wuu yar yahay. Waxaan
dhamaantood ilaahay marlabaad uga baryayaa in uu u naxariistii jano ka
waraabiyo, oo uu geeyo nolol uga khayr badan tan ay ka tageen, ehelkii iyo
qaraabadii ay ka baxeena uu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dunida madaxda
garaadka iyo caqliga lihi ka taliso,marka uu hal qof oo shacab ah masiibo
haleesho; madaxdoodu waa ay la baroortaan,oo waa ay la jiidh damqadaan, waliba marka
la badho, hadii sababta ay masiibadaasi ka dhalatay ay ka muuqato dayacaadi,cida
shaqadaasi gaar u lahayd waa ay is casishaa.Tan oo kalena hadalkeedaba daa’.Baroor
diiq qaran ayaa lagu dhawaaqaa, oo maalmo dhan ayaa madax iyo shacaba oohinta
iyo baroor diiqdu is qabsataa, oo xataa hawlaha qaranka la fasaxaa.Haseyeeshee
inaga masiibada ugu wayn ee taagani waxa ay tahay madaxdii dalkan loo doortay iyo
kuwa siyaasi isku sheega ah, ee shacabkan dulman ka hordoobya ee hortaagan;midna
ma oga waxa dhacay ee noloshoodi hore ee caadiga ahayd ayay iskaga jiraan.
Waa ayaan daro
innagu habsatay. oo madaxdii aynu dooranay, ayaan shacabkii doortay wax qiimo
ah qadarina ugu fadhiyin; oo dan iyo
muraad toona kama laha hadii milyan dhinto iyo haduu wada go'o toona. Kaliya cida ay yaqaanaana waa ka magaca leh, ee ay wax wada cunaan iyo
ka ay ka qaadaan ee maal qabeenka ah oo qudha.
Waad aragtaan
oo maanta iyadoo masiibadaasi iyo mashaqadaasi baahsani dhacday, oo inta badan guryaheena
oohintu dheega isku hayso,ilaa hada madaxtooyadeeni way aamusan tahay, oo wax
kale iskadaaye,xataa hal eray oo tacsi ahi kama soo bixin,waayo, ubaxaasi go’ay, ee
qaranka iyo eheladoodiiba ku goblameen; iyo hooyooyinkaasi diilalyadu hayso ee
agtooda ka barooranaaya, midna qiimo uguma fadhiyo,oo wax danana kama laha.
Halka marka uu oday taajira ama mid kale oo iyaga ka ag dhaw, oo magaciisa la yaqaanaa uu
dhinto, ay baraha bulshada iyo warbaahita buux dhaafiso, ee ay isku darjiidho;
tacsi uu madaxweynuhu diray iyo mid ay golihiisa wasiiradu direen.
Guntii iyo gebo gebadii waxaan shacbiga Somaliland, marlabaad iyo mar sadexaaad ka tacsiyadaynayaa masiibadaasi dhacday; intii dhimitayna waxaan ilaahay uga baryayaa, isaga ayaa qaniya oo qaadira, oo naxariistiisa aan la koobi karine; in uu godka u nuuro oo ka waraabiyo janatu firdawsa.
Dhinaca kale
waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, oo aan leeyahay waad aragtaan sida uu
xaal yahay,waana garasho xumo iyo liitinimo, in aynu maalin walba cabano oo ayn
calaacalno,waxaa dhacaayana aynaan waxba ku qaadan, ee aynu dib iskugu noqono;
oo inta aynu caqliga ka shaqaysiino, aynu maalinta doorashada ka fiirsano cida
aynu dooranayno ee aynu hogaanka ka dhiganayno; ee aynu taladeena u dhiibanayno.
Aynu doorano
mid inala damqada, oo marka ay dhibi ina haleesho inoo jiidh naxa. Aynu doorano
mid farxadiisu, farxadeena tahay; muragadiisuna, muragadeena tahay. Maalin
walba og keena aan qadayn iyo keena qadeeyay. Keena gaajada ku seexday iyo
keena wax caluun tay.Keena xanuusan iyo keena caafimaadka qaba.
Aynu doorano mid
inaga war haya,oo subax walba marka uu waagu beryo, waraysta waxa uu waa inoogu beryay.Marka gabal dhacana,waraysta
waxa gabal inoogu dhacay iyo waxa aynu la hoyanay.Si ay taasi u suurta gashana,
marka taladu gacanteena ku jirto ee doorashadu joogto, murashaxiinta kala duwan ee ina horyimaada, ee doorashada u
soo istaaga, aynu ku kala saarno; diintooda,
akhlaaqdooda,aqoontooda,kartidooda, oo inta aynu qudhunka iyo qabyaalada iskaga
tagno, aynu doorano ka aynu is nidhaa, kan ayaa innaga iyo ubadkeenaba u dana,
oo qaranka daryeelaaya. Hadii aanay intuba ina anfacayna aynu talo qaran ka
yeelano, oo shuruudo adag aynu u dhigno cida isa soo sharixi karta.
Waliba
dhalinyaroow,waxaan idin leeyahay, aynu baraarugno, oo masiibooyinka dhacaaya, aynu
waayo aragnimo iyo talo aynu ka faa’idaysano.Kuwa ugu badan ee maalinta
codaynta codeeyaa waa innaga, kuwa ugu badan ee badaha, saxaaraha iyo jeelasha
ku haligmayaana waa inaga. Aynu isweydiino, horta odaygan baas ee aynu daba soconaa, maxuu ina taraa, dhib mooyee
maxaa dheef inaga soo gala. Aynu
isweydiino qabiilkan shaydaan ee aynu labo diblaha ugu xidhanahay, ee ina
faruur xidhay, maxaa inaga soo gala. Maye intii jeer ee aynu codaynay, kuwii
aynu u codaynay.
Ilaahay ayaan idinku dhaarshee,wali ma jiraa, mid
keena, mid uu ku soo noqday kii uu u codeeyay oo uu wax taray.
Inta ubad inaga
tahriibtay iyo waxii caruur baduhu inaga liqiin, midna, wax kale yuu inoo
tarine, intuu warbaahinta soo fadhiistay, tacsina ma inoo soo diray.Wali magafe
ma inagaga qaybeen, oo aabe dhibaataysan oo ilmihiisi la haysto boqol shilin ma
ka bixiyay kii uu u codeeyay, ee uu hadh iyo habeen u xiiqsanaa.
Waan hubaa oo
jawaabtu waa “Maya”,hadaba ogow in horumarkeenu kaliya yahay, marka aynu xaga
wanaaga u soo jeedsano, ee dadnimada iyo diintu ina dabraan.Haseyeeshee, inta
ay qabyaalada iyo qudhunku ina jiifaan, ee aynu ku codaynayno kanaa ixiga, ee
xataa haduu dib jir doox jooga yahay aynu dooranayno; Waa tan oo inoo abado ah.
Ubadkeenuna waxay noqon in haad iyo haaruunba ka dhergo oo badaha yaxaasku ku
kala goosto; iyo in saxaaraha ku dhimata oo abeesada iyo yeydu wadaagto; iyo in gudaheena ku lee’ata oo gaajo iyo
saxariir dilo, sidii kuwii Gobolka Awdal ku dhintay, ee ay abaaruhu ku laayeen.
Allaa Mahad
leh.
Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed
( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda
Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com