-Waar yaadheheen!, waar
yaadheheen!!!, waar miyaad waalan-tiin, dee sidani si maahee aynu is dhegaysano!!.
-Waayay,
waayay; Dee ileen haddii kale waxba kala korodhsan maynee; ma qaadka ayaad noo
qaadeen, maxaad noo aamusiinaysaa.
-Waar
waxaan waxba isku falayn ayaad tahee inanka sidaa hawla hadlin, horta marka wax
wanaagsan laguu sheego maxaad sida noola-uraha isu cun-cuntaa…. Waar
anagaa xaal ku siinaye raali noqo.
-Dhib
malaha, Dhib malaha, ee saaxiibkeen isaguunbaa iska cadhaysane anigu waxaan
lahaa uun aynu is dhegaysano oo aynu kala faa’iidaysano.
-Waar
muddo kordhintii nin wax war ah ka haya ma leedihiin?
-Dee
weli waxba soo may saarin.
-Oo ma inta laysku af gartay waxaan ahayn ayay
kordhin karaan?
-Maya, maya.
-Maya
maxaad u odhanaysaa iyaga ayaa xaq uleh
waxay kordhinayaan.
-….Waar
bal ninkaa eega, ileen waad iska
hadashaa, waar xaq umalaha inay maalin ku daraan waxii lagu heshiiyay.
-Waar
horta waxaan idin weydiiyay waxan aad leedihiin waa lagu heshiiyay yaa ku
heshiiyay?
-Waxa
ku heshiiyay danneeyeyaasha.
-Danneeyeyaashu
waa’ayo?
-Waa
sadexda Xisbi Qaran iyo komishanka.
-Maxaad
tidhi, maxaad tidhi; waar hadday saddexda xisbi iyo komiishanku sidaa ku
heshiiyeen waa’ayo cida buuqaysaa, ileen sadexda xisbi ayay wax ka dhexeeyaane?
-Waar horta anigu waxaan idin waydiiyay, bal na sug ha naga dhex geline; horta waxani
ma heshiisbaa mise waa wax komiishanku xaq uleeyihiin?
-Waar mayee waa heshiis.
-Waaryaadhaheen
dee anigu midbaaban ogay, dadka uunbaa iska xiiqsane odaygu muddo kordhin aan
ahayn inta ay doorashadu ku suurto galayso wax ka badan ma rabo, ee niman wax
ka lux luxanaaya ayaa waxan oo qaylo ah abuuranaaya.
-Waar
niman-yahow anigu waxaan idin weydiiyay, horta yaa muddo kordhinta loo
samaynayaa?.
-Dee odayga.
-Odaygee?
-Waar maya, maya, waar anigu sidaa uma jeedo
ee waxaan idin idhi kordhinta la sheegayo ma tii madaxtooyadaa oo madaxwaynaha
ayaa loo samaynayaa mise waa tii baarlamaanka, ileen labaduba 26 june kadib muddo
dhaaf ayay noqonayaane.
-Anigu
horta waxaan ogay inay beesha caalamku inagu qasbayso in aynu ta madaxtooyada
hor galno.
-Beesha
caalamku waa tee, waar imikuun baad beel caalam ka sheekayne, miyaan anaga
waxbaba nala waydiinayn, adeero waa in doorashada baarlamaanku soo horaysaa oo
shacabku doortaa horta cidii ma teli lahayd, hadaa ma guul wadayaashan maalinba
meesha uu dhuunigu ku jiro raacaaya ayaa noo sii joogaaya.
-Waar anigu run ma idiin sheegaa, anigaa saaka
nin wayn oo xogogaal ah la joogee, Guurtidu waxay kordhinaysaa sanad iyo lix
bilood.
-Yaa,
wallaahiy haday maalin ku daraan in wax kale dhici.
-Oo
maxaa dhacaaya, adeer miyaanad ogayn in bishan ay komiishanku leeyihiin
doorasho ayaa dhacaysa aan waqooyiga oo dhan cidi ka codaynayn oo ay kulayle
tahay.
-Waar
horta anigu waxaan idin waydiiyay waxa laynagu xiijiyay Muddo kordhin Muddo
kordhine, horta kan imika haysta haduu sii haysto iyo haduu mid cusbi yimaado
maxaa is bedelaaya?
-Walaahi inaanay waxba isbedelayn, ee aniga
hadii wax layga waydiinaayo, waxaaban odhan lahaa kani inta cimrigiisa ka
hadhay hayska joogo oo yaan waxba doorasho la gelin, kanaa inoo miciyo fudud,
ileen waa tii hore loo yidhi nin wayni waxa uu cunaa waa jaluune.
-Waar
miyaad waalan tahay, waar ma caruurtan iyo dumarkani inay noo taliyaan ayaad
doonaysaa, waar iga wala inaanan yeelayn.
