Tuesday, February 21, 2017

Ururka Qareenada Somaliland ( Solla): Waxa uu si adag u canbaareynayaa xadhiga Saxafi Maxamed Baashe X. Xasan.Waxaanu dawlada ugu baaqayaa in ay Si deg deg ah xoriyadiisa ugu celiso.


Habeenimadii 20kii February 2017, booliska Somaliland waxa ay xidheen saxafi Maxamed Baashe X. Xasan oo ah saxafi iyo qoraa caan ah, islamarkaana hada ah agaasimaha telifiishanka madaxa banaan ee Star tv. Waxaana xadhiga Maxamed Baashe X. Xasan ka danbeeyay kadib markii uu habeenimadii 20/feberey/ 2017, ka qayb galay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo ka qabsoomay hotel maansoor, ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Baashe X.Xasan waxa uu madashii xuska ,isagoo ra’yigiisa cabiraaya ka sheegay in uu saluug san yahay kana soo horjeedo qaabka iyo hanaanka loo maamulay bixinta saldhiga ciidan ee imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera.

Dhinaca kale afhayeenka booliska,oo ka hadlay xadhiga  Maxamed Baashe X. Xasan , waxa uu shir jaraa’id, oo uu qabtay ku sheegay  in Maxamed Baashe ku kacay falal ah: kicin dadweyne iyo khal khal gelin amni, oo uu ka horyimi mashruuca madaar berbera, islamarkaana uu qaban qaabinaayay shir lagu kicinaayay dadweynaha.

Hadaba iyadoo qaranka Jamhuuriyada Somaliland yahay qaran dimuqraadiya oo shacbigiisu naf iyo maalba u soo horey sidii ay mar uun ugu naaloon lahaayeen qaran dimuqraadiya oo sharcigu sareeyo, islamarkaana Qod:32aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland si cad u qeexay; in muwaadin kastaa uu xor u yahay in uu rayigiisa cabiro, kuna bandhigo qoraal, hadal, muuqal iyo suugaan; iyo in uu xor u yahay in uu abaabulo, kana qayb qaato kulan ama banaan-bax  nabadeed oo uu dareenkiisa ku cabiraayo;Waxa Ururka Qareenada Somaliland (Solla) sida ugu  adag u canbaareynayaa xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay saxafi  Maxamed Baashi X. Xasan, oo ah shakhsi qiimo badan ku leh bulshada Somaliland, oo ka mid ahaa foolaadkii keenadiidka ahaa ee wakhtigooda u huray halgankii  dib u xoreynta qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale waxa Ururka Qareenada Somaliland walaac xoogan ka muujinayaa qodobada qayru dastuuriga ah, ee ka hor imanaaya xoriyaadka aasaasiga ah ee uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta , sida Qod: 321 X.C.G, oo ah mid ka mid ah qodobadii uu nidaamkii kali taliska ahaa ku cabudhin jiray shacbiga cidii ra’yigeeda iyo rabitaankeeda cabirta. Walina  lagu dhaqmo oo ah qodobka ugu badan ee lagu soo eedeeyo muwaadiniinta cabiraada ra’yigooda loo soo xidho.

Ugu danbeyn Ururka Qareenada Somaliland, waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa ugu soo celiyso Saxafi Maxamed Baashe X.Xasan , oo ay dhawrto ku dhaqanka Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Jamaal Hussien Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.

Mobile: 0634122290.

Monday, September 19, 2016

Farriin ku socota ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha dalka

Hir cusub oo nololeed ayaa bilaabmay. Farxad, rejo iyo riyaaq ayaa kugu kulmay, sahanka mustaqbalkuna geeddi hor leh ayaa uu hilaadiyay. Waa ku kan, oo saaka xafladdii qalinjebintaada ayaa loo fadhiyaa.  Laba illaa saddexdii  cisho ee ka horreeyay  waxa aad ku  jirtay isu diyaarinta ka qaybgalka xafladdaas sida weyn loo agaasimay. Waxa aad soo  xidhatay  khamiis madow oo  diillimo  leh, madaxana waxa kuu saaran koofiyad afar  gees leh oo ubaxyo ku tolan yihiin. Lebbiska maanta aad ku joogtaa waa astaan  lagu  tilmaansadain aad wax barasho jaamacadeed dhammaysay. Waxa aad diyaar u tahay in aad madaxweynaha  ka guddoonto shahaado ka marag-kacaysa in aad aqoonyahan tahay. Si kale Kuma garatide, maanta waa lagu caleemasaaray; run ahaantii waa lagu caleemasaaray oo bulshadaadii, ehelkaagii iyo dalkaagii ayaa ku caleemasaaray.

Waxa ku weheliya oo xafladdaa iyo raynrayntaa  kaala qaybqaadanaya waalidkaa oo  muddo  ku soo  garab taagnaa, lagana yaabo in uu danyarow ahaa, amma saaxiibkaa amma ehelkaaga kale ee kuu dhow. Dhammaan waxa ay diyaar u yihiin in adareenka farxadeed kula wadaagaan, sawirro xasuusta geli doonana kaa reebaan  kolka madaxweynuhu ku salaamo, amma shahaadada laguu dhiibo.

Xasuusta maalintaasi kaama guuri doonto, in door ahna  madaxaaaga ayaa ay  guuxi  doontaa. Haddii Eebbe kugu simo, in badan oo noloshaada dambe ka mid ah waxa aad daawan doontaa sawirrada aad goobtaa iskaga qaadday, aaladihii kuu suurtogeliyay iyo isgaadhsiintii kaa caawisay in ay bulsho badani xasuustaa kula aragtaana waa aad u mahadnaqi. Xasuustu waa duug hadhi doona e, in xafladdii  dhammaatay, iyo in aad lebiskii qalinjebinta  ciddii lahayd ee aad ka soo ergisatay u celiso ku abshir.

