W/Q.
Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)
Waxa
beryahan jiray, xafiiltan siyaasadeed oo ka dhexeeyay Xukuumadda iyo
axsaabta mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u muuqday dagaal
warbaahineed oo isasoo tarayay intii lagu jiray todobaadadii ugu dambeeyay ee
ka hadhsanaa muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan
danbe se, waxaynu arkaynaa loollankii siyaasiga ahaa oo qaatay waji kale
oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo sameeyay wada-hadallo uu ka dhashay,
heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar kalana waxaynu u soo joognay, iyadoo
beesha caalamku la isugu qayshaday. Wax kastoo la isku dayay ba, kala
qaybsanantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama gaadhin.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi |
Ololleyaal
warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo
dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul caamka dadweynaha. Ugu
dambeyn, waxaa la iskula soo dul-dhacay Waaxda Garsoorka. Sida ilaa hadda wax
loo wado, waxay iskaga eeg tahay in la rabo in cudurkii fardaha galay laga gubo
dameero.
Waxaynu
iska wada ognahay oo aanu muran ku jirin in asxaabta qaranka iyo guurtidu ay
isku hayaan muddada ay guurtidu u kordhisay muddo-xileedyada Xukumadda iyo
Golaha Wakiillada, oo aanu jirin khilaaf sharciyadeed. Waxaa sidoo kale, iyadna
la wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku mari laayahay uu yahay
faraq-xilliyeed (4) bilood ah, oo u dhexeeya Go’aankii Guurtida ee
xil-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo heshiiska axsaabta qaranka ee ka
dambeeyay. Faraqaasi oo aan macno-badan samaynayn, mar haddii aanay
xil-kordhintu ahayn mixwarka uu khilaafku ka aloosanyahay. Afartaas biloodna,
wax sidaasi usii ridan may ahaateen, haddii lagu heshiiyay, in sidii
dani-keento la yeelo.
Intaas
aan kaga gudbo hordhaca, oo aan usoo gudbo mawduuca qoraalkani uu khuseeyo –
Qoraalka Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey ma khilaaf sharci oo laga garnaqi
karaa baa mise maaha?. Arrinta garsoorka loo gudbinayaa waa in aanay la mid
noqon oo ay ka baxsanataa faqidaada shaaraca taala iyo hal-qabsiyada dooddaha
warbaahinta la isku marinayay beryahan (Political rhetoric). Maxkamadda
Dastuuriga ahi khilaaf sharci ay ka garnaqdaa ama fasiraad ka soo saartaa.
Khilaafka sharcina maaha mid qaabab badan loo dhigi karo sida kan siyaasiga ah
ee hadda la wado. Bal se waa mid mutaxan oo ku kooban hab-dacwaddeedka
iyo nuxurka dooddeedka dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u
eegayna hab-gareedka dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi
doonnaa, bal in arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda
Dastuurigu uu yahay dacwad dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwaddeed iyo in
kale.
Si aynu
su’aashaasi u gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa halkay arrintu ka
bilaabantay oo ahayd codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga
ah.
Waxay
xubinta hore ee Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay Maxkamadda oo ujeeddadiisu
tahay codsi fasirraad, kuna taariikhaysnaa 08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa
JSL/MD/100-3450/08,2O15 ay ka waramaysaa sida uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay
ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladda. Xubinta
labaad waxay khusaysaa, Qodobbadii ay axsaabtu ku heshiiyeen. Gebogebada
qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda
uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida loo dhigay:
”Waxaan
Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda qodobada
3aad iyo 4aad ee heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad ee
go'aanka Golaha Guurtida mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga
qabsoomida Madaxtooyada iyo Wakiilada”
Hadda
ba, ugu horeyn waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib ah inay ku dhaqaaqdo
inay hubiso in arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo shuruuddaha nidaamka
dacwaddeed ee Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horeysa in dhinacyada loo
yeedho ama fadhi la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa alif kaa xumaaday oo
al-baqra kugu dhibi doona. Haddii se sideeda loogu dhaqmo, waxaa loo gudbayaa
in laga garnaqo nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee
Garsoorka, waxaana lagu guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo gaadhay qaab
sharciga waafaqsan kuna dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku jirin.