-Anigu
garan maayo waxa uu ninkani jib-baysane waxa uu sheegaayo ee, hadii aan
reernimo loo hadlayn wax wax qabtay siilaanyo ayaa jira.
-Soo
jeedso, soo jeedso, adeer waad iska jibaysan tee horta inaan ka soo socdaana
shacbigan aan dawladnimo waxay tay garanayn ee maalinba nin danlihi ku guuraayo
inaan ka soo socdaana cunayn maxaa nooga damiina,mise maalinba reer ayaynu
xoolaynaa.
-Waaryaadhaheen
run ma doonaysaan, iga wala kan haysta iyo kuwa soo socdaa inaanay is dhaamin,
midina danteena wadin, ee mid walbaa marka horena afka ayuu inoo wanaajinayaa
marka danbena waxa uu doono ayuu samaynayaa.
-Kkkkk,
iga walla madaxweyne Ina Cigaal dhaammaa inaanu ina soo marayn.
-Waar odaygaba xanuunkaa la degaye inuu wax
qabto waa ka go’nayd ee amar illaahay ayaa helay.
-Anigu
waxaan la yaabaa uun ninka yidhaa odaygu wuu xanuusanayaa, iga walla inaanu bar
qabin, ee waa siyaasi rug-cadaa ah, oo si uu u dafiro nimankii abaalka badan u
galay ee lacagta badan uu ka qaaday ololihii ayuu ogaan isu yeel yeelaa. Wali
miyaad aragtay cid leh Siilaanyo waxaa xumeeyay oo isaga haysta, adeero odaygu
waa haw soo jaro oo gidaar buu samaystay
wax kasta oo dhaca uu iskaga dhigo.
-Nin-yahow
ninkii Xirsi beryahan dee sidii hore maaha, miyaad beryahaa aragteen meel uu ka
hadlaayo?
-Waar
dee Xirsi waa garabkii Samaale ee laga adkaaday.
-Waad
iska odhanaysaa uun, yaa ku yidhi Samaale waa laga adkaaday, waar imikuu ugu
qooqan yahay oo maalmhaba reerkoodii ayuu hoos hoos ula shiraayay, oo waakii
caddeeyay inuu murrashax yahay.
-Waar
immikaabu loollankii ugu adkaa Kulmiye ka dhex socdaa.
-Waar
dee waxa la yidhi madaxtooyadaa dib usoo istaadh-dhay oo odaygii Muuse markuu
reerkoodii la hadli kari waayay ee ay habeen walba TV-ga la soo fadhiisteen
maalin lagu dari maayo ayaa Samaale dib loo soo toosiyay.
-Waar
madaxtooyana dib uma soo toosine, filimkaas hore ayuu u daawadaye, waxa la
yidhi sidii Sheekh Shariif ayaa reer galbeedku innagu soo ciyaarsiiyeen oo
dhabarka soo taabteen.
-Haa,
haa waa runtaa, aniguba danigaas waan qabay, oo waxa la yidhi maalintii dhawayd,
qoladii maraykan markii ay sidaaasi madaxtooyada uga baxday ayay gurigiisi ugu
tagtay.
-Waar
kaasi yaa dooranaaya, talo aduunba waxa uu ka yaqaanay miisaaniyad ayaan
kordhiyee,waar ma waxa aad aragteen miisaaniyad sanad walba la leeyay waa la
kordhiyay oo shaqaalihii iyo ciidamadii ka bakhtiyayaan.
-kkkkkk,
waar taasiba aniga mid baa igaga daran, soo ma ogidin in inantii Samsam fajidii
uu sii xidhay ku qaraxday oo durbaba markay miisaaniyaddii is dabooli wayday ay
kharashaadkii oo dhan dhintay.
-Haaaaaa
waa run oo waxa la yidhi iyadoo bishii shanaad lagu jiro, haddana dakhligii
lagu xisaabtamaayay sadex meeloodoow meeli sooma xaroon.
-Waar
yaadhaheen wax walba miyaad iska
odhanaysaan, waar kaasi fajina siima xidhine; maxuu faji sii xidhaa ma isaagaba
islahaa waligaa waa lagu bedelayaa,
inanta qadar alla ayaa ku dhacay, oo dagaalka Yeman oo waxii berbera ka
soo degaayay oo dhan saameeyay iyo qaadkii oo abaaroobay oo ay yaraatay
cashuurtii aynu dekada iyo kastamka ka heli jirnay ayaa sababay.
-Waar
yaadhaheen ileen waa waxan beryahaba ay inantii ololaha u waday, wallaahay
miskiimada yar waxbaa qabsaday, ilaahoow astur.