Hadda waa aad soo laabatay. Qiiradii iyo dareenkii farxadeed ee qalinjebintu waa uu sii yaraanayaa, waxaana beddelaya dareen kale oo saadaashiisu hummaagyo kala duwan leedahay. Wayddiimaha maankaagu soo celinayo waxa ugu weyn, waxa xigi doona caleemasaarkii lagugu boqray. Isla caawaba, goobaha lagu caweeyo ayaa aad ka sheekaynaysaa. Waa adigan asxaabtaadii yo ehelkaagii la wadaagaya xafladdii  maanta iyo dhacdooyinkii  ku xeernaa. Waa adigan ogsoon aroorta in aanad u kallahayn waxbarashadii jaamacadda. Inkasta oo aad hurdo isu  diyaarisay, haddana caawa jewigu ma aawana oo hurdadu ma aha mid sidii hore kuugu soo degaysa. Waxa jira wayddiimo  cusub; kuwaas oo gadaal ay ka soo riixayaan hammi iyo fekerro cusub oo carcartooda wataa. Habeenku si uu kaaga tegayba, waa san ayaa kuu beryay, wax kastaaba se sidii hore waa ay ka geddisan yihiin.  Saaka, waxa aad dareemaysaa xaqiiqo kale. Oo maxay tahay? Jaamcaddii afarta sano aad u kallahaysay waa aad dhammaysay. Ogoow oo afartaa sano baahidaada cid kale ayaa masuul kaaga ahayd, maanta se cutubkaasi waa uu xidhmay!

Waxa aad foodda saartay jid kale oo ka sii  dheer  kii  aad shalay  soo martay, oo   maanta  ugu yaraan waxa aad – masuul ka noqonaysaa – baahiyaha naftaada, iyada oo masuuliyado kale oo dheeraad ahina meertadaada ku soo biirayaan.
Abaal badan ayaa lagugu  leeyahay,  sidii aad u celin  lahaydna waa hawl ku sugaysa. Abaalkaas intiisa badan waxa kugu leh waalidkaa iyo ciddii kale ee noloshaada ka soo qayb qaadatay. Marka xiga, dalkaaga iyo  dadka aad ka dhalatay ee aad wax u soo  baratay,  ee shalay  ku  caleemasaaray, ayaa ay  tahay in aad abaal u celiso, oo waajibka kaa saaran aad ka soo  baxdo. Qabyada kuu taallaa waa mid badan. Waajibaadyo ay tahay in aad xambaarto ayaa ku sugaya, adiga ayaa ay ku sugayaan. Hoggaankii berrito waa adiga. Adeegihii  berrito waa adiga. Macallinkii  berritoole waa adiga, oo wax kasta oo  jiraa berri waa adiga, maxaa yeelay  maalmaha soo socda adiga ayaa ah hoggaanka mustaqbalka iyo  hormoodka ummadda.

Hilinkaas iyo hawaalihiisa haddii aynnu isla garannay, bal aan isku dayo in aan wax yar kaaga iftiimiyo timaaddada kugu soo foolka leh iyo sida xaalku noqon karo. Waxa aad u  dhalatay  oo ka dhalatay  ummad wax weyni ka maqan  yihiin. Waa ummad laga nasiib badan yahay, jirtadeeda iyo taladeedana gacmo kale ku jiraan.  Waa ummad khayraadkeeda lala leeyahay, oo sharafkeedu  liidato. Ummad  aan meeqaam iyo macno weyn ka lahayn fagaaraha adduunka, ummad kala qaybsan oo qabyaaladi dishootay. Ummad qaadka iyo qabiilku  yihiiin labada shay ee soo deddejin doona dabargo’eeda. Ummad loo foolxumeeyay  dalkooda, oo la nacsiiyay. Ummad gudaheeda lagu qadiyay,  marka ay  dalkeeda ka baxdana  cad quudheed la siiyo. Ummad aan laga caawin oo aan laga taageerin kaabayaasha lafdhabarta u ah nolosha. Ummada aad ka dhalatay waa ummadda astaamaheedu sidaa u foosha xun yihiin, ee iyaduna  qaayibtay xumaanta, xumaan wixii u darnaana iyadu dhexdeeda isu geysatay. 

Sida aad ogtahay, ummaddaada kuwa xilka loogu dhiibaa 90% bilaha u horreeya ayay boobka hantideeda yar filooyin iyo dabaqyo dhaadheer kaga dhistaan. Ummadda aad ka dhalatay waa ta aan marnaba la xisaabtamin cidda masuuliyadda u qaadda, waa mid aad aqoon xaqa ay ku leedahay kan xilkeeda qaadey iyo waajibka iyada lagu leeyahay midnaba.

Ummaddaadu waa ta  neceb shaqada adag iyo wax soosaarka, ee qof kasta oo ka mid ahi fekerayo  sidii uu  hawl fudud oo waqti yar  uga heli lahaa macaash buuran, oo isaga iyo qoyskiisuba ka dhergaan. Alla hawsha kuu taalla iyo  golaha aad hab ku soo  tidhi  wiilyahow/gabdh yahay, dhib  badanaa!
bidhaantaa iyo aayatiinkaa werwerka leh aan kaa yara qariyo e bal dhan kale nasiib-wanaaggaaga soo eeg: waxa aad ku dhalatay  oo aad leedahay  dalka adduunka ugu  hodan san uguna barwaaqada badan.