Sida
caadiga ah, dacwad kasta cid baa muduci ah oo biloowda. Cid baana mudaacalee ah
oo dacwaddu lid ku tahay. Marka la joogo Maxkamadda Dastuuriga ah, waa in la
helaa cid muduci ah oo dacwadda furata. Sidoo kale waxaa shardi ah in la helo
go’aan xeerarka iyo dastuurka loo eegayo, ama xeer/sharci la fasirayo. Sidaas
darteed, waxaa mudaacalee ah cida go’aanka soo saartay ama Golaha xeerka soo
saaray. Hadda ba, Qoraalkani Maxkamadda Dastuuriga ah hortaal, Madaxweynahu
isagaa qoraalkani Maxkamadda u soo gudbiyey, haddana muduci maaha oo labada
go’aan midna ma diiddin midna ma ogolaan. Taasi waa arrin cajiib ah, imika
qoraalkani laguma sheegi karo dacwad dastuuri ah ama fasiraad. Waxaa la odhan
karaa Madaxweynahu wuxuu la talin sharci ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah.
Maxkamadduna maaha la talinta sharci ee Madaxweynaha. waxaa loo baahnaa inay
Maxkamaddu ku baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad ay ciddi furatay oo
aanay wax diiddanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa meesha dacwaddi ma
jirto.
Waxa
kale oo la gudboonayd Maxkamadda inay is-waydiiso, horta maxaa noqon kara
dacwad dastuuriya oo u qalanta in laga garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan
karo ama tiirarka udub-dhexaadka u ah dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah?
Maxaase looga baahanyahay qofkasta oo raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama
ka cabanaya go’aano maamul oo lagu fuliyay ama lagu fulin-doono?
Arrin
kasta oo la rabo in hannaan sharci lagaga garnaqo waa inay noqotaa mid leh
mawduuc iyo abbaar sugan. Taasina, waxay saaran tahay cidda dacwada furanaysa
oo looga baahan yahay inay caddayso go’aannada ay ka cabanayso, kuwa ay
fulintooda ku dooddayso iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay sheegin
rabitaankiisa ama dooddiisa. Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta daalacata.
Awoodna u maleh inay iyadu nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii furtayba ku
caddayn waxa uu rabo iyo waxa uu diiddan yahay. Markaa waxaa haboon inay
qoraallada noocan ah maxkamaddu ku celiso cidii u soo gudbisay iyadoo farayso
inay soo waafajiyaan shuruuddaha nidaamka dacwaddeed.
Markaynu
u soo noqono waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu yahay nuxurka dooddiisu?,
Ma wuxuu ku doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo kordhinta ayaa dastuuriya
markaan arkay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise wuxuu ku doodday
go’aanka guurtidu dastuuri maaha markaan eegay sababahaasi iyo Qodobbadaasi?
Maya! Mise waxaa bu ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku heshiiyeen
ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi awgood?
Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri ama ba midkoodna maaha distuuri?
Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga garnaqee?
Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa ah kuwa fasiraadda u baahan.
Haddii
ay is-gabto ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq u malaha in uu isagu mala-awaalo
nuxur dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu hawshoodo wax aan waddadiisa la
soo marin. Waxa biloowga ku qaloocdaa, dhamays ma noqdaan. Fashilaad uun baana
laga dhaxlaa.