-Haa
haddaad ogtiin maalin dhawayd waxii na kala qabsaday,gaadhigii hebel amigoo
wata waa kuwii boolisku i qabtay, markii aan buugii u dhibay ee ay arkeen
inaanu sawirku aniga ahayn ayay yidhaahdeen kala wareejintii bixi, waxaan ku
idhi maxaan kala wareejin bixiyaa gaadhiga anigu ma lihiye, miyay waxaaba kaa
dhegaysanayaan, lacaguunbaa ku qufulane, waar markaanu isku xiiqnay ayaan aakhirkii
iyagoo gaadhigiina iga dhigay oo aan shaqadii ka habsaamay uu ii yimi ninkii
lahaa oo aan la hadlay.Waar iga walla waan yaabanaa oo kolna waxaan lahaa
inantiina ma khasnad cusub oo dabadeedu barmuuda taalo ayay sidii wadaadkii
samaysatay, marna waxaan lahaa waar kaasi qolooyin dawladihiiba ka yaabeen oo
ooman ayuu waraabinayee inantu iyadu waxii dumarnimo ku seega mooyee waxba
kiishadaysan mayso, ilaahayoow inantaa ku astur xilka adage e ay dadkeeda u
hayso,iga walla waan u naxsanahay,oo waliba wax kale kama naxsaniye waxa ii
muuqda sida uu wadaadkii masaakiinta ciilay ee kolba hudhel ku xafladaynaayay
ugu wiirsan doono haday wax ka si noqdaan oo ay miisaaniyadu isu dabooli waydo.
-Dee
askartana iska cafi, ileen inantaasi aad sheegayso oo khasnadii ku faaruqantaa
soo xujaysaye.
-Waar
bal aamusa aynu warkaasi dhagaysanee,……, waar niyow meel walba oday cumaamad
sita ayaa waalaya, iga wala hadaan odayaashaa cumaamada wayn sita umada laga
qaban in meel fog laynaga dooni, bal waa kaasi wuu hadlayaa oo waxa uu leeyahay
maalin lagu dari maayee, maxaa ka galay soo hunguri aan xad lahayn maaha waxa
ka hadlinayaa?.
-Waar
wuu casaystaye iskadaa oo hadaad caqli hayso aynu nidhaahno,madaxwayne waadigii
bacahaba mamnuucaye cumaamadahan lagu suldaamoobaayo naga mamnuuc oo iyana yaan
dib loo soo dejin, ileen cumaamadii qurx badaniba suldaan bay noqonaysaaye.
-Waar
yaadhaheen miyaydaan ogayn in odayaal dhaqameedkuba yihiin kuwa ina kala wada,
waar hadaan iyagu jirin beri horeba soo sida xamar ismaynaan qabsaneen.
-Waar
yaahe, waaryaahe, waar wax walba ha noola iman, waar kuwan imika joogaa ma
kuwii ina kala bad baadshaa, waar kuwani waa inamo yar yar oo dhaxal tooyo ku
yimi, iga wala waxa layidhi inta ay doodo socoto oo dhan facebook.com
ayay ku jiraan, marka danbana inna xaajiga ayay eegataa, inna odayga Golaha
haysta.Iga wala xataa way yar yihiin inta buuxisay shuruudihii uu dastuurku u
dhigay.
-Waar
intaad waxaas oo dhan iska daysaan, waxaan idin waydiiyay waa idinkii lahaa
samaale dib buu usoo laba kacleeyee, ma idin la tahay kii kulmiye ahaa sidii
udub ayuu haadaan ku sii socdaa.
-Waa
runtiiye, horta hadii uu bur buro intaan doorahadaba la gaadhin, dastuurkeenu
muxuu ka qabaa, laba xisbi oo kaliyi ma tartami karaan.
-Kaw
waar waxaan joogin haynagu xiijininee waxaad ka waran taan qaadkan sii qaali
garoobaaya ee aan laba goynayn. Soo ma ogidin ileen laantuba qaadkay u
shaqaysataaye in marka uu sii qaali garoobaba uu musuq maasuquna sii badanaayo.
-Kaw
dee yamantiibaa jilmadatay baa la yidhi.
-Dee ninyaw ha laynga qabto oo xeryo ha loo
sameeyo, ileen sidani si maahee.
-kkkkkk,
maxaa xeryo loo sameeyaa, miyaanad ogayn in hay’adiihii iyo dawladu heshiis
kala saxeexdeen oo iska daa in xeryo lagu xareeyee la yidhi ka toban sano jogaa
waa muwaadin oo somalilander ayuu noqonayaa.
-Alla-alla
oo goormay Land-tii caqligaasi yeelaay, iga walla haday intaasiba garatay
caqlibaa u kordhay, waar malaha taasi may dhicin, iga walla haddaynu intaasi
garanay maanta ayuun baynu dawlad-nahay. dee annigu horaan u idhi illaa ummadda
kale laynagu dhex beero qabyaalada ka tagi mayno, waar haduun bay ahaatay.
-Oo
adeer xagee la dejinayaa, waa reerkee reerka ogolaanaaya in dhulkiisa la
dejiyo….
La
soco……..
Qalinkii: Gar. Jamaal Xuseen Axmed (Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com
Kala xidhiidh: www.cadaaladdoon.blogspot.com