  • Waxa aad leedahay  dhul Ilaahay ku mannaystay khayraadka  xoolaha  nool
  • Waxa aad leedahay xeebo dhaadheer oo  kalluun iyo khayraad kale  ka  buuxo.
  • Waxa aad leedahay  waddan dhul beereedkiisu 95% ka badan yahay, (waddan illaa xeebihiisa laga beeri  karo timir  cuntooyin kale).
  • Waxa aad leedahay dal Ilaahy  ku mannaysatay  macdano kala duwan oo qaali ah, oo  weliba dusha sare daadsan oo aan u baahnayn qodaal iyo godad hoose oo shaqo badan u baahana amma [kugu dumi kara].
  • Waxa aad leedahay dal uu ceegaago  shidaal.
  • Waxa aad leedahay dal ku  yaalla meelaha adduunka ugu habboon ee xagga meel-fadhiga (strategy).  
  • Waxa aad leedahay dal cimiladiisu  ay tahay tan ugu wanaagsan adduunka, sababta oo ah  dhulkaagu malaha baraf  iyo kulayl, kamana dhacaan duufaanno iyo dhulgariirro (Alle ha innaga hayee).
  • Waxa aad leedahay  dhul ay  ku  nool yihiin dad isku  midab ah, isku  diin ah, isku af ah, oo isku  mad’hab iyo isku dariiqo ah.
  • Waxa aad leedahay  dhul leh taariikh aad fog; (ogoow Masaaridii  hore iyo  Giriiggii hore waxa ay u soo  hiloobi jireen dhukeenna,  oo ay ka qaadan jireen  udugga iyo waxyaabaha la mid ah).

Marka aad isu  eegto dadkaaga iyo dhulkaaga, waxaa kuu soo  baxaya farqi aad u weyn, waana halka aad ka fahmi karto hawsha kuu taalla baaxaddeeda iyo  gunteedu inta ay le’eg tahay.
Intan kale ee kooban,   haddii  aad ila fahamtay, waxa aan rabaa in aan ku  siiyo  talo wixii aan kuu geysan karo.
Ardayahow wax bartay, wiil iyo gabadh ka aad tahayba, gobol kasta iyo geyi kasta oo Soomaliyeed, oo aad joogtidba talooyinkan iga guddoon:
Horta wax yar  aan ku  xasuusiyo e; maalintii ku xigtay  qalinjebintaada, waxa aad ka fekeraysay waxa aad qaban doonto iyo meesha aad shaqo ka heli doonto. Madaxaaga waxa ku soo dhacayay magacyo iyo hebello aad is lahayd wax ay kuu fududayn karaan in aad shirkad ganacsi ammaba xafiis dawladeed shaqo ka bilowdo.
Niyadjabka kaaga imanaya shaqo-la’aanta ka jirta dalka, qorshe la’aanta  masuuliyiinta  talada haysa ee meella aan u  diyaarin kumannaanka arday  ee sida isdabajoogga ah uga soo baxaya xarumaha waxbarashada ayaa ka mid ah caqabadaha runta ah ee aad wajahayso. Isla caqabadahani waa kuwii kellifay in saaxiibbo badan oo aad garanaysaa dalka ka suudalaan, dabadeedna badaha shisheeye yaxaasku kaga haagay, amma intii ka badbaadday silica ugu nool yihiin dhulal shisheeye.
“Ninkii haayiray ee ka tagay hodanka  ciiddiisa;
Haydalashka uu maganta u noqdey buu abid ka hoosayn!”
-      Macallin Dhoodaan, AHUN.

Haddaba, aqoonyahanka soo baxayoow, waxa aad maanta  taagan tahay halkii ay kula baydheen dariiqii  adkaa ee guusha ku dhammanayay, iyo dariiqii  fududaa ee guuldarrada, dawarsiga iyo  foolxumadda ku dhammaanay. Si haddaba aad u  marto dariiqa guusha waxa lagaa rabaa:

  • Ugu  horrayn naftaada aqoonsi iyo kalsooni buuxda sii.
  • Garawso oo aammin in naftaadu muqaddas tahay.
  • Aammin oo ku niyadsamow in aad tahay qof Alle karaameeyay awoodna u leh in uu nolosha wax ka beddelo.
  •  Garowso hibada iyo awoodaha Alle kugu galladay, han sarreeyana yeelo.
  • Go’aanso oo guddoonso in aad ciiddaada jeclaato, kuna feker in aad hoggaamin iyo hal-adayg yeelato.
  •  Xaqiiqso in sharafta ugu weyn ee aad dunida ka heli karto meesha aanad marti uga noqon karin tahay ciiddaada.
  • Rumayso in ayaantaadii ay maanta tahay, bulshadaaduna baahi kuu qabto.
  • Ku talogal in sidii aad uga xoroobi lahayd labada cudur ee bulshadaada qayrkeed ka reebay haddii aan Eebbe ka cayminna ay dabargo’i doonto (qaad iyo qabyaalad).
  • CV qurux badan  in aad diyaariso, oo aad ku xerayso  laba ama saddex shirkadood oo horeba ay  u buux dhaafiyeen kumannaan CV  kaa soo horeeyay ha ku dagmin hana ku qancin.
  • In aad noqoto maalqabeen adduun badan haystaa yaanay yoolka aad wax u baratay marnaba noqonnin.
  • Adiga iyo [intii kula qalinjebisay] oo isu tegay ayaa abuuri kara shaqo aad ku  noolaataan; ogaadana in aydaan gaajo ugu  dhiman doonin dalkaa qaniga ah ee Rabbi idinku uumay.


Ugu dambayntii, iskuduubnidiinna ayaa ay ku suurtagalaysaa in aad wax weyni iska beddelaan qaabka uu yahay xaalka dalkiinnu. Awooddii wax ka qaban lahayd jihooyinka siyaasadda, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulsho waa idinka oo aamminsan in rejadu idinku jirto. Intiinnii maanta ka qalinjebisay jaamacadda magaalada aad joogto, tirada ay doonaan ha ahaadeene, isku-xidhnaatiinnu waa bilowga iyo tallaabada ugu yar ee isbeddelka noloshiinna iyo ummaddiinna. Tallaabo kastaaba hilinmar ayay bilow u tahaye, haddii aad samaysaan ururka ardayda jaamacadda ee gobolkaaga, amma magaaladaa aad joogto, qorigaa iftiimaya haddii aad isu dhiibtaan – waxa aad iftiin weyn gaadhsiin kartaan dhammaan gobollada dalkiinna.
Dardaarankaaga iyo kayguna ha ahaadaan; in laga fayoobaado labadii cudur ee dilaaga ahaa: qaadkii iyo qabyaaladdii!