Waanay
dhacday inay Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii ay qarraar ka soo
saartay cabashadii dastuuriga ahayd ee ay asxaabta mucaaradku kaga
cabanayeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka
Nabadgalayada kaga hor-istaageen inay shirar qabsadaan. Qaraarkaasi oo ku
taariikhaysnaa 27/7/2015 tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay
Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku tidhi sidan;
”
Dhinaca kale, Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka taagani salka ku
hayo qabashada doorashada soo socota, waxay amraysaa in dhinacyada siyaasadda iyo
hayadahay khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan
muranka ku saabsan doorashada soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si
loogu diyaar garoobo doorosho xalaal ah”
Waxay
Maxkamaddu halkan ku xustay in ay og tahay arrinta muranka taagani uu salka ku
hayo. Yaa u sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu salka ku hayay? Halkee ayey
kaga jirtay dacwaddii xiligaasi hortaalay? Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax
ay warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah,
aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka baxsanaan karta wixii horteeda lala
yimid. Maantana, ugama fadhino inay Maxkamadu wax ka duwan mawduucii
horteeda yaallay, inoo sheegto. Waa inay ka feejignaataa.
Su’aasha
kale ee iswaydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU MUXUU AWOOD U LEEYAHAY
INUU FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b) Dastuurka Qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland:
“Garsoorku
wuxuu awood gaar ah u leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu fasiro micnaha xeerarka
ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah iyadoo
la raacayo dastuurka.”
Madaxwaynahu
laba go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn ayuu codsaday in la
fasiro. Heshiiska asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha uu Garsoorku
awoodda u leeyahay inuu fasiro. Garsoorka ayaanay tani cay ku tahay.
Midda kale, Madaxweynahu kuma dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo Maxkamadda
ma horkeenin go’aan gole dastuuri oo keliya si micnahiisa ay Maxkamadda
Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo raacaysa dastuurka. Madaxweynahu Go’aanka Guurtidu
dastuurka ma waafaqsan yahay ma odhan? Dood xitaa sidaasi lagala soo baxi karaa
qoraalka kuma qorna. GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA GUURTIDU MA
XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA
XEER FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA. Waxa laga yaabaa, in
dadka qaarkood ku dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo saaraa waa xeer. Maaha,
hadda annigu iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida uu Xeerka Nidaamku
Garsoorku u dhigay. Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo Qod. 15(1)(b) (Nuqulka
60ka Qodob), labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani waxay si iskumid ah u
sheegayaan sidan:
“Maxkamadda
Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay b) inay macnayso, fasirtana Dastuurka iyo
xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”
WARKU
BA WUXUU KU DHAN YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WAXU KA
CODSADAY INAY FASIRTO QODOB DASTUURKA KAMID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO
UJEEDDADIISA LAYSKU QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!
Maxkamadda
lama keenin dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor ku sharaxay, markaa Maxkamadda
maxaa daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku waa dhexdhexaadin iyo hawlo
kale. MAXKAMADDA DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA, CEEB AYEYNA KU
NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU WAXAY
FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.
Fasiraadda
Qodob sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku haysa xaqiiqo lagu muransanyahay,
iyo doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu noqon,
codsi u muuqda talo-sharciyeed, oo cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti asaas
u ah, inay FASIRADA Garsoorku ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo taagan
oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the idea
of standing). Aragtidan garsoor oo odhanaysa“Garsoorku maaha talo-bixiye
(advisory opinion), balse waa go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo in uu jawaab
u noqdo muran ka dhextaagnaa dhinacyo is-hayay.”
Xaaladdaha
Garsoor ee keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional remedy)
oo dhaqan-gal ah, ayay Maxkamadda Distuuriga ahi ku samayn kartaa Dibu-eegis
Garsoor( Judicial review). Taasi oo looga socdo, inay
Maxkamaddu ahaato meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho
xafiiltanka iyo khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la
diidayaa in murankasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad
jirta, la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday tahay Mufti joogto ah.
Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De Minimis Non
Curat Lex),macnahiisuna ahaa, sharcigu ma khuseeyo, wixii
fudud ee iska dhammaan kara.
Gunaanadkiina,
fasiraadda-garsoorku maahaa mid maxkamadda lagaga codsado sideen yeelaa? Laba
shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo jira indhaha laga qarsanayo.
Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in uu sugo qodobadii looga
baahnaa, Maxkamaddu waxaa waajib ku ahayd inay hareer iskaga leexiso.
Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku dhex milmaan
khilaafyada siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada Nabadda iyo
Isku-soo-dhawaynta Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka.
W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)