Garyaqaan: Jamaal Hussein Ahmed |
Dawladii kacaanka, Siyaad Bare sanadihii u horeeyay ee
hogaamintiisa waxa uu ku talaabsaday horumar aad u balaadhan oo bulshada
somaaliyeed guud ahaan ay u guuxday. Balse taasi hore looguma sii socon oo
markii danbe talaabooyin badan oo uu nidaamkiisi qaaday,kuwaasi oo badan koodu
ahaayeen qaar aan laga fiirsan oo caadifad iyo kibir keeneen; waxa ka dhashay
in mar qudha bulshadii uu xukumaayay badankeedi nidaamkiisi nacaan,oo ay ka hor
yimaadaan.Sida aynu wada ogsoonayna ugu danbayn markii waano iyo wax u sheeg
lagala quustay, waxa xaalku gaadhay “Cududaada Ayaa Cadaalad Kuu Haysa”, oo
ilaa isaga iyo nidaamkiisi lag ridaayay qoriga ayaa shaqeeyay.
Heestan hoos ku qoran, oo ah hees hogotusaale ah;
Sidaan maqlay, waxay ka mid tahay, heesihii faraha badnaa, ee wax
sheega iyo waanada ahaa, ee iyadoo isaga lala hadlaayo ( Siyaad Barre), cishqiga
loo ee kaysiiyay .Aniga laftayduna caawa oo naftaydu xoog u talamayso iyada
ayaan qaadayaa, ee ha layla dhugto.
Wax badan baan,
hogotusaale
Hoos iyo dulbaa, ugu idhoo
Meel kale aan u heelanaa
Bal taydana aan
hinjiyoo.
Naftayda mar aan holodoo
Heeraarta suugaanta galoo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubiin.
Dhaaxaay waanadaa habtee
Bal aan heesahaa ku dayoo.
Hadhkiyoo labadiisa gelin
Habeenku Way is riixayaan
Aduuna hawli kama dhamaan
Intaad hiigso leedahay.
Ho’heey Mawdkunaa
Ku hareer socdaa
Ha’duna mooyi
gooray noqon.
Waxaan heedhe aan
ku idhii
Ama se hooy aan ku idhii
Hagaaga lama daadiyee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee.
……….
Sahra Ahmed Jaamac
Allaa Mahad leh.
Qalinkii: Garyaqaan
Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode
Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com