Haybad waxaad ku leedahay  dhulkaaga hooyo;
waana lama huraaan ee hagar  li’i  wax ugu qabo.

W/Q:
Mustafe Cali Ducaale
Email: maducaale@hotmail.com

Monday, August 29, 2016

Ujeedo:Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu canbaareynayaa xadhiga Siciid Maxamuud Gahery, waxaanu dawlada ugu baaqayaa in ay xoriyadiisa u celiso.


 


Waxa 20/ August/2016 magaalada Hargeysa  booliksu ku xidheen Abwaan Siciid Maxamuud Gehayr oo ah nin dhalinyaro ah, oo abwaan iyo qoraa  ah. Waaxaanu xadhigiisu daba socday, kadib markii barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga loo yaqaano, si is daba joog ah loogu baahiyay qoraalo ku soo baxay magaciisa, oo ka hadlaaya arimo khuseeya gegada diyaaradaha ee hargeysa (Cigaal Interntaional Airprt) iyo dhulka ku xeeran gegada diyaaradaha, ee xaydaabka xadaynta madaarku galay. kuwaasi oo ciwaan looga dhigay “ Dhibta iyo Dheefta Madaarka Cigaal”.

Dhinaca kale, waxa af-hayeen  booliska u hadlay,oo  ka hadlay xadhiga Siciid Maxamuud Gehayr, uu warbaahinta ka sheegay;In Siciid boolisku  xidheen oo loo haysto, wax uu ugu yeedhay “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya Qaranka Somaliland”, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin “fariimo hanjabaada” oo uu yidhi waxa uu u gudbiyay baraha bulshadu ku xidhiidho.

Hadaba sida ku cad Qod: 9 (1) ee Dastuurka Jamhuuriyada Somalind. Iyadoo Somaliland tahay dal dimuqraadiya, oo uu muwaadin kastaa, sida ku cad Qod: 32 (1) ee dastuurka Somaliland uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo, oo uu ku soo bandhigo; qoraal,hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan; Waxa Ururuka Qareenada Somaliland walaac iyo war wer xoog leh ka qabaa,islamarkaana uu canbaaraynayaa  xadhiga lagula kacay Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr.

Waxa xadhiga noocan oo kale ah, ee ah in qof ra’yigiisa oo uu cabiray loo xidho uu wax yeelo weyn iyo dibin daabyo ku noqon karo xaqii muwaadintiinta ee cabiraada iyo ra’yi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.

Sidaasi darteed; Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu dawlada ugu baaqayaa in ay Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr, sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa ugu celiso.Ilaalisana xuquuqda muwaadiniinteeda.

Alla Mahad Leh.

Jamaal Huseen Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.

Saturday, August 6, 2016

Waa Wareey : Heshiiskii Dekeda Mise Feygarrkii Madaxtooyada!!!!!.


“Laaca aragtee,
Laaga Ma Ogtiin”.

Yuusuf Ismaaciil Cali, oo ahaa gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare,oo  runtiina ah foolaadka garyaqaanada xeerarka dalka ugu xeesha dheer, ayaa waxa lay sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, markii uu looyarka ahaa, isagoo dacwad ku jira, ay qareenkii   kale, ee ay dacwada  iskaga soo horjeedeen ay qodob sharci isku qabteen, oo midba si ugu dooday, mid kastaana sheegay si ka duwan sida uu ka kale sheegaayo,halkiina dood adagi ka bilaabantay. Dabadeedna uu qareenkii kale oo sitay xeerkii oo  afsoomali ku qoran uu la soo booday,kana soo saaray qodobkii laysku hayay oo sidii uu isagu doonaayay u qoran; iyadoo asal ahaana xeerarkii somaliya laga dhaxley intooda badan yihiin nuquladooda asalka ahi,  talyaani ama carabi yahay.

Balse yuusuf ismaaciil oo isagu looyarkaasi kale ka xeel dheeraa,kana waayo aragsanaa, ayaa isagoon isdhibin  waxa uu halkii ka yidhi kalmad hal ku dheg noqotay oo garsoorka dhexdiisa marka wax laysku yara qabto laysu soo qaato, waxaanu yidhi“ Adeero iga du’ buugan inanka reer xamarka ahi qoray, ee anigu xeerku sida uu sheegaayo ayaan sheegayaa”. Runtiina sida laysheegay markii  qodobkii dib loogu noqday, ee la baadhay, waxa uu noqday sidii uu yuusuf ismaaciil ku doodaayay.

Imika, mar dhaweyd waxa lay soo diray dhawr waraaqood oo afsoomali ku qoran oo la yidhi waa heshiiskii dekeda ee Goleha Baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo aan saxeex iyo shaanbad midna lahayn, markii aan weydiiyay? oo ma Somali ayaa heshiiska lagu galayna, waxa la yidhi “ mayee, madaxtooyada ayaa si barlamaanku u fahmo u fududaysay oo  soo tarjuntay”.

Waa wareey; oo  baarlamaankii dhamaa, ee aynu dooranay ma wada juhalo aan afkale iyo aqoon kale midna lahaynbaa.Ta kale miyaanay la taliyeyaal sharci iyo khubaro kale oo caawisa midna lahayn;  se marka uu xaal sidaa yahay, waa halkii yuusuf ismaaciile , waxa la horgeeyay goleha sharciyan maxaa lagu macneyn karaa ?“ Ma faygarkii Madaxtooyadaa Mise waa Heshiiskii Dekada”.

Bal adba : Maxaa kuwa la horgeeyay ku rumaysteen in uu heshiiskii dekeda yahay iyo in uu yahay qoraal “Qudhac Raamaale” hoostiisa lagu qoray; maxayse qolada sida taa iyagu ku cadaynayaan, ileen waa tan oo waa afar war qadood oo aan saxeex iyo shaanbad midna lahayne, tixraacna hadalkiisaba daa.Ileen dhukumentiga waxa lagu cadeeyaa waa saxeexa; shaanbada iyo tixraacee.

Waa wasiirkee, wasiirka qoraal caadiya qora, ee ay wasaaradiisu dirto isagoon saxeexiisa ama saxeexa kale ee hawl wadeenada wasaarada iyo shaanbada lahayn. Waa waxaan waligeed la arag iyo af kala qaad.

Waa meel ka dhac weyn oo caqligeena iyo aqoon teena lagu caayaayo. Waa waxaan hore loo maqal, oo aan loo arag, balse hore ayaa looga hayay dhalin ileeye “ Kobtaa Hadaan Laga Guurin, In Goroyo Heeryaysani ka soo dhici”.

Ma maanta ayaa  iyadoo dalkeena tobanaan jaamicadood ka jiraan,oo aqoon yahankeeni tiro belay, tan laynagula soo hagaagay. Runtii waa caqligeeni iyo aqoonteeni oo kor iyo hoosba loo caayay. Waxaana wax laga yaq yaqsoodo ah in golihii dhamaa ee aynu dooranay, ee u taagnaa la xisaabtanka xukuumadu uu waxa caynkaasiya ka doodo, oo uu u qaybsamo qaar taageersan iyo qaar diidan. Waliba wasiiradii horteeda ka akhriyaan in uu fursad weyn inoo yahay.

 Yaab ma waxa fursad wayn inoo ah, in aynu qaadano, wax aynaan ogayn waxa uu xanbaarsan yahay iyo waxa uu yahay toona. Ma waxa fursada ah afka macaan ee laynagu haasaawinaayo,mise heshiiska guntiga lagu qarsanaayo, ee aanu jirin cid wax ka ogi. Yaa inooga damaanada hadii siday sheegayaan uu hadhaw xaal noqon waayo.

 Halkee ayay dunida ka dhacdaa, waase nidaamkee tan oo kale. Ma waxaynu qornaa aniga ayaa kuu sheegaaya oo waa inoo dane i rumayso. Yaab oo hadii dawladnimaduba tahay in lays rumaysto, oo ninkii madaxaba waxii afkiisa ka soo yeedha aan waxba layska waydiinayn, maxaa dawlada looga dhigay intan oo hay’adood ee is dheeli tira. Maxaa baarlamaanka laga sameeyay; maxaa xeer ilaalinta laga sameeyay; maxaa hanti dhawrka laga sameeyay, ee cid qudha maamulka dalka gacanta loogu gelin waayay.
Bal ka soo qaad inagoo rumaysanay balan qaadyada subagu da’aayo ee ay inoo sheegayaan, yaa inooga damaanada haday hadhaw wax ka xumaadaan, ma iyagoo geelooda la jooga ayaynu hadhaw qab qabsanaynaa.

Saaxiibayaal caqli maaha anaga na rumaysta, ee aynu xaqiiqada u gondo degno, oo hadii sida aad sheegaysaan wax u jiraan oo wax kastaaba hagaag san yihiin,waa maxay hilaabtan iyo guntigan xumi. Maxaad wax ka qarsanaysaan, ee hadalka macaan iyo maaweelada idinku kalifay, dee arinkaba dhayda ka cadeeya, oo waayeel hortiisa ayaa caano loogu badh xaaye, xaalkaba isagoo tafatiran banka keena.

Ugu danbeyn waxaan Goleha baarlamaanka ugu baaqayaa ,hadii aanay jirin jahliga ay xukuumadu idiin maldahayso;  in ay xusuustaan dhaartii iyo xilkii ay umada u qaadeen, oo arintani arimihii hore oo dhan waa ay ka duwan tahay, waanay ka saamayn balaadhan tahaye, waana mustaqbalkii wadankee; in ay ka fiirsadaan, oo talada rog rogaan, lana tashadaan sharciyaqaanada dalka. Hadii kale, walee sidii ka dhacday, heshiiskii turkiga ee lagu duudsiyay xuquuqdeeni dhamayd ee aynu 25 sano ku doodaynay iyo xasuuqii baahsanaa ee laynoo gaystay, ee  la qaatay kalmad aan macno badan lahayn,sharciyana aanay jirin cid lagula xisaabtami karaa, in kana qudhun looga dhici, dalkuna in badan qoomamayn, oo farta dhexda laga qaniini.


Fiiro Gaar ah: Marka uu heshiiska rasmiga ah ina soo gaadho ayaynu qaab sharci uga faaloon doonaa, oo aynu heshiiska iyo sharciyadeena isu eegi doonaa, halkaasna ku bayaamin doonaa dhib iyo dheef ka uu inoo leeyahay iyo sida ay isaga iyo shuruucdeenu isu la jaanqaadi karaan.Balse kan maaha wax qiimo sharci oo la eegaba leh. waana kan aan halkan idiinku soo lifaaqay, ee bal ila eega.



Allaa Mahad Leh


Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com

Wednesday, June 15, 2016

MASHRUUCII QOOLCADAY OO WASIIR XUMADA CUKUSE GALAAFAN DOONTO HADDII AAN LAGA BADBAADIN.

Is-afgaranwaaaga beryahanba ka dhextaagnaa bulshada  deegaanka Qolcaday iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha wuxuu salka ku hayey sifaha loo fulinayo mashruuca. Waxaannu muranku sii xoogeystay, markii  bulshada deegaanku ay diidey  seereynta dhul daaqsimeedka banka. 

Waxaa nassiib darro weyn ahayd in marnaba Wasiirka Xooluhu  wadahadal iyo wadatashi toona u furin bulshada deegaanka, balse uu isticmaalay hadidaad, cagajugleyn iyo xabsi u taxaabis joogta ah oo uu kula kacay bulshada. Hase ahaatee, ficiladaas qaloocan ee Wasiirku marnaba waxba kama ay bedilin mowqifkii bulshada deeganka. Kadib shaqaaqadii  hubeysneyd ee dhalisay dhaawaca 24kii May 20016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee shir wadatashi la qabto. Waxaana la Isla- afgartay in  la laalo qaybtii seeraha loogu talo-galay mashruuca, qodista ceelal biyoodkana la bilaabo. Ujeedada ugu weyni ee mashruuca loo hoosgeeyey Wasaaradda  Xannaanada Xoolaha wuxuu ahaa yagleelida seeraha. Ka tirtirida mashruuca ee qodobkan ah in la sameeyo seeraha wuxuu  meesha  ka saaray Wasaaradii uu mashruucu hore uu hoos iman jiray.


Waxa markaas loo baahday dib-u-habeyn mashruuca lagu sameeyo oo ku saleysan baahiyaha kale ee waa- weyn ee uu deegaanku leeyahay. Taas oo ay ujeedadiisu tahay jiheynta  mashruuca si loo fuliyo inta ka horeysa sanadkan dhamaadkiisii .Taasoo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee mashaariicda loo maamulo, gaar ahaan, marka uu mashruucu fuli waayo mudadii loo qoondeeyey, ujeedadii laga lahaana hirgeli weydo. Dibudacaasu markuu yimaado waxa, inta badan loo aaneeyaa, fadhiidnimo fulin la'aaneed  oo ka timaada Wasaaradda u xilsaaran mashruuca.

Waxaa  deeqbixiyeyaasha mashruuca iyo xukuumaddu Isla qaateen, kadib shirkii laba geesoodka ahaa ee lagu qabtay  Hotel  Ambassador ee Hargeysa  7 dii Juun, 20016,in
mashruuca laga soo wareejiyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, miisaaniyadii mashruucana lagu isticmaalo laba mashruuc oo kale oo uu deegaanku baahi weyn u qabay oo kala ah: 1) BIYAHA iyo  2) MASHRUUCA DHISMAHA WADDADA  CAD.

Waxaase, nasiib darro noqotay Wasiirkii xukuumadda ugu jiray  deegaanka, ee magaca badbaadinta mashruuca qaadan lahaa, bulshadana horkici lahaa oo aan tudhaale muujin,balse diidmo qayaxan kala horyimid dib-u- habeynta mashruuca . Wuxuu geed sare iyo mid hoosaba u fuulay inuu fashaliyo ujeedada cusub ee mashruuca, isagoo sii wada dagaalkiisii dhagareysnaa ee uu ka bilaabay banka qoolcaday bishii  May 2016. Wuxuu, si khaldan, uga uriyey isbedelka dhacay ashkhaash degaanka ka tirsan uu ku andacoonayo inay is-hayaan. Wuxuu halmaamay in shirkaas laba geesoodka ahaa ee go'aanka soo saaray lagu casuumay, balse iskiis iskaga maqnaaday, markii uu ogaado in shirka la mudeeyey gelin dambe !!!!!!!' Wuxuu caayey, Madaxweynahana ka ashkateeyey dhowrkii wasiir ee shirka laba- geesoodka ah ka qayb galay oo ay ku jiraan Mudane  Cali Shombe,Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo ku-xigeenkiisa Mudane Kaysar......., isagoo ku dacweeyey inay u adeegeen Xisbiga WADDANI.  Waa  yaab. !!!!! . Wuxuu hadalkaas ka yidhi gudaha iyo barxada Madaxtooyadaba. Iyaba waa nasiib darada iyo musiibooyinka dalka ku habsaday'e, ma jiro qof ka sareeya oo amusiin kara, anshax marinna saari kara wasiirkii Wasiiro kale ku xadgudba, sidii hore loo arki jiray.

Waxa hadda nagu maqaala ah inuu  soo  maleegayo maalinta AXADA ah ee bisha Juun tahay 19ka, 2016, wuxuu ku tilmaamay shir deegan oo lagu qaban doono HOTEEL AMBASADOR  isagoo  is-leh ku daadifee go'aankii shirkii laba geesoodka ahaa. Ujeedadiisa ugu weyni se waxay tahay inuu mar labaad iska horkeenu bulshada deegaanka, isagoo carqaladeynaya fulinta loo qoondeeyey labada mashruuc ee biyaha iyo  Wadada lixda bilood ee sanadkan ka dhiman.


Wuxuu Wasiirka Xannaanada Xooluhu dagaal cadaawe oo qaawan kula jiraa dadkii uu magacooda ku fadhiyey. Iyagaa se iska qaban kara oo iska caabin kara gardaradiisan badheedka ah. Waxaa la garan la'yahay waxay Madaxtooyadu  ugu eegeyso bulshada wasiirkan magac xumo mooyaane aan weligii wanaag usoo jiidin xukuumadda.. Waxaannu leenahay,haddii Madaxtooyadu xilkeedii xaqsoor bulsheed kasoo bixi weydo, KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.

          Allaa Mahad Leh.


Sakaria A. Sulub

Senior Journalist and Chief Editor of Hererstar.com 

Sunday, April 17, 2016

Masiibo Qaran:Oohin Iyo Murugo.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo, godkana ha u nuuro dhamaantood isaaga wayn oo waaxidee. Maanta waa uu yar yahay magaalada hargeysa guri aan laga ooyayni, baroorta ayaa is qabtay.oo ilmada iyo murugada ayaa seked sekad iskugu xigta. waxa dhacayna runtii waa masiibo qaran. Waxa hal meel Mar qudha ku wada go'ay bada u dhaxaysa masar iyo talyaaniga ubaxii wadankani lahaa. waxa dhintay tiro 400 kor u dhaafay oo ilaa 640 qof oo ah ubaxii wadankani lahaa.


Runtii aniga naxdin gooniya iyo murugo ayay igu tahay,waayo? mid aan laysoo sheegin oo aanan isaga garanayn ama aanan waalidkii ama walaalihii garaynini wuu yar yahay. Waxaan dhamaantood ilaahay marlabaad uga baryayaa in uu u naxariistii jano ka waraabiyo, oo uu geeyo nolol uga khayr badan tan ay ka tageen, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena uu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Dunida madaxda garaadka iyo caqliga lihi ka taliso,marka uu hal qof oo shacab ah masiibo haleesho; madaxdoodu waa ay la baroortaan,oo waa ay la jiidh damqadaan, waliba marka la badho, hadii sababta ay masiibadaasi  ka dhalatay ay ka muuqato dayacaadi,cida shaqadaasi gaar u lahayd waa ay is casishaa.Tan oo kalena hadalkeedaba daa’.Baroor diiq qaran ayaa lagu dhawaaqaa, oo maalmo dhan ayaa madax iyo shacaba oohinta iyo baroor diiqdu is qabsataa, oo xataa hawlaha qaranka la fasaxaa.Haseyeeshee inaga masiibada ugu wayn ee taagani waxa ay tahay madaxdii dalkan loo doortay iyo kuwa siyaasi isku sheega ah, ee shacabkan dulman ka hordoobya ee hortaagan;midna ma oga waxa dhacay ee noloshoodi hore ee caadiga ahayd ayay iskaga jiraan.

Waa ayaan daro innagu habsatay. oo madaxdii aynu dooranay, ayaan shacabkii doortay wax qiimo ah qadarina ugu fadhiyin; oo  dan iyo muraad toona kama laha hadii milyan dhinto iyo haduu  wada go'o toona. Kaliya cida ay yaqaanaana  waa ka magaca leh, ee ay wax wada cunaan iyo ka ay ka qaadaan ee maal qabeenka ah oo qudha.


Waad aragtaan oo maanta iyadoo masiibadaasi iyo mashaqadaasi  baahsani dhacday, oo inta badan guryaheena oohintu dheega isku hayso,ilaa hada madaxtooyadeeni way aamusan tahay, oo wax kale iskadaaye,xataa hal eray oo tacsi ahi  kama soo bixin,waayo, ubaxaasi go’ay, ee qaranka iyo eheladoodiiba ku goblameen; iyo hooyooyinkaasi diilalyadu hayso ee agtooda ka barooranaaya, midna qiimo uguma fadhiyo,oo wax danana kama laha. Halka marka uu oday taajira ama mid kale oo  iyaga ka ag dhaw, oo magaciisa la yaqaanaa uu dhinto, ay baraha bulshada iyo warbaahita buux dhaafiso, ee ay isku darjiidho; tacsi uu madaxweynuhu diray iyo mid ay golihiisa wasiiradu direen.

Guntii iyo gebo gebadii waxaan shacbiga Somaliland, marlabaad iyo mar sadexaaad ka tacsiyadaynayaa masiibadaasi dhacday; intii dhimitayna waxaan ilaahay uga baryayaa, isaga ayaa qaniya oo qaadira, oo naxariistiisa aan la koobi karine; in uu godka u nuuro oo  ka waraabiyo janatu firdawsa.

Dhinaca kale waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, oo aan leeyahay waad aragtaan sida uu xaal yahay,waana garasho xumo iyo liitinimo, in aynu maalin walba cabano oo ayn calaacalno,waxaa dhacaayana aynaan waxba ku qaadan, ee aynu dib iskugu noqono; oo inta aynu caqliga ka shaqaysiino, aynu maalinta doorashada ka fiirsano cida aynu dooranayno ee aynu hogaanka ka dhiganayno; ee aynu taladeena u dhiibanayno.

Aynu doorano mid inala damqada, oo marka ay dhibi ina haleesho inoo jiidh naxa. Aynu doorano mid farxadiisu, farxadeena tahay; muragadiisuna, muragadeena tahay. Maalin walba og keena aan qadayn iyo keena qadeeyay. Keena gaajada ku seexday iyo keena wax caluun tay.Keena xanuusan iyo keena caafimaadka qaba.

Aynu doorano mid inaga war haya,oo subax walba marka uu waagu beryo, waraysta waxa  uu waa inoogu beryay.Marka gabal dhacana,waraysta waxa gabal inoogu dhacay iyo waxa aynu la hoyanay.Si ay taasi u suurta gashana, marka taladu gacanteena ku jirto ee doorashadu joogto, murashaxiinta  kala duwan ee ina horyimaada, ee doorashada u soo istaaga, aynu ku  kala saarno; diintooda, akhlaaqdooda,aqoontooda,kartidooda, oo inta aynu qudhunka iyo qabyaalada iskaga tagno, aynu doorano ka aynu is nidhaa, kan ayaa innaga iyo ubadkeenaba u dana, oo qaranka daryeelaaya. Hadii aanay intuba ina anfacayna aynu talo qaran ka yeelano, oo shuruudo adag aynu u dhigno cida isa soo sharixi karta.

Waliba dhalinyaroow,waxaan idin leeyahay, aynu baraarugno, oo masiibooyinka dhacaaya, aynu waayo aragnimo iyo talo aynu ka faa’idaysano.Kuwa ugu badan ee maalinta codaynta codeeyaa waa innaga, kuwa ugu badan ee badaha, saxaaraha iyo jeelasha ku haligmayaana waa inaga. Aynu isweydiino, horta odaygan baas ee aynu  daba soconaa, maxuu ina taraa, dhib mooyee maxaa dheef inaga  soo gala. Aynu isweydiino qabiilkan shaydaan ee aynu labo diblaha ugu xidhanahay, ee ina faruur xidhay, maxaa inaga soo gala. Maye intii jeer ee aynu codaynay, kuwii aynu u codaynay.

Ilaahay  ayaan idinku dhaarshee,wali ma jiraa, mid keena, mid uu ku soo noqday kii uu u codeeyay oo uu wax taray.

Inta ubad inaga tahriibtay iyo waxii caruur baduhu inaga liqiin, midna, wax kale yuu inoo tarine, intuu warbaahinta soo fadhiistay, tacsina ma inoo soo diray.Wali magafe ma inagaga qaybeen, oo aabe dhibaataysan oo ilmihiisi la haysto boqol shilin ma ka bixiyay kii uu u codeeyay, ee uu hadh iyo habeen u xiiqsanaa.

Waan hubaa oo jawaabtu waa “Maya”,hadaba ogow in horumarkeenu kaliya yahay, marka aynu xaga wanaaga u soo jeedsano, ee dadnimada iyo diintu ina dabraan.Haseyeeshee, inta ay qabyaalada iyo qudhunku ina jiifaan, ee aynu ku codaynayno kanaa ixiga, ee xataa haduu dib jir doox jooga yahay aynu dooranayno; Waa tan oo inoo abado ah. Ubadkeenuna waxay noqon in haad iyo haaruunba ka dhergo oo badaha yaxaasku ku kala goosto; iyo in saxaaraha ku dhimata oo abeesada iyo yeydu wadaagto;  iyo in gudaheena ku lee’ata oo gaajo iyo saxariir dilo, sidii kuwii Gobolka Awdal ku dhintay, ee ay abaaruhu ku laayeen.


Allaa Mahad leh.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com

Tuesday, December 29, 2015

Ila Dhugo.

In wax la dhisaa ma sahlana, oo wax dhisidu wakhti dheer ayay qaadataa. Waxa ay u baahan tahay in Maskax,Murug iyo maal la geliyo. Hasayeeshee, waxii la dhisay dumin toodu ma cusla, oo waxii tobanaanka sano la dhisaayay, waxa dumin kara wax yaabo yar yar oo is biirsada, kuwaasi oo intooda badan, ay suurto gal tahay in aanay ku iman ku talo
Garyaqaan: Jamaal Hussein Ahmed
gal, balse laga yaabo in ay si sidalaga oo ka fiirsi la’aana u dhaceen. Sidaasi darteed, si loo ilaaliyo sii jiritaanka waxii hore ee la dhisay; waa in markasta oo wax laysku khilaafo, oo arimaha qaar laysku af garan waayo; fal kasta oo lagaga falcelinaayo iyo talaabo kasta oo la qaadayaa noqdaan qaar si taxadir leh loo qaaday, oo maskaxda laga shaqaysiiyaa in ka badan sidii hore.Balse hadii aan taa la samayn, oo  talaabo kasta oo la qaadayaa noqon mid laga fiirsaday, oo wax kasta degdeg lagaga falceliyo, waxa natiijadu noqonaysaa mid aan la mahadin oo cid kastaa gadaal ka qamoomayso
.

Dawladii kacaanka, Siyaad Bare sanadihii u horeeyay ee hogaamintiisa waxa uu ku talaabsaday horumar aad u balaadhan oo bulshada somaaliyeed guud ahaan ay u guuxday. Balse taasi hore looguma sii socon oo markii danbe talaabooyin badan oo uu nidaamkiisi qaaday,kuwaasi oo badan koodu ahaayeen qaar aan laga fiirsan oo caadifad iyo kibir keeneen; waxa ka dhashay in mar qudha bulshadii uu xukumaayay badankeedi nidaamkiisi nacaan,oo ay ka hor yimaadaan.Sida aynu wada ogsoonayna ugu danbayn markii waano iyo wax u sheeg lagala quustay, waxa xaalku gaadhay “Cududaada Ayaa Cadaalad Kuu Haysa”, oo ilaa isaga iyo nidaamkiisi lag ridaayay qoriga ayaa shaqeeyay.  
Heestan hoos ku qoran, oo ah hees hogotusaale ah; Sidaan maqlay, waxay ka mid tahay, heesihii faraha badnaa, ee  wax  sheega iyo waanada ahaa, ee iyadoo isaga lala hadlaayo ( Siyaad Barre), cishqiga loo ee kaysiiyay .Aniga laftayduna caawa oo naftaydu xoog u talamayso iyada ayaan qaadayaa, ee ha layla dhugto.

 Wax badan baan, hogotusaale
Hoos iyo dulbaa, ugu idhoo
Meel kale aan u heelanaa
Bal taydana  aan hinjiyoo.
Naftayda mar aan holodoo
Heeraarta suugaanta galoo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubiin.
Dhaaxaay waanadaa habtee
Bal aan heesahaa ku dayoo.
Hadhkiyoo labadiisa gelin
Habeenku Way is riixayaan
Aduuna hawli kama dhamaan
Intaad hiigso leedahay.
Ho’heey Mawdkunaa
Ku hareer socdaa
Ha’duna mooyi  gooray noqon.
Waxaan heedhe aan  ku idhii
Ama se hooy aan ku idhii
Hagaaga lama daadiyee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee
Jacaylka hantaaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cunee.
……….
Sahra Ahmed Jaamac
Allaa Mahad leh.